shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

GUDNIINKA

                                                   (Shanta Soomaaliya, November 03, 2007 Ceegaag Online)

WAA MAXAY GUDNIIN?

Ereryga Gudniin waxa loola jeedaa Goyn, waana ta birta geedaha lagu gooyo lagu magacaabo Gudin. Haddaba marka laga eego xagga Sharciga Islaamka, gudniinka inanku (Circumcision) waxa weeye in laga gooyo Qolofta(Prepuce) oo iyadu ah maqaarka ku dahaaran Dhalfada (Balanus) oo ah madaxa xubinta taranka (Penus). Gudniinka Inantu (Clitorydectomy) waxa weeye in gabal laga jaro qolofta ku dahaaran Kintirka (Clitoris) oo isagu ah xubin kamid ah xubnaha taranka kuna dhacda dusha sare ee godka Cambarka. Kintirku waxa uu leeyahay shaqo aad muhiim u ah, isaga oo keena dareenka macaansi iyo biyabbax (Orgasm) ee haweeneyda xilliga galmada. Ha yeeshee, shucuubta xitaa kuwa hablohooda sunno gudeeya (siday dadka qaar ku magacaabaan), lama gooyo qolfada oo qura balse waxa lala jaraa Kintirka oo idil, halka gudniinka Fircooniga ah laga dabarjaro Kintirkii iyo dhammaamba faruuryihii Cambarka, sida aynu gadaal ka sharxi doonno.
 

Mowduuca gudniinku waxa uu kamid yahay mowduucyada aan wax badan laga qorin, aadna mooddo inay dadku ka hadalkiisa kaba xishoonayaan. Culimada Islaamka badankoodu ugama aanay hadal gudniinka sida ay uga hadleen waxyaabo badan oo ka ahmiyad yar sida; Cadaysiga. Tusaale ahaan, Imaam Xaamid Al-Gasaali silsiladdiisii kutubbada ee uu ugu magac daray (Soo noolaynta Culuumta Diinta), shan sadar oo qura ayuu kaga soo hadal qaaday gudniinka.
 

Arrimaha sababay inay culimada iyo dadka caamada ah labaduba ka gaabsadaan ka hadalka gudniinka, waxa ugu horreeya Qur'aanka kariimka oo isagu ah darka sharci dejinta Islaamka oon si toos ah iyo si dadban toona uga hadal mowduucaasi. Ma jirto hal Aayad oo - xitaa - laga dhadhasan karo jiritaanka gudniinku. Sidoo kale waxa la waayey hal xadiis oo saxiix ah oo waajibinaya amaba sunno ka dhigaya gudniinku.
 

GUDNIINKA RAGGA

Gudniinka raggu waxa weeye in gabal laga jaro maqaarka ku daboolan dhalfada geedka ninka, sidaas buuna jirku uga takhallusayaa wixii wasakh, jeermis, nijaaso iyo ur ku hoos jiray maqaarkaasi la jaray.

Daraasado badan oo ay sameeyeen culimada caafimaadku waxay ku caddeeyeen in cudurrada kaadi mareenka raggu (yar iyo weyn) ay ku badan yihiin kuwooda aan gudnayn. Waxa kale oo la caddeeyey in cudurrada galmada laysku qaadsiiyo sida Jabtida iyo Aydhisku ay aad ugu badan yihiin ragga aan gudnayn. Waxa weliba intaa dheer, lana ogaaday waqti fog in gudniinka raggu uu yareeyo cudurka Kansarka ee ku dhaca xubnaha taranka ragga iyo kan ku dhaca luqunta Ilma-galeenka dumarkooda. Waxa dalalka Yurub iyo Mareykanka jira dad badan oo isu guda si ay cudurradaasi uga badbaadaan.
 

Gudniinka ragga sida ay culimadu leeyihiin, waxa looga dayday Nabi Ibraahim (CS). Nabi Ibraahim (CS) oo isaga loogu yeero Nabiyada Aabbohood, waxa uu Eebbe ina farayaa inaynu qaadanno diintiisii, oo wixii isaga la faray waa inaynu qaadanno wixii laga reebayna aynu ka fogaanno.

Aayadaha Qur'aanka ah ee caddeynaya sida ay waajib inoogu tahay inaynu raacno Nabi Ibraahim (CS) way badan yihiin, waxana kamid ah:

(Ku dayasho wanaagsan baa idiinka sugnaatay Ibraahim iyo intii la joogtay).
(Markaas baan kuu waxyoonnay "Nabiyoow" in aad raacdid diinta "Nabi" Ibraahim ee toosan, kamana uusan mid ahayn "Ibraahim" Mushrikiinta).
(Yaa nacaya diinta "Nabi" Ibraahim ruux naftiisa xumeeyey mooyee, adduunkana "Ibraahim" waynu ku doorannay, Aakhirana wuxuu kamid noqonayaa kuwa suusuubban)
.

Su'aashu waxa weeye xaggee yaase guday Nabi Ibraahim (CS)?. Si aynu su'aashaasi uga jawaabno aynu mar labaad dib ugu noqonno Qur'aanka kariimka ah. Eebbe waxa uu Aayaddiisa ku leeyahay:
(Xusuusta markii "Nabi" Ibraahim Eebbihiis ku ibtileeyey ereyo, uuna dhammaystiray. Waxa uu "Eebbe" yiri: Dadka ayaan Imaam kaaga dhigayaa. Wuxu "Ibraahim" markaa yiri: Dhashaydana "ka dhig". Waxa uu "Eebbe" yiri: Ballanqaadkayga waxba kuma laha dulmilowyaashu).

Ereyada Nabi Ibraahim (CS) lagu ibtileeyey, waxa uu ibnu Cabbaas (RC) ku fasiray inay ka koobnaayeen; Shan madaxa khuseeya kalana ah; Shaarib gaabinta, Luqluqashada, San daarsiga, Cadaysiga iyo Sheexaysiga, iyo Shan khuseeya Jirka kalana ah; Ciddiyo jarista, Bisaq xiirista, Gudniinka, Kilkilo rifista iyo Istinjada (Saxaro iyo Kaadi iska dhaqista). Tafsiirka Qur'aanka (Jawaamicil-Jaamic) ee uu qoray Ad-Dhabariy waxa uu leeyahay: (Ereyada waxa la yiri waxa weeye: Shan madaxa ah; Sheexeysiga, Shaarib jarista, Cadaysiga, Luqluqashada iyo San daarsiga iyo Shan jirka ah; Gudniinka, Bir ku xiirashada, Istinjada, Ciddiyo iska jarista iyo Kilkilo iska rifidda).

Nabi Ibraahim inuu isguday waxa caddeynaya Xadiis saxiis ah oo uu weriyey Abuu Hurayrah, uuna Rasuulku "SCW" ku yiri: (Ibraahim "CS" waxa uu isku guday Qadduum isagoo siddeetan jir ah). Micnaha Qadduum culimadu qaarba si bay ku macneeyeen. Qaar baa ku fasiray meel ka tirsan Shaam, halka qaar kale yiraahdeen waa aaladdii uu Nabi Ibraahim (CS) isku guday, waxana loo badan yahay inay ahayd Faas ama Gudin.

Culimadu waxay sheegaan in Nabi Ibraahim (CS) uu ahaa qofkii ugu horreeyey ee: Isguda, Ciddiyaha iska jara, Surwaal gashada, Shaaribka gaabiya, Kaba kabsada, Seef ku dagaallama, iyo weliba qofkii ugu horreeyey ee ay Madaxiisa Cirro kasoo baxdo.
Haddaba kol haddii Nabi Ibraahim la faray inuu isgudo, waajib bay ahayd taasi la saaray. Saa darteed waxa annagana haddaynu Muslimiin nahay ina saaran isla waajibaas Aabbeheen Nabi Ibraahin (CS) uu Eebbe saaray
.

Nabigeennii suubbanaa Muxammad (SCW) waxa la weriyey inuu dhashay isagoo gudan. Ibnu Cabbaas (RC) waxa uu yiri: (Nabigu "SCW" waxa uu dhashay isagoo gudan xudduntiisuna go'antahay, markuu awoowihiis Cabdul-Muddalib umuurtaas arkayna waxa uu yiri: Wiilkeygani waxa uu noqon doonaa mid meel sare gaara). Xadiis kale oo uu weriyey Anas ibnu Maalik waxa uu ku sheegay in Nabigu (SCW) yiri: (Karaamooyinka Eebbe igu karaameeyey waxa kamid ah in aan dhashay anigoo gudan iyo in aan cawradeyda cidi weligeed arag).

GUDNIINKA RAGGA
IYO RA'YIGA CULIMADA

Intaynaan arrintaas u gelin, bal marka hore aynu dib ugu laabanno Carabtii hore iyo Casrul-Jaahiligii. Carabtii hore ninka buuryo qabka ah ee aan gudnayn way caayi jireen, waxana taas lagu xaqiijiyey gabayadii la tiriyey xilligaas. Buuryo qabku waxa uu ahaa qof dhiman oo la liido, waxana uu tusaale iyo bar tilmaameed u noqon jiray gabyaa kasta oo cid jab iyo caay la maaggan.
 

Gudniinku haddaba Islaamka ka hor waxa uu ahaa caado fac-ka-fac layska dhaxlay, waxana intaa dheerayd iyada oo kolka gaban la gudayo loo samayan jiray xaflad iyo waliimo gaar ah oo dadku isugu yimaado.

Haddaba kolkuu Islaamku yimid, gudniinka raggu waxa uu kamid noqday caadooyinkii la ansixiyey, ha yeeshee culimada diintu ilaa iyo iminkadan la joogo, inkastoo dhammaan ku qanacsan yihiin in wixii Nabi Ibraahim (CS) la faray ay annagana ina saaran yihiin, misana kuma aanay heshiin in gudniinku waajib yahay iyo inuu sunno yahay midnaba.

Ibnu Xajar, isagoo ka hadlaya ra'yiga culimada Islaamku ay ka qabaan gudniinka, waxa uu usoo koobay sidatan: (Gudniinka waxa waajibiyey Shaafici iyo dadkii raacay badankooda, waxayna qaarkood gaarsiiyeen heer ay yiraahdeen ninka qaangaarka ah Islaannimadiisu taam ma aha ilaa laga gudo. Imaam Axmed iyo Maalikiyada qaar waxay yiraahdeen waa waajib, halka Abuu Xaniifah ka yiri waa sunno).

Ibnul-Qayyim waxa uu yiri: (Fuqahadu way isku khilaafeen arrinka. Culimo badan ooy kamid yihiin Shaafici, Maalik iyo Axmed way waajibiyeen, isagoo weliba Imaam Maalik uu aad u adkeeyey oo yiri: Ninkaan la gudini Imaam ma noqon karo, maragna ma geli karo oo dhaartiisa lama aqbalo.

Xasan Al-Basri iyo Abuu Xaniifah waxay iyagu yiraahdeen waa sunno ee waajib ma aha. Ibnul-Qudaama isna waxa uu sheegay in gudniinku ragga waajib ku yahay, waxanu intaa raaciyey "Hadduu nin da' ahi Islaamo oo naftiisa uga baqo gudniinka waa laga deynayaa".

Sheekhul-Islaam ibnu Teymiyah kolkii la su'aalay: (Ka warran qof Muslin ah, Qaan gaar ah, Caqli leh, Sooma, Salaaddana tukada, ha yeeshee aan gudnayn oon daahir ahayn, ma bannaan tahay taasi?. Qofkii guditaanka iska daayase muxuu xukunkiisu yahay?). Waxa uu ku jawaabay: ( Haddaanay dhibaato ka soo gaarayn waa la gudayaa, maxaa yeelay waa mashruuc Islaami ah ooy culumada Islaamku isku raaceen, Shaafici iyo Axmed way waajibiyeen, Ibraahiim (CS) siddeetan jir kedib ayuu isguday, dhibaatada ka imaanaysana waxa lagala tashanayaa dhakhaatiirta, oo hadduu masalan "xilliga" Xagaaga dhibayo waxa dib loogu dhigayaa waqti kale, Ilaah baana garanaya).

Xasan Al-Basri waxa uu leeyahay: (Rasuulka (SCW) waxa ku ag islaamay Caddaan, Madoow, Roomaan, Faarisi iyo Xabashi, midkoodna weligii ma aanu feteshin "si uu u hubiyo inu gudan yahay iyo in kale").

Ibul-Jowziyah baase ka jawaabay hadalka Xasan Al-Basri isagoo leh: (Looma baahnayn in la fetesho, maxaa yeelay Carabtii islaamtayna waabay gudnaayeen oo waxay ahayd caadadooda, Yuhuudduna way gudnaayeen, Nasaaraduna waxay u qaybsanaayeen qaar gudan iyo qaar aan gudnayn, kuwaan gudnaynna waxay ogaayeen in halkudhigga Islaamku yahay gudniin, saa daraadeed iyagaaba iskood isu gudi jiray kolkay Islaamaan siday u qubaysan jireen, qofkii da' ah oo ay dhib ku tahayna cafis ayuu ahaa).

SIDEE GOORMAASE INANKA LA GUDAYAA?

Waxa Qolfada laga gooyaa qayb goynteedu ay suurtagal ka dhigi kartyo in dhalfada oo dhan amaba inteeda badani ay qaawanaato. Inamada qaar baa qolfo la'aan ku dhasha (iyagoo gudan), haddaba ubadka caynkaas ahi gudniin uma baahna haddii ay qolfadoodu intii loo baahnaa ka go'antahay, haddiise aanay wada go'nayn waa la dhammaystirayaa.

Gudniinku waxa uu leeyahay laba waqti oo kala ah: Waqti uu waajib yahay kaasi oo ah waqtiga qaan gaarka iyo waqti uu sunno yahay oo ah intaanu qofku qaan gaarin. Waxa sunno ah bay culimadu leeyihiin in ilmaha la gudo waqi u dhexeeya marka uu dhasho ilaa iyo toddoba jirkiisa, waqtigaasi oo u naxariis badan, dhaawacuna bogsoon ogyahay. Culimada badankoodu waxay isku raaceen inay wanaagsan tahay in la gudo maalinta toddobaad ee dhalashadiisa, in uu taag daranyahay mooyee, markaasi oo dib loogu dhigayo. Xadiis ay Xaakim iyo Beyhaqi soo wada saareen waxay Caa'ishah (RC) ku tiri: (Nabigu "SCW" waxa uu Xasan iyo Xuseen guday maalintii toddobaad ee dhalashadooda). Imaam Nawawi waxa uu kitaabkiisii (Ar-Rowdah) ku qoray sidatan: (Gudniinku waxa uu waajibayaa waqtiga uu qofku qaan gaarayo, waase sunno in toddobo lagu gudo, in uu taag daran yahay oo aanu xammili karin mooyee, markaasi oo ay tahay in dib loo dhigo).

GUDNIINKA DUMARKA

Qur'aanka kariimka ah laga heli maayo hal Aayad oo gudniinka hablaha si toos ah iyo si aan toos ahaynba uga hadashay. Mana jiro Xadiis saxiix ah ama go'aan ay culimadu isku raaceen oo gudniinka banneynaya. Kitaabka Fiqhi Sunna waxa ku soo aroortay inay Axaadiista ka hadlaysa gudniinka habluhu dhammaantood daciif yihiin oo aanu mid saxiix ahi ku jirin. Nabigu (SCW) waxa uu dhalay afar gabdhood inuu gabdhihiisa gudayna sunnadiisa iyo siiradiisa midna laguma sheegin.

Sheeko laga soo xigtay kitaabka (Qisasul-Anbiyaa') ee uu (Thaclaba) qoray, waxa ay leedahay sidatan: (Saarah waxa dhalay boqor kamid ahaa boqorradii xilligaa jiray, waxayna ahayd gabar qurux badan, Ibraahiim (CS) baana guursaday. Iyadoo ay Saarah la socoto ayuu Ibraahiim soo maray boqor kale, markaas buu boqorkii Ibraahim (CS) weydiiyey cidday gabadhu tahay. Ibraahiim markuu boqorkii uga sheekeeyay cidda ay Saarah tahay buu ka baqay inuu damco, markaas bay labadoodu intay boqorkii habaareen buu labada lugood iyo labada gacmoodba ka qallalay. Boqorkii baa markaa Ibraahiim ku yiri: Waan ogohoo adaa saa iyeelaye Ilaah ii bari inu icaafimaadiyo, anna waxan kuugu dhaaranayaa inaanan dhibaato idiin geysanayn. Markaas buu Ibraahiim u duceeyey oo Eebbe caafimaadkiisii usoo celiyey. Boqorkii baa markaas yiri: Naag sidaan ahi inay isu adeegtaa waa khalad, suu dabeeto Haajar siiyey si ay ugu adeegto. Saarah waxay Ibraahiim ku tiri: (Haajar waan kuu hibeeyee orodoo u galmoo). Haajar waxay qaadday uurka nabi Ismaaciil, Saarana waxay isla markiiba qaadday uurka nabi Isxaaq. Labadii wiil baa dhashay weyna isla koreen.

Maalin buu Ibraahiim (CS) wiilashii soo orotamiyey, markaas baa waxa soo hor maray Ismaaciil, suu dhabtiisa ku fariisiyey halka uu Isxaaq dhinaciisa fariisiyey. Falkaasi waxa uu ka careysiiyey Saarah oo arkeysay waxa dhacayey, waxayna tiri: (Addoonta inankeedana dhabtaad ku fariisinaysaa inankaygana agtaadaad fariisinaysaa soow ma aha?). Halkii bay ku masayrtay, waxanay ku dhaaratay inay Haajar jirkeeda cad ka jari doonto suuraddeedana beddeli doonto. Ibraahiim baa markaas ku yiri: "Gud, labada dhegoodna ka dalooli". Sidii bay yeeshay, waxanay ahayd markii ugu horreysay ee dumar la gudo dhegana laga dalooliyo).

Kitaabka uu qoray Ibnul-Qayim Al-Jowziyah (Tuxfaul-Mowduud bi Axkaamil-Mowluud) iyo kan kale ee Ibnul-Kathiir (Al-Bidaayah wan-Nihaayah), labadaba waxa ku qoran sheekadan mid lamid ah, inkastooy saddexda sheeko meelaha qaar ku kala duwan yihiin.

Xadiiska ugu caansan ee arrinta ka hadlay waa kii la sheegay in haweeney lagu magacaabi jiray Ummu Cadiyah oo hablaha magaalada Madiina ku gudi jirtay uu Rasuulku "SCW" ku yiri: (Ummu Cadiyooy ursii hana tabar tirin, isagaa wejiga u farxad badan ninkana u fiicane).

Xadiiska siyaalo kala duwan baa loo weriyey,Ummu Cadiyana mararka qaar waxa lagu magacaabay Ummul-Xabiibah, guud ahaanna culimadu waxay isku raaceen inuu Daciif yahay oo aan lagu kalsoonaan karin.

Haddaynu xitaa ka dhigno inu Xadiisku saxiix yahay, toosinta ku jirtaa ma aha amar uu Rasuulku (SCW) ku bixiyey in hablaha la gudee waxa weeye qaabkii loo gudi lahaa haddiiba la gudayo. Ereyga (ursii) micnihiisu luqad ahaan waxa weeye (Sanka uun u saar), ka kale ee "ha tabar tirin" isna waa "ha wada goyn oo ha dilin", waxana labada ereyba loola jeedaa in qayb aad u yar uun laga jaro inta muuqata ee goobta la gudayo (Kintirka), maxaa yeelay haweeneyda sidaasaa wejigeeda u farxad badan maadaama ayisu arkayso inay markaasi tahay qof nool oo dareen iyo shahwo leh, ninkana u fiican, sababtoo ah nin kastaa hadduu arko haweeneydiisii oo howsha la wadda, dabcan waa uu kusii kacayaa.

Jaaxid waxa uu yiri: ( Carabtu way gudi jireen ragga iyo dumarka labadaba laga soo billaabo Ibraahiim (CS) ilaa maantadan aynu joogno) Waxa uu weliba intaa raaciyey: (Hindidu wax kasta carabta waa kala mid aan ka ahayn guditaanka ragga iyo dumarka, waxana ay taas u yeelayaan aqoonta dheeriga ah eey u leeyihiin shahwo kicinta).
Ummul-Muhaajir waxa laga weriyey inay tiri: (Annagoo dhowr hablood ah bay muslimiintu na qabsadeen markay la dagaallamayeen Roomanka, markaas buu Cusmaan bin Caffaan (RC) inoo soo ban dhigay inaynu islaanno, intii kale markaa way diideen aniga iyo gabar kale mooyee. Markaas buu yir: Guda "labadooda" oo daahiriya, sidaas baan Cusmaan ugu noqday adeegto). Gudniinka dumarka lagama yaqaanno dalalka loogu yeero galbeedka Carabta (Tuniisiya, Marooko, Liibiya) iyo dalal kale oo Islaam ah. Wararku waxay sheegayaan in Carabtu adeegtooyinka (dumarka addoomaha ah) oo qura ay gudi jireen. Maalik waxa laga weriyey inuu yiri: (Ninkii adeegto iibsadaa hadduu doonayo inu haysto ha gudo hadduu doonayo inuu sii iibiyase kuma qasbana gudniinkeeda).

Kolkii Ibnu Teymiyah la weydiiyey haweeneyda ma la gudayaa?, waxa uu ku jawaabay: (Ilaah baa mahad leh, haah waa la gudayaa guditaankeeduna waxa weeye in laga jaro foodda sare ee maqaarka dhoowka Diiqa u eg, naag hablaha guddana Rasuulku "SCW" waxa uu ku yiri: U ursii awooddana ha ka qaadin wejigana saasaa u farxad badan ninkana u fiicane. Ulajeeddada laga leeyahay gudniinka ninku waa in la saaro wasakhda ku qarsoon qolfada, gudniinka dhaweeneydana waa in la dheellitiro rabitaankeeda, haddaanay naagtu gudnayn waxay noqotaa mid aanay waxba deeqin). Dhammaad warkii Ibnu Taymiyah.

Dadka u ole'oleeya gudniinka dumarku waxay soo daliishadaan Xadiis saxiix ah oo laga weriyey Caa'ishah "RC" Nabiguna "SCW" ku leeyahay: (Labada gudniin hadday kulmaan qubays baa waajibay). Xadiiska Maalik baa ku weriyey kitaabkiisa Al-Mowdi', Muslimna Saxiixiisa, Tirmidi iyo ibnu Maajan Sunankooda. Waxayna ole'oleeyeyaashu ku andacoodaan in ereyga 'Labada gudniin" uu daliil u yahay gudniinka ragga iyo dumarka labadaba. Ha yeeshee dadka kasoo horjeeda gudniinku iyana waxay ku doodayaan in ereygaasi aanu daliil u noqon karin gudniin dumarka. Waxay leeyihiin Afka carabiga kolka laba wax la magacaabayo waxa labadoodaba lagu magacaabaa magaca kan caansan ama awoodda badan. Waxay tusaale usoo qaadanayaan ereyo fara badan sida Al-Qamaraan (labada Bil) oo loola jeedo Bisha iyo Qorraxda, Al-Cishaa'aan (labada Cishe) oo loola jeedo Maqribka iyo Cishaha, Al-Duhraan (labada Duhur) oo loola jeedo Duhurka iyo Casarka, Al-Abawaan (labada Aabbe) oo loola jeedo Aabbaha iyo Hooyada. Waxay tusaale xoog leh usoo qaateen Aayadda Qur'aanka ah:

Labada Bad kan hore ee macaani waa Webi kan dambe ee qaraarina waa Bad. Sidaa daraadeed bay leeyihiin sunnada Nabiga ee saxiixa ah meelna kama soo galo gudniinka habluhu, waxa lagu doodayo oo Xadiisyo ku saabsan habla gudistuna gebigood waa wada daciif aan shir lala tegi karin, arrinkuna ma sii dhaafsana caado uu Islaamku u daayey waqtiga iyo horumarka cilmiga ama iyagu ha toosiyaan ama ha tiraane.

Ibnul-Jowziy waxa uu diiday in hablaha dhegaha loo dalooliyo oo waxa uu taa ku tilmaamay inay tahay is shaabadeyntii Rasuulku (SCW) uu yiri: (Eebbe waa Lacnadaa ta is shaabadeysa iyo ta wax shaabadeysa). Ibnul-Jowziy waa uu xaaraantinimeeyey dhegaha hablaha yaryar loo daloolinayo maadaama ay xanuun ku keeneyso, ha yeeshee waa uu oggolaaday in hablaha la gudo. Haddaba, isagoo sharraxaad ka bixinaya sababaha uu u banneeyey gudniinka waxa uu yiri: (Faa'iidooyinka gudniinka waxa kamid ah nadaafadda, isqurxinta, suurad hagaajinta iyo toosinta shahwada oo iyada haddii laysa badbadiyana dadku Xayawaannada kamid noqonayo haddii iyadoo dhan la waayana uu ma noolaha kamid noqonayo, gudniinka ayaa shahwada toosinaya waxanad taa ka garan kartaa kolka aad aragtid ninka iyo naagta aan la gudini inaanay weligood galmo ka dhergeyn).

Daarta Fatwada Masaaridu way banneysay gudniinka dumarka. Sheekh Jaadal-Xaq Cali Jaadal-Xaq markuu arrinkaas ka fatwoonayey waxa uu soo qaatay Xadiiskan: (Dumarkii Madiina u haajiray waxa kamid ahayd Ummu-Xabiibah oo lagu yaqaannay habla gudka. Markuu Rasuulku (SCW) Ummu-Xabiibah arkay ayuu weydiiyey: Arrinkii aad gacanta kula jiri jirtay miyaad maantana sidii ugula jirtaa? Markaas bay tiri: Haa Rasuulkii Allow, haddaanu xaaraan ahayn oodan iga reebeyn. Markaasuu Rasuulku (SCW) yiri: Mayoo waa xalaale iisoo dhowoow aan ku baree. Markay usoo dhowaatayna wuxuu ku yiri: (Ummu-Xabiiboy haddaad yeesho ha daalin (ha wada gooyn = ha dabar jarin), isagaa wejigana fura ninkana u wanaagsane). Sheekh Jaadal-Xaq Xadiiskan waxa uu ka soo qaatay kutubbada Shiicada sida la xaqiijiyey, kitaab Sunni ah oo laga helayaana ma jiro.

Waxaynu halkaa ka garan karnaa in gudniinka dumarku aanu ahayn waajib iyo sunno toona, balse uu yahay caado uu Islaamku u daayey samanka iyo hadba inta uu cilmigu horumaro, oo iyadoo cilmiga lala kaashanayo lagu soconayo ama la'iska deynayo.

GUDNIINKA FIRCOONIGA

Gudniinka Fircooniga ahi waxa weeye caado aan wax shaqo ah ku lahayn diinteenna Islaamka, balse soo jirtay kumanaan sano, ayna faraaciintii hore dadka ku khasbeen, gaar ahaan casrigii Ramsiis oo ahaa kun sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise (CS).

Faraaciintu kolkay Suudaan (Dhulkii Nuubiyiinta) qabsadeen sidoo kalena boqorradii Nuuba ay Masar qabsadeen bay caadada gudniinka Fircooniga ahi waxay ku fidday Waadiga Niil, ilaa iyo waqtigaan la joogana way ka jirtaa. Ma jirto dunida meel aan Waadiga Niil iyo waddamada ku dhowdhow ahayn oo laga yaqaan caadadaasi. Tusaale ahaan, lagama yaqaan dalalka waqooyiga Afrika ee Muslinka ah, Shaam, Ciraaq, Jasiiradda Carabta iyo Yaman toona. Waxa la hubiyey in gudniinka caynkaasi ah laga isticmaalo oo qura dalalka Masar, Suudaan, Soomaaliya iyo Kiinya.

Intaynaan u gelin dhibaatooyinka gudniinka Fircooniga ah, bal aynu marka hore sharrax gaaban ka bixinno Xubnaha Taranka Dumarka, si ay akhristaha ugu sahlanaato inu ogaado waxa dhacaya.

Xubnaha Taranka dumarku (Qaybaha sare) waxay ka kooban yihiin:

- Faruuryaha waaweyn: Waa laba lakab oo maqaar ah, kana billowda bisaqleyda jiitamana ilaa lafta dabaqanaanta halkaana ku milma. Faruuryuhu waxay ka samaysan yihiin gaballo xayr iyo carjaw isugu jira iyo shabakad dareemeyaal aad u dareen fudud ah. Waxa kale oo ka dhex buuxa xididdada dhiigga qaada oo soo gaarsiiya dhiig aad u fara badan.

- Faruuryaha yaryar: Waa laba lakab oo maqaar khafiif ah, kuna dhaca dhanka gudaha ee faruuryaha waaweyn, waxana laftooda soo gaara dhiig aan yarayn. Dhanka gadaale, faruuryaha yaryari waxay ku kulmaan xuubka bikaarada, dhanka horena waxay daboolaan Kintirka. Faruuryaha yaryar waxa dhinaca dambe kaga dhex jira daloolkii hoose ee Cambarka dhanka horena kii kaadida.

- Kintirka: Waa xubin u dhiganta geedka ninka kolka laga eego xagga kicitaanka iyo dareenka, waxana ku dhexjira xididdo fara badan oo dhiigga qaada. Kintirku sidaynu soo sheegnayba waxa uu ku yaal halka ay ku kulmaan labada faruuryood ee yaryar dhankooda hore, salkiisuna waxa uu ku dhow yahay daloolka kaadida. Kintirka ciyaar ciyaar looma abuurin, balse waxa uu leeyahay shaqo dabiici ah oo aad muhiim u ah. Sida geedka ninku u kaco ayuu Kintirkuna u kacaa, dabeetana labada faruuryood ee waaweyn dhiig ka soo buuxsamaa, qanjirraduna dheecaan soo daayaan fududeeya howsha galmada, haweeneydana siiya dareenka macaansi ee howshaasi galmo.

Xubnaha taranku waxay leeyihiin shaqo leh qaayo aad u weyn, taasi oo ah sidii isku si looga qaybgeli lahaa shaqada Bayoolojiyeed ee muhiimka ah.

FULINTA GUDNIINKA FIRCOONIGA

Markanna aynu fiirinno waxyaabaha dhacaya kolka gabadha la gudayo. Gudniinka Fircooniga ahi waxa uu khasab ka dhigayaa in la jaro qayb kamid ah Faruuryaha waaweyn iyo in gebi ahaanba la dabar jaro Faruuryaha yaryar iyo Kintirka. Dabeeto qori dhuuban (sida kan cuudka kabriidka) inta la dhex suro faruuryihii waaweynaa ee qaybta laga jaray baa markaa dhinacyada laga soo qodbaa, amaba lama qodbee, labada bawdo ee inanta layku dabraa, si dhaawacii faruuryuhu isugu bogsado (baanto). Afartan beri kedib baa dabarka laga furaa si loo hubiyo inuu cambarkii gebi ahaamba isku baantay. Qoriga yar ee dhexda la suray waxa loogu talo galay in kolkay faruuryuhu isku baantaan ay reebaan dalool ay inantu ka kaadiso kolkay qaan gaartana dhiigga caadadu uu kasoo baxo.

Sidaas baa haddaba dumarkayaga looga xayuubiyaa xubintii taranka ee Eebbe u sameeyey. Inanta sidaa loo galay waxa nafteeda iyo nolosheeda hareeya nacayb iyo cadawtinimo, mar haddaanay galmada ninkeeda ugala qaybgeli karin sidii dabiiciga ahayd ee laga doonayey. Waxay weysaa raaxadii ay ka heli lahayd galmada saxda ah, waxana nafteeda ku dhasha welwel iyo walbahaar, dareentaana inay baadi tahay, dhankay dabayshu u socotana ka hor jeeddo, iyadoo weliba isu qaadata inay samaynayso hawl ay ku khasban tahayna. Haweeneyda caynkaasi ah waxa ku abuurma cudurro nafsiyeed, jireed iyo jinsiyeed fara badan, waxayna isu dhiibtaa xanuun iyo taag darri ugu dambaynta ku dhaliya qabow jinsiyeed (Kacsi la'aan), waana aafada ugu daran ee qayb libaax ka qaadata khilaafaadka maanta guri Soomaaliyeed oo ka marani uu yaryahay.

DHIBAATOOYINKA
GUDNIINKA FIRCOONIGA

Waxaynu si kooban uga soo hadalnay dhibaatooyinka tooska ah ee ka dhasha gudniinka Fircooniga ah, ha yeeshee bal markan aynu wax ka taabanno dhibaatooyinka aan tooska ahayn ee gudniinkaasi keeno.

1- Shoogga Qalliinka: Shoog xoog leh baa ku dhasha shaqada xubnaha jirka oo dhan, gaar ahaan kolka inanta la gudayo iyadoon la kabaabyayn. Shooggaasi waxa uu keenaa bareesharka dhiigga oo aad hoos ugu dhaca iyo xawaaraha neefsashada oo yaraada, waxyaabahaas oo isu geyntoodu ay geeri keeni karaan. Shoogga qalliinku waxa kale oo uu inanta ku abuuraa baqdin joogta ah iyo galmada oo aanay jecleysan.

2- Dhiig bax: Waxa taas keena haweeneyda inanta gudaysa oon haba yaraatee wax aqoon ah u lahayn xididdada dhiigga qaada ee goobaha ay jarayso ka buuxa. Hablo badan baana gowracaasi naxariis darrada ah awgiis dhiig bax ugu dhintay.

3- Laxaw iyo Hambalaaluq: Sababtu waxa weeye aqoon darri ku saabsan aasaasiyaadka cilmiga caafimaadka. Hambalaaluqa waxa keena cudur sideyaalka soo raaca Aaladda aan nadiifka ahayn amaba mararka qaar ruujinada ah ee inanta lagu gudayo iyo jawiga guud ee ay ku nooshahay labadaba.

4- Kaadida iyo Dhiigga Caadada oo ku xirma: Waxa laga yaabaa in kolka gowraca (gudniinka) la samaynayo uu daloolka kaadidu dhaawacmo maadaama uu si ba'an ugu dhow yahay Kintirrka la dabar jarayo. Waxa kale oo laga yaabaa in daloolka dusha sare lagu abuurayaa (Ilaah baa wax abuuri karee) uu aad ciriiri u noqdo oo laftiisu qayb ahaan ama guud ahaanba dhaawaca la bogsoodo. Arrintu uma baahna sharraxaad intaas ka badan bay ila tahay, maadaama meesha aan ka guuxayo la wada garanayo.

5- Xanuunka Nifaaska: Mar kasta ooy haweeneydu ummulayso waxa lagama maarmaan ah in lagu isticmaalo Maqas iyo Middiyo, si loo dillaaciyo looguna sameeyo dalool uu ilmuhu soo dhaafi karo, mashaqadaasi oo haweeneyda miskiinta ah ugu filan inu ku yimaado xanuunka Nifaaska ee dilaaga ahi. Waxa kale oo ka fekerka qalliinka ku soo fool lihi haweeneyda ku dhaliyaa baqdin iyo welwel gaarsiin kara in ilmihii kaba soo bixi waayo, ooy markaasi qalliin kii hore kasii xag jira u baahato si ay u ummusho.

6- Madhalaysnimo: Tirakoobyadu waxay sheegayaan in dumarka dalka Suudaan ee madhalayska ah 20- 25% gudniinka Fircooniga ahi uu sabab u yahay madhalaysnimadooda.

7- Ugu dambayntii, xanuunka uu gudniinka Fircooniga ahi ku reebayo nafsiyadda gabadha, kana dhasha jeexista iyo tolista joogtada ah mar kasta ooy ummulayso ayaaba dhibaato oo dhan ugu filan haddii dhab loo fekerayo.

GUDNIINKA FIRCOONIGA
IYO RA'YIGA DIINTA

Culimada Islaamku gebi ahaanba way kasoo hor jeedaan gudniinka Fircooniga ah, waxayna leeyihiin iskaba daa in gudniinka caynkaas ahi waajib, sunno amaba sharaf yahaye, waxa weeye burcadnimo iyo beddelis abuurka Eebbe. Ilaah waxa uu lacnaday haweenka is shaabbadeeya iyo kuwa wax shaabbadeeya labadaba. Shaabbadu waxa weeye in cirbad iyo wax lamid ah jirka qayb kamid ah lagu mudmudo, si goobahaasi midab cagaar ah loogu sameeyo. Caadadaasi ilaa iyo maanta waxay ka jirtaa dalal badan waxana tusaale loo soo qaadan karaa dalka Itoobiya, ooy dumarku ciridka cagaarsadaan.

Haddaba culimada diinta Islaamku waxay gudniinka Fircooniga ah u ictibaareen inuu yahay shaabbadeyn, waxayna yiraahdeen waxa weeye beddelis la beddelayo abuurka Eebbe.

Culimadu kolkay diidayaan gudniinka Fircooniga ah waxay daliishanayaan Aayado Qur'aan ah oo fara badan ayna kamid yihiin:

(Wax kasta asagaa abuuray oo weliba si qiyaasan u sameeyey)

(Waa abuurka Eebbe uu dadka ku abuuray wax abuurka Eebbe beddeli karaana ma jiraan).
(Wuuna idin sawiray dadoow suuraddiinnana wuu wanaajiyey, isagaana loo noqonayaa "Aakhiro").

(Waana "Eebbe" kan idiinku sawira Ilma-galeenka dhexdiisa siduu doono, Ilaah kale ma jiro, waana dad ka deeqtoone xikmad badan).

(Dadka waxaynu ku abuurnay muuqaal kan ugu wanaagsan).

(Wax kasta waxaynu ku abuurnay qiyaas "go'an oon isbeddelin").

(Dadoow maxaa kugu diray Eebbahaaga sharafta leh ee ku abuuray, ku ekeysiiyey kuna simay, siduu doonana kuu sameeyey).

(Waxa uu "Sheydaan" yiri: Waxan addoomankaaga ku yeelanayaa qayb sugan. Waan luminayaa, waan rajo gelinayaa, amarna waan siinayaa, waxayna markaa jeexjeexayaan dhegaha xoolaha, amar baan siinayaa, waxayna beddelayaan abuurka Alle, ruuxii "Eebbe ka sokow" sheydaan talo saartana khasaare cad buu khasaaray).

Haddaba goynta qayb jirka ka tirsan oo nabad qabtaa waxay kahor imaanaysaa dhammaan Aayadaha aynu kor kusoo sheegnay. Waxaba ugu siid daran Aayadda ugu dambaysa oo qofka dhegaha xoolaha jeexjeexaya ku tilmaantay qof abuurka Alle beddelaya shaydaanna ka amar qaata. Haddaba mar haddiiba dhegihii xoolaha jeexjeexiddooda shaydaan lagu adeecayo, miyaanay taas kasii dembi badnayn in jir bani'aadam oo aan jirranayn la jarjaro?.

Ninka oggolaada in inantiisa qaabkaas aan ka soo sheekeynay loo gudo, diinta Islaamka waa uu ku lacnadan yahay, waxana uu geystay dembi kamid ah Kabaa'irta aanu Eebbe cafin, waa siday culimadu go'aamiyeene. Waxa kaa lamid ah hooyada raalli ka noqota, gowraca gabadheeda iyo islaanta dhiigya cabka ah ee iyadu shaqo ka dhigatay inay dumarkeenna ka disho dareenkii dumarnimo ee Ilaahood ugu deeqay.

Dadka qaar aan xilkas ahayn baa ku dooda in gudniinka Fircooniga ahi dumarka dhowrsanaan u kordhinayo. Haddaba hadduu arrinku sidaa yahay, muxuu Eebbe u abuuri waayey haweenku iyagoon lahayn xubnahaa laga xayuubinayo?. Miyaanu Eebbe oran Insaanka waxan ku abuuray suurad tan ugu wanaagsan?. Mise suurad Ilaah sameeyey baa cid kale toosin uga baahan?.

Dalkeenna waxa sanad kasta lagu dib gooyaa kumanaan dumar ah iyadoo loo adeegsanayo magaca Eebbe, waxana la marsiiyaa cadaab iyo xanuun ay dunida ku arkaan kan ugu daran. Haddaba haddaynu Soomaali nahay waxa nala gudboon in aynu joojinno jariimada iyo dhiigga sabab la'aanta looga daadiyo dumarkeenna oo soo jiitamayey muddo qarniyaal ah.

Maqaalkaan waxan kusoo afjarayaa Buraambur ay tirisay gabar Soomaaliyeed oo ka dhiidhinaysa gudniinka Fircooniga ah, kuna boorrinaysa dumarka inay u hub qaataan dabargoynta caadadaasi xun een dhaawac mooyee dheef kale lahayn:


Haddaad Gabadhiinnii Soomaaliyeey guddaan.
Gerweyn waxad mooddo iyo galeef uqaadataan.
Hadduu gobo' leeyo dhiiggeedu goor walbaba.
Soow dhib la geystiyo gardarreysi soow ma aha.
Haddaad gabdhiinnii guurkeedi dhaawacdaan.
Ood ka wada gooysaan cadkii gaarka u ahaa.
Ooysan gacal moodin kii caawa loo gelbiyo.
Wuxuu ugudaayoo u galaaba aysan garan.
Soow dhib la geystiyo gardarreysi soow ma aha.
War goob kastood joogtaan dumarow soo gurmada.
Dagaal dabargoyn gudniin u soo wada guntada.
Gefkaa joojiya ku dhaha gaarsiiya guri walbaba.
Oo ka guulkeenoo ka gungaara waxaan gurracan
.

TIXRAAC BUUG

1- Xukunka Sharciga ah ee Gudniinka Ragga iyo Dumarka Dr. Maxamed Bin Ludfi As-Sabbaaq.


2- Gudniinka Ragga iyo Dumarka ee diinaha Yuhuudda, masiixiyiinta iyo Islaamka Dr. Saami Cawad Ad-Diib.

Waxaa Soo Minguuriyay: Sabriye Macallin Muuse

  

webmaster@ceegaag.com