shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qabsashada Laascanod iyo qorshaha Ethiopia &Dowladaha reer Galbeedka Gaalada ah

                                                   (Soomaaliya, November 05, 2007 Ceegaag Online)

Qormadii: Essa Mohamoud

Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu


 
Aadamuhu had iyo jeer Qorshe ayuu ku jiraa ku saabsan Mustaqbalkiisa dhow iyo ka dheerba ha ahaado Qof keli ah ama Qows ama Koox ama Dowlad iwm Allaahna subxaanahu watacaalaa wuxuu qaderay Qorshe iyo Qader aanay dhaafi karayn haba yaraatee kaas oo uu u qaderay intaanu Koonkan ba abuurin, waxa dhacda mar mar ay is waafaqaan Dedaaladooda iyo Qadarta Allaah subxaanahu watacaalaa markaas ayay is bidaan inay guulaysteen Qorshohooduna sax ahaa haday se sidaas u dhici waydo waa murugoodaan oo is canaantaan oo yidhaahdaan war malaa sidaas baa ka fiicnayd ama sideer inaad yeeshaan mana oga  in yar oo Allaah u naxariistay maahee in aan waxaan Allaah casaa wajalaa u  qaderin aanay dhacayn
 
Markii uu soconaayay Dagaalkii qaboobaa ee Aduunka ee u dhexeeyay labadii Gaashaan Buureed ee Nato & Warsaw ayaa waxaa ka mid ahaa wax yaabihii ay Nato u adeegsatay la dagaalanka Gaashaan Buurtii Warsaw ee shuuciga ahayd Islaamka iyagoo si xoog leh ugu faa'iidaystay saxwada ama baraarug Islaamka ah oo markaa bilaabmay si xaawli lehna uga soconaayay Aduunka Islaamka oo dhan oo ay ka dhasheen Kooxo Islaamiyiin ah oo is barbar yaacaaya qolo walibana Manhaj u gaar ah oo iyagu is wada khilaafsan yihiin aan intooda badanina Culimada waxba waydiin oo khilaaf kala soo horjeesteen laakiin Muslimiin oo dhan Manhaj kasta ha haystee saddex u jeedo waa ka sinaayeen in laga hortago si gaar ah Shuucinimada ah gaalnimada xad dhaafka ah iyo in Dacwada Islaamka la gaadhsiiyo Aduunka oo dhan iyo in la helo Dowlad Islaam ah iyana waxay sidaas u yeeleen reer Galbeedka Gaalada ahi waxay ka war hayeen inuu yahay Islaamku xoog xaga caqiidada ah oo ay kaga hortegi karayaan Caqiidada Shuuciyada ah ee Baadilka iyo Gaalnimada xad dhaafka ah oo markaa iyana si xoog leh u fidaysay
 
Dowladaha Reer Galbeedka Gaalada ahi waxay hore ula soo dagaalameen oo u burburiyeen Waqti dheer ka dib Islaamka iyo Dowladiisii hase yeeshee markan waxay u baahdeen in ay u adeegsadaan Shuuciyiinta iyada oo aanay ka baqayn inay taasu keento in Islaamku dib u soo kaco waayo hore ayay taas uga gaashaanteen oo u qaybiyeen Dowlado yar yar oo daciif ah Israel na ugu dhex  beereen laakiin Warsaw waxaa ku jira Dowlada xoog ah oo ay tahay in la burburiyo siyaasad ahaan wayna ku guulaysteen ugu dambayntii waxana burburkii Warsaw qaybta ugu wayni ka soo gaadhay dagaalkii Afqanistan ee ay taageerayeen Muslimiin oo dhami Dowlado iyo Shacaboba in yar mooyee iyo Dowladaha Reer Galbeedka ee Gaalada ah laakiin waxay markii ay Shuuciyadii burburtay ka war heleen oo yaqiinsadeen in aan Islaamku ahayn siday moodayeen ee aanay waxba iskaga tirinayn uuna Caqiida ahaan iyo xoog ba ku fiday Wadamadii Islaamka ahaa ee ay saaxiibka ahaayeen ee hoos joogay iyaga iyo kuwii kale ba ayna doonayaan in ay soo celiyaan Dowladii Islaamka ee Gaaladu burburisay oo ay ku fiday Wadamada Reer Galbeedka laftigoodii oo ay ka dhex wadaan Dacwad balaadhan dadkuna ay u soo gelayaan Islaamka Koox Koox iyo Kow Kow ba wixii ay kaga tala galeen Aduunkana markay ka guulaystaan Shuuciyiinta ay la soo deristay caqabad wayn oo is hortaagaysa
 
Markaas ayaa waxay noqotay hadana inay bilaabaan Dagaal kale oo ay Islaamka kaga hortegayaan kanu se waa ka duwan yahay Dagaalkii qaboobaa oo waa dagaal fool ka fool Xabad laysu adeegsanayo waxayna ku magcaabeen"la dagaalanka Argagixisada" waxaa ka qayb galay Dagaalkan Gaalo oo dhan nooc kasta ha lahaatee waxaa kaloo lagu khasbay oo ka qayb galay ama dantoodaba u gartay dhamaan Dowladaha Islaamka welina waa kaa socda Muslimiintana dhib aad u wayn baa ka soo gaadhay maana muuqato guul dhakhso ah oo ay ka gaadhayaan bal wuxuu Aduunkii ka dhigay meel khatar ah oo cid kasta oo ku kor nool Nafahooda u baqayaan Allaah tacaalaa baana og wuxuu ku dhamaan doono.
 
Waxaa kale oo isna adeegsaday Kooxaha Islaamka Madaxwaynihii hore ee Masar Maxamed Anwar Asadat markuu safaynaayay Kooxdii Shuuciyiinta ahayd ee loo yiqiinay Naasiriyiinta ee uu Masar ku beeray Madaxwaynihii isaga ka horeeyay ee Jamaal C/Naasir wuuna ku guulaystay taas, hadana isla markiiba waxa is tusay oo uu yaqiinsaday in Islaamiyiintu ka hor imanayaan sida uu doonaayo in uu xukumkiisa u wado oo ay halis ku yihiin dabadeedna wuxuu hadana bilaabay in uu iyagii la dagaalamo Dagaalkaasuna wixii uu galaaftay waxaa ka mid ahaa Madaxwayne Maxamed Anwar Asadat laftigiisii burbur iyo dhib badana wuxuu gaadhsiiyay Dalka Masar oo dhan markaas sidaas buu Aadamuhu intaas Qorshe ugu jiraa Allaah tacaalaana Qadertiisu waa mid hore u qorshaysnayd lana kulmi doonta cid kasta ama ha ahaato Khayr ama ha ahaato shar ee
 
Waxaan shaki ku jirin in cadaawad guun ahi u dhexayso Ummada Somaliyeed ee Muslimka ah iyo Xabashida Gaalada ah colaadooduna waa mid salka ku haysa Dagaalka u dhexeeya Xaqqa iyo Baadilka, Islaamnimada iyo Gaalnimada, Wanaaga iyo Xumaanta, colaadaasu taariikha badan ayay soo martay had iyo jeerna waxay Xabashidu taageero ka heli jirtay Dowladaha Reer Galbeedka ah ee Gaalada ah kuwaas oo u arkaayay Xabashidu inay yihiin walaalahood xaga Diinta ah oo halgan kula jira kana hor taagan in aanu Qaarada Africa ku fidin Islaamku Goobo badan waa ugu hiiliyeen iyagoo toos ama si dadban u soo fara geliyay Dagaalkii labada Dal u dhexeeyay mar walbana Ummada Soomaalidu iyagoo aan cidna hiil wayn aan ka helayn way iska difaaci jirtay isbahaysigaa xaq darada ah waxayna tala saaran jireen Allaah casaa wajalaa ee abuurtay.
 
Waxay se belo dhacday oo wax waliba isku dhex qasmeen markii ay Soomaalidii dhexdoodii ay is colaysteen oo cadaawadi iyagii isu gashay oo ay u kala dheereeyeen cadowgoodii soo jireenka ahaa oo Koox waliba ama Qabiil waliba ku andacooday inay yihiin Xabashidu walaalahood iyo deris wanaagsan oo Dhul iyo Dhiigba ka dhexeeyo oo ay tahay in hiil la waydiisto Cilaaqaad wanaagsana ay Kooxdan ama Qabiilkanu la yeesho ayna Qoladan ama Kooxdan Xabashidu ka raali tahay oo uga hiilinayso Soomaalida kale ee cadawga ku ah Allaahu mustacaan goorma ayaa Gaalo Allaah tacaalaa caasiday oo ku gaalowday iyo Muslim Allaah tacaalaa adeecay walaalo noqdeen?!!! miyaanay aqriyin hadalkiisa tacaalaa ee uu ku yidhi Quraanka kariimka ah

 {Aayatan kariimka ah wuxuu Allaah tacaalaa uga waramayaa Rasuulkiisa sala Allaahu calayhi wasalam in aanay marnaba ka raali noqonayn isaga iyo Mu'miniinta toona Yuhuuda iyo Kiristaanku ilaa uu raaco Millada ay ku sugan yihiin waayo waxay ku baaqayaan oo dadka ugu yeedhayaan oo rabaan in dadka oo dhami kala mid noqdo Diinta ay ku sugan yihiin ee ay ku andacoonayaan inay tahay Hanuunka ee waxaad ku tidhaahdaa Hanuunku waa kan Allaah ee uu igu soo diray uuna dhamaan ku soo diray Rasuuladiisii waana Islaamka}

Taasi waxay keentay in cadawgii Xabashidu oo weliba maanta Dowladaha Reer Galbeedka Gaalada ahi u wakiisheen una hubayeen oo u tababareen si gaar ah iyaga iyo laba Dowladood oo kale oo African ah waana Uganda iyo Ruwanda ee inay noqdaan Askarta Gaalada ee kaga jirta Dagaalka waxay ku magcaabeen Argagixisada oo ay ku magcaabeen Islaamka Qaarada Africa ayaa waxay u kala qaybisay Soomaalidii Kooxo iyo Qabaa'il ay ku fushadaan danahooda ay ka leeyihiin Soomaaliya kuwaasuna dhamaan ugu adeegayaan si jajabnaan ah oo u kala dheeraynayaa raali gelintooda
 
Sidaas waxaa ku xaqiiqowday Soomaalida hadalka Allaah tacaalaa ee ah:{oo ah Allaah tacaalaa kama qaado oo kama bedelo Qoom nicmo iyo Wanaag iyo Nolol wanaagsan oo uu siiyay ilaa ay iyagu iska qaadaan oo ay Iimaankii Gaalnimo ku bedelaan Daacadiina Macsiyad ku mahad naqii Nicmada Allaahna Kibir ku bedelaan markaas ayaa Allaahna casaa wajalaa ka qaadaa oo ka bedelaa khayrkii ay ku sugnaayeen sidoo kale hadii Adoomuhu macsiyadihii iyo xumaan oo dhan daacad iyo wanaag ku bedelaan Allaahna casaa wajalaa wuxuu ugu bedelaa khayr iyo farxad iyo raxmad} markaa Soomaalidu wanaagii bay xumaan ku bedeleen Allaahna tacaalaa wuxuu ku ciqaabay dulinimo iyo dhib aanay ka baxayn hadaanay sida ay u socdaan wax ka bedelin
 
Hadaba hadaan u soo noqdo Mawduucan aan cinwaankiisa kor ku soo xusay hordhacan dheer ka dib oo aan weliba soo koobay, waxaynu ognahay in labada Maamul ee Somaliland iyo Puntland ba ka mid yihiin qaybahaa Somaliyeed ee u kala tartamaysa raali gelinta Xabashida wax aanay Xabashidu ka raali ahayna aanay ku kacayn labada Maamul midna, hadaba is waydiintu waxay tahay waa maxay qorshaha Ethiopia ay ka leedahay Dagaalka ka socda Gobolka Sool ee ay Somaliland iyo Puntland isku haystaan iyada oo aynu ogsoonahay hadaan dagaalkan Ethiopia ka raali ahayn oo aanay siin ogolaansho labada dhinac ama midkood aanu socdeen ama bilaabmeenba waxay Ethiopia qorsha ah ee ay ka leedahayna waxa hubaal ah in uu C/llaahi Yuusuf og yahay
 
Tusaalayaal badan baa taas inoo cadaynaaya waxana ka mid ah markii Ethiopia ay dagaalka ku qaaday Maxkamadihii Islaamka waxay u baahatay in Ciidamada isku hor fadhiya Gobolka Sool ay ka faa'iidaysato oo ay ka barbar dagaalamaan Ciidamada Ethiopia amarna waxay ku siisay Somaliland in ay Ciidamadeed meesha ka qaado oo goobahaasu amaan ahaadaan Puntland na Ciidamadeed gayso Koonfur oo la dagaalamaan Xoogagii Maxkamadaha Islaamka bal warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in berigaa in xataa Ciidama Somaliland ah loo qaaday Koonfur oo ka barbar dagaalamay kuwii Ethiopia iyo Puntland dhimasho iyo dhaawacna ay ka soo gaadheen
 
Tusaale kale waa dagaalkii Dhahar kaas oo aan runtii dagaal la sheego oo lagu kala adkaaday aanu meesha ka dhicin ee isla markiiba ay Ethiopia amar ku siisay labada dhinacba inay Ciidamadooda ku celiyaan halkay markii hore ka keeneen Puntlandna way yeeshay amarkaas waxaa se diiday wasiirkii difaaca ee Somaliland isagana isla markiiba waxa uga timi wareegto Madaxtooyada Hargaysa oo xilkii lagaga qaaday sidaan Ciidamadii Somaliland looga soo saaray hadaba tusaalayaalkaa iyo kuwa kaloo badan waxay inoo cadaynayaan in aan labada Maamul midkoodna ku kici karayn waxaanay Ethiopia iyo Dowladaha Reer Galbeedka gaar ahaan Mareekanka ogolaansho uga haysan ayna Somaliland maanta wadato ogolaansho noocaas ah
 
Markaa aan su'aashii hore ku noqonee waa maxay qorshaha ay Ethiopia ka leedahay Gobolka Sool gaar ahaan Laascanod?maxaa se keenay in Ethiopia Puntland dhabarka u soo jeediso iyadoo puntland ay ka mid tahay Dowlada Federaalka ah bal ay tahay meesha TFG du taageerada ugu wayn ka hesho xidhiidhka TFG da iyo Ethiopia na aan la wada socon?Somaliland se intee le'eg tahay ama gaadhsiisan tahay ogolaanshaha ay ka heshay Ethiopia iyada oo aan wada ogsoonahay in ilaa iyo mudadaas 17sano ah ee Dalku burbursanaa aanay waxba kala qaban ri'yadoodii waynayd ee ahayd gooni isu taaga ma waxay hada u soo jeestay in ay taas wax kala qabato maanta?muxuu se yahay aragtida Beesha dhulkeeda laysku hayo sidee bay ula dhaqmi doonaan arintan?siyaabo badan baa looga jawaabi karaa su'aalahaa oo ay ka mid yihiin suura galadan soo socda:
 
1- suura galka kowaad wuxuu yahay inay Ethiopia in badan Indhaha ku haysay Gobolka Sool gaar ahaan Magaalad Laascanod oo ay taariikhdiisa si fiican u taqaan ayna hore faraha ugu soo fiiqeen C/llaahi Yuusuf iyo Maxamed Ibraahim Cigaal oo ay ka dhaadhiciyeen in Magaaladaas ay ku sugan yihiin Kooxo Argagixisa ahi iyo inay Magaaladu ka mid ahayd meelihii aadka loogaga riyaaqay Maxkamadihii Islaamka iyo iyadoo ay Ethiopia ku tuhumayso in laga taageero Ururka Wadaniga ah ee Xoraynta Ogaden(ONLF) iyo iyada oo Magaalada laga diiday qabsashada ay Ethiopia qabsatay Caasimadii Dalka iyo in badan oo Koonfur ka mid ah iyo ugu dambayntii doorka wadan iyo Somali jacaylka ah ee ay leedahay Beesha halkaa degtaa ayaa keentay in ay Ethiopia iyo Reer Galbeedkuba dhiiri geliyaan in Magaaladaa bal mar gacanta la geliyo oo brakac
 
 
Ka dhaco oo lagu kala yaaco si ay u muuqdaan bal wax meesha ku jira sida lala socdo markay Magaalada qabsatay Somaliland waxaa dul maraayay dhowr casho Diyaarado aan la garanayn, kuwaasu waxay ahaayeen Diyaarado Mareekan ah oo ilaalinaayay in Ciidamadii halkaas loogu sheegay ee Argagixisada ahi ay dhaqdhaaq samayaan ama meel kale u ruqaansadaan oo u guuraan!!! waxa se kaga soo baxay Dumar iyo Caruur Dhagax la ordaaya!!Ethiopia na waxay Ciidama soo dhoobtay Buuhoodle oo ay filaayeen in ay u guuraan Ciidamadaasu hadii laascanod laga qabsado ama in looga gurmadoba
 
2- suura galka labaad ayaa wuxuu noqon karaa in cilaaqaadkii Ethiopia iyo Maamulka Puntland wax soo dhex galeen oo laga yaabo inay Puntland ka soo bixi wayday arima laga doonaayay dabadeedna Ethiopia ciqaab uga dhigtay dagaalkan waxa taas cadaynaya Madaxwayne Cade Muuse wuxuu geed gaaban iyo mid dheer ba u fuulay siduu Somaliland ugu shaabadayn lahaa arintii caadada u ahayd ee ay hore wax badani u qabsoomeen oo uu in badan ku liibaanay isaga iyo oday C/llaahi ba waana arinta Argagixisada isagoo la xidhiidhinaya in dagaalkan laga soo abaabulay Asmara iyo Maxkamadihii iyo Mucaaradadii kale halkaa ku sugnayd waxa se markan loogu jawaabay maya oday ha u qaadan in Kaadhkanu mar walba shaqaynaayo qoladanuna waa askartayadii hawlaha aad noo hayso mid la mid ah bay noo hayaan oo nooga hayaan dhinaca woqooyi Cade sidaas kuma qancin ee Kaadhkii buu in badan xoqxoqay hase yeeshee Kaadhkii ilaa hada waa shaqayn la'yahay oo waxa hubaal ah inaan Kaadhkanu mar walba shaqayn ee uun uu ku shaqeeyo meesha iyo goorta uu doono Uncle Sam (America)
 
Tan hadii dhinac kale laga eego waxay noqon kartaa in C/llaahi Yuusuf iyo Ethiopia ay go'aansadeen in Cade daaqada laga tuuro waayo waxaa xumaatay hogaamintiisii Puntland oo waxay iyagii ku furtay mushkilada badan ha ahaato Shacabkii oo kacsan musuq maasuq aan xad lahayn oo Maamulkiisu ku dhaqmo xataa khilaafkii soo kala dhex galay Madaxda sarsare ee xukuumada federaalka wuxuu ka bilaabmay khilaaf u dhexeeyay Geedi iyo Cade
suura gal kale baa isna ah in lagu badbaadinayo arintan Cade muuse iyo Daahir Riyaale labadaba oo shacabkoodu ku kacsan yahay in lagaga mashquuliyo dagaalkan shacabka kacsan
 
3- suura galka saddexaadna wuxuu yahay in Ethiopia mudadaa 17sano ah ee Dalku burbursanaa ay cilaaqaad wanaagsan la lahayd Somaliland faa'iidooyinka ugu waawayna ku qabtay waxaa kaaga filan tusaale inay kala soo degto Dekeda Berbera ee Caalamiga ah wax walba ha ahaato xaga baayac mushtarka ama Qalabka Milateriga ee iyadoo sidaas ah ayaanay hadana wax la sheegi karo u qaban Maamulkaas ee uun iyadu ka faa'iidaysanaysay iyadoo sidaas ay tahay ayay hadana u qabatay Dowlada Fedaraalka ee Somaliya Muqdisho iyo in badan oo Koonfurta Dalka ah taageero buuxda oo dhinac walba ahna siisay taas ayaa waxay keentay in Shacabkii Somaliland aad uga xumaadaan una arkaan in Ethiopia sidaas oo kale ku samayn karto Somalilandna oo u qabato Dowlada Fedaraalka ee Somaliya eedoo dhana waxay dusha ka saareen Maamulkooda daawanaya uun arintan ilaa inta halkooda loogu imanaayo gaar ahaana Madaxwaynaha Maamulka Daahir Riyaale oo ay u arkeen inuu isagu yahay caqabada ugu wayn ee hortaagan gooni isu taaga Somaliland oo uu heshiis sidaa kula yahay Ethiopia iyo Dowlada Somaliya
 
Waxaa iyaguna Shacabkii la soo saftay Xisbiyadii Mucaaradka ahaa oo iyana sidoo kale eeda dusha ka saaray Daahir Riyaale hadana waxaa la asaasay Xisbi Mucaarad ah oo cusub oo la yidhaado Qaran kaas oo kaga sii xag jirsan eedaynta Riyaale Xisbiyadii ka horeeyay wuxuuna Shacabka ka helay taageera balaadhan gaar ahaan Beelaha Bariga ee togdheer iyo Sanaag waxa isna dardar cusub oo aan lagu aqoon muujiyay Xisbiga kulmiye xaga eedaynta Riyaale Doorashadiina waa soo dhowaatay, markaa Riyaale waxaa la soo gudboonaatay culays iyo cadaadis aad u xoog badan oo khatartiisa leh isaga oo Riyaale Kaahin ku tala gashanaa inuu markale doorashada ku soo baxo oo ku shubto laakiin arintanu waxay taas ka dhigtay waxaan dhici karin oo horseedaysa dagaal Somaliland gudeheeda ah ayna suurtagal tahay in looga awood roonaado Riyaale oo ay ciidamadu raacaan Shacabka iyo Xisbiyada kale
 
Markaa waxaa qasab ku noqotay Riyaale Kaahin inuu talaabo qaado uu ku soo ceshanayo kalsoonida shacabka waxana uu gudoonsaday inuu talaabo qaado ka farxisa Shacabka Somaliland oo ay in badan sugayeen waana inuu qabsado Dhulka Somaliland sheeganayso ee ka tirsan Puntland Dhulkaas oo hadii Somaliland hesho ay fududaanayso in la aqoonsado waa siday yidhaahdaan ee wuxuuna ka bilaabay inuu qabsado Bariga Sanaag oo wuxuu qabsaday Degmada Dhahar hase yeeshee Riyaale markuu talaabadan qaadaayay kalama tashan Dowladii korka ka xukumaysay isaga ee Ethiopia iyana markii ay ka war heshay waxay soo siisay amar iyo digniin wada socda inuu Ciidamadiisa halkaa kala baxo waxayna u dhacday sidaan kor ku soo xusnay
 
Tani waxay ku sii noqotay dhabar jab Riyaale oo way uga sii dartay arintii markii horeba murugsanayd Shacabkiina way sii kicisay,markaas ayuu Riyaale ka maarmi waayay inuu qayla dhaan u dirsado Dowlada Ethiopia isagoo war bixin ka siiyay culayska xaga Shacabka iyo Mucaaradada ka haysta iyo in Kursigiisu khatar ku sugan yahay hadaan Ethiopia si dakhsa ah wax ula qaban oo u badbaadin wuxuu kaloo u cadayay in hadii uu xukumka ka dego uu imanaayo Maamul xagjir ah oo duminaaya wixii cilaaqaad ahaa ee mudada dheer ay ka shaqaynayeen Ethiopia iyo Somaliland
 
Taas ayaa waxay keentay inay u garowdo Ethiopia aqoonsatona khatarta ku soo socota xukumka Riyaale ayna tahay in wax lala qabto waayo Riyaale waa saaxiibada ugu waawayn ee ay Soomaalida ku leedahay
 
Wuxuu ahaa codsigii Riyaale uu u soo jeediyay Ethiopia in ay u ogolaato in uu qabsado degmooyinka sanaag ee laga maamulo puntland iyo Gobolka Sool kaas oo farxad gelinayo Shacabka Bariga Somaliland kuna furaya dagaal ay igaga mashquulaan iina arkaan nin xoraynaaya Dhulkii ka maqnaa Soomaaliland ama nalaku dhexdhexaadiyo Puntland oo ay nagu soo wareejiso Dhulka lana hadho meelaha lagu og yahay Shiidaalka iyo Macdanta kale ba taas ayaa labadayada Maamul ba dani ugu jirtaa waayo Puntland lafteeda waxa ku kacsan Shacabka Sanaag iyo Sool markaa labada shacab ee halkaa dega aan dagaal ku mashquulino sidaas ayaanu labadayaduba Xukumka ku sii haysan karaa
 
Ethiopia arinta Riyaale way ka aqbashay waayo isagana waa mid badbaadinaysa Ethiopia na ma kala jecla Gobolada Somalidu siday isu kala raac raacayaan ee waxaa muhiim u ah in Maamul kasta oo ka jiraa Somaliya uu yahay mid iyada ka amar qaata waxayna kula talisay Riyaale inuu marka hore siyaasad ku doono arintaas haduu ka fursan waayo dagaala aanay Ethiopia waxba ka qabin
 
isagoo taladaas ku soconaaya wuxuu ka bilaabay Riyaale degmooyinkii uu hore Ciidamada ugala soo baxay isagoo markan si siyaasad ah u galay wuxuu u sheegay ragii degmooyinkaa ka soo jeeday ee Somalilandnimada aaminsanaa inay halkaa kaga dhawaaqaan Maamul lagu magcaabo Makhir Land State oo farsama Somaliland(Made in Somaliland) waayo wuxuu ka war hayay in dadka halkaa degaa ay jecel yihiin in ay samaystaan Maamul u gaar ah oo magacaa wata waa lagu dhawaaqay Maamulkaa waxaana Madaxwayne u noqday Jibriil Cali Salaad oo ah xildhibaan Somaliland ah Somalilandnimaduna ku dheer tahay madaxda ugu sarsaraysaana dhamaan waa inta Somalilandnimada aaminsan ujeedaduna waa in hadhow maamulkaa lagu wareejiyo Somaliland iyagoo og inaanu ahayn Maamul gooni isu taagi kara waayo degmooyinkaasu ma leh awood dhaqaale iyo Ciidamo toona khilaafka Beeshaa ku dhex jiraana waa ka daran yahay kan Reer Sool ku dhex jira
 
Suura galka ah in arimahanu ku dhaceen Heshiis afar geesood ah waana Ethiopia,TFG da,Somaliland iyo Puntland waa kan ugu caqli galsan oo runta ugu dhow tan Soolna inkasta oo uu taageerayaal u helay oo uu ka faa'iidaystay khilaafka Puntland ku kala dhex jira hadana way ka fursan wayday in dagaalo loo adeegsado dagaalkaa oo ahaa mid ay Puntland diyaar u ahayd inay ka baxdo laakiin sabab loo samaynaayay ah waa laga adkaaday Beesha Soolna dhexdeeda bay iska wada haystaa in kastoo Shacabka aan wax colaad ahi ku dhex jirin ayna iska ilaalinayaan taas ayna leeyihiin dhalin yaro aad u wanaagsan hadana waxa saamayn wayn ku leh Khilaafka ku dhex jira kuwa taladu ka go'do Beeshana waxaa lagu ibtilayay Masuuliin aad u taya liidata oo aan Damiir lahayn oo iyagu u adeega kuwa lagu adeegto waa Soomaalida ee waxa kaaga filan inta xumaantoodu gaadhsiisan tahay tay maanta ka dib17sano oo aanay dhib iyo qax arag inay u soo jiideen Beeshood qax iyo barakac iyo dhimasho iyo karaama sharaf dhac inta kuwaa la dhegaysanayona anigu uma arko mustaqbal wanaagsan Beeshan laakiin qaderta Allaah tacaalaa waxay inoo qarinayso ma ogin dedaala badan baa socda kuwa colaad lagaga talinaayo iyo kuwo nabad lagaga talinayoba Allaahna waxaan waydiisanayaa inuu waafiqiyo kuwa nabada wada
 
Wa billaahi tawfiiq

Essa Mohamoud

Xasuus: Figradan kama foga Tan boga Ceegaag Balse waxay gaar u tahay Qaraaga ku saxeexan!!!!!!!!!!
 

  

webmaster@ceegaag.com