shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Taariikh Layaab leh (History Mystery ) Maxay ka sinaayeen Madaxweynayaashii Lincoln iyo Kennedy... 

(Boston, April  27,  2008 Ceegaag Online)

    

Abraham Lincoln oo ahaa Madaxweynihii 16aad ee Maraykanka waxaa golaha umada loo doortay sanaddii 1846.

John F. Kennedy  oo isna ahaa Madaxweynihii 35aad ee Maraykanka waxaa golaha umada loo doortay  1946.

Abraham Lincoln waxaa madaxweynimada dalka Maraykanka loo doortay sanaddii 1860.

John F. Kennedy waxaa madaxweynimada dalka Maraykanka loo doortay sanaddii 1960.

Labaduba waxay si cad utaageeri jireen xuquuqda binu'aadamka.

Labada Madaxweyne waxaa la toogtay maalin Jimce ah.

Labadaba waxaa laga toogtay Madaxa

Intaas waxaa u sii dheer labada madaxweyne.

Xogayihii madaxweyne Lincoln waxaa la odhan jiray Kennedy.

Halka xogayihii madaxweyne Kennedy na la odhan jiray  Lincoln .

Labadaba waxaa dilay rag kasoo jeeda koonfurta dalka Maraykanka.

Labadaba waxaa badalay ninman reerkoonfureeda oo magacyadoodu ahaayeen Johnson.

Andrew Johnson, waxa uu badalay Lincoln, waxa uuna dhashay sanaddii   1808.

Lyndon Johnson, waxaa uu badalay Kennedy, waxa uuna dhashay sanaddii 1908.

     

John Wilkes Booth, oo ahaa ninkii dilay madaxweyne  Lincoln waxa uu dhashay sanaddii 1839.

Halka Lee Harvey Oswald, oo isna ahaa ninkii dilaya Kennedy  uu isna dhashay sanaddii 1939.

                           

Labada nin ee dilay madaxweynayaasha waxay lahaayeen sadex magac oo layaqaanay.

Sadexdooda magacna isu geynta xarfaha ay ka koobnaayeen midkiiba waxa ay noqonayaan 15 (Shan iyo Toban).

Waxaa intaas kuu raacda......

Madaxweyne Lincoln waxaa lagu dhex dilay Tiyaatar magaciisa la odhan jiray 'Ford.'

Halka madaxweyne Kennedy lagu dhex dilay gaadhi la dhaho ' Lincoln ' oo ay sameyso shirkada 'Ford.'

Ninkii ku dilay madaxweyne Lincoln Theater-ka waxa uu cararay bakhaar oo isku qariyay.

Halka ninkii isna dilay madaxweyne Kennedy uu kasoo toogtay madaxweynaha Bakhaar una carar theater isagoo isku qarinya.

Booth iyo Oswald waxaa lakhaarijiyay intaan maxkamad la horkeenin.

Kudarsoo...

                                                

Isbuuc kahor intaan ladilin madaxweyne Lincoln waxa uu joogay Monroe, oo katirsan gobolka  Maryland.

Halka isbuuc kahor intaan ladilin madaxweyne Kennedy uu isna la joogay gabadh la odhan jiray Marilyn Monroe.

C/risaaq Mohamed X. Cali

Boston, USA

 

  

webmaster@ceegaag.com