shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Inaad bedesho Caadooyinka Cuntada ee khaladka ah Bisha Ramadaan waxay kordhinaysaa faa’iidooyinka Caafimaad ee jidhka sooman.

(U.A.E, Aug 30,  2008 Ceegaag Online)

Ramadaan Kariim – Cuntadaaduna waa Dawadaada

 

Allaah ayaa mahad iyo amaanba mudan oo iska leh Rabiga Caalamiinka amaan iyo nabadi ha u sugnaato kii aanu jirin Nebi ka dambeeyaa iyo Ahalkiisii iyo Asxaabtiisii iyo Taabiciintoodii iyo Atbaacdoodii iyo mid kasta oo wanaag ku raacay kuna hadaysmay Hanuunkiisii ilaa iyo Maalinta Qiyaamaha

 

Intaas ka dib:

 

Inaad bedesho Caadooyinka Cuntada ee khaladka ah Bisha Ramadaan waxay kordhinaysaa faa’iidooyinka Caafimaad ee jidhka sooman

 

Inta badan Xanuunada Wadnuhu waxay tahay natiijo ka dhalata Caadooyinka Cuntada ee khaldan, in badan oo ah kuwa iyagu qaba Xanuunka Dhiig Karka ayay sii xumaataa xaaladooda Caafimaad Bisha Ramadaanta, waxana taas keena raacid la’aanta Talooyinka Dhakhtarka ee xaga Cuntada ee u gaarka ah xaaladooda Caafimaad, waxaa weeye isku celcelin Cadaadinta Dhiiga (Blood Pressure) ee dabeeciga ah Dhalinyarta yar yar wuxuu gaadhaa 120 iyo 80 millimeter

 

Wuxuuna u kala duwan yahay hadba siday Da’du u kala duwan tahay iyo Jinsigu, hase yeeshee Cadaadiska Dhiigu dabeeci buu noqonayaa haduu ka yar yahay 140 iyo 90 millimeter, hadaba waxay Dhakhtaradu ku talinayaan inaad cunto Khudaarta iyo Midhaha darayga ah iyo kuwa la qalajiyo iyo inaad cunto Xubuubka ama Badarka dhamayska tiran ee wata Diirkiisa iyo inaad badsato cunista Kaluunka iyo Saliidihiisaba iyo inaad u adeegsato karista Cuntada Saliida Arabikhida ama Galayda iyo Saliida Zaytuunta

 

Waxay kaloo ku talinayaan Dhakhtaradu in layska daayo Cuntada iyo Cabitaanka Milixda Cuntada ku hodonka ah iyo kan ay ku jirto nisbado aad u sareeya oo ah Sodium iyo weliba inaad cunto qadar yar oo ah waxyaabaha sida Lowska iyo Yicibta halkii aad ka cuni lahayd Macmacaan iyo waxyaabaha la shiilo oo ay khatari ugu sugan tahay Wadnaha, waxaana daruuri ah inaad yarayso cabista Shaaha iyo Bunka oo aanad ka badbadin cabistooda

 

Iyo inaad iska dayso cabista Sharaabka Gaasta ah iyo Sharaabka ay ku jirto Kimiyada badan oo Sonkor ahi, waxaa xusid mudan in Cadaadinta Dhiiga ee kacsan ama Dhiig Karka uu yahay Xanuun aad u fidsan oo meel kasta laga yaqaano oo Caan ah, laakiin wuxuu leeyahay khatar aad u wayn waxaana loogu yeedhaa (Dilaaga Aamusan) waayo inta badan Dadka qabaa ma dareemaan oo ma laha wax Calaamada ah, hadiina aan layska daawayn Xanuunkaa wuxuu keenayaa oo horseedayaa Xanuunada Wadnaha iyo Mind Stroke iyo qayrkoodba oo ah Xanuunada khatarta ah

 

Hadaba in la bedelo Caadooyinka Cuntadada waxaa lagu tiriyaa Arimaha u baahan Dedaal aad u wayn iyo Waciyi wanaagsan iyo Saqaafad Cilmi ah, hase yeeshee Qofka isku daya intuu ka kari karo inuu bedelo Caadooyinkaa waxa uu goosan doonaa Midheheeda inta uu nool yahay. Waxaana jira qaar Caadooyin Cuntada oo khalad ah Bisha Ramadaan ee barakaysan gudeheeda, taas oo hadii uu kari karo Muslimku inuu bedelo kordhinaysa faa’iidooyinka Soomka waxaana ka mid ah:

 

1- waxay ku khaldamaan Dadka qaarkiis iyaga oo ku bilaabaaya Afurada inay cabaan Biya qabow si toos ah iyaga oo ku sugan xaalad Haraad ah oo daran, Arinta tanuna waxay keeni kartaa xanuun xoogan oo Caloosha ah iyo inay isku soo ururaan Muruqyada iyo Caloosha Gidaaradeedu, sidaas darteed waxay taladu tahay inaad cabto Biyo qabowgoodu dhexdhexaad yahay

 

2- waxaa iyana jirta Caadooyin khaldan oo Cuntada Ramadaanka ah, waana Biyaha oo la cabo Kimiyada badan Waqtiga Suxuurta taas oo lagaga hortegaayo Haraadka la filaayo Maalintii, laakiin se taasu ma oofinayso waxa laga filaayo saamaynteeduna waa ku Meelgaadh, ee waxaa ka mudan inaad cunto khudrada darayga ah ee Caleemaha ah ee leh ama ku hodonka ah Biyaha

 

3- waxaad arkaysaa inay badato Ramadaanta cunista Cuntooyinka la shiilo, taas oo ah wax laga xumaado inay keento dhibaatooyin Caafimaad, waxana taas bedelkeeda ah waxa suuragal ah inaad u adeegsato Hawlaha Cunta karista Wadooyin kale adoo aan ku tiirsanaan Saliidaha sida inaad adeegsato Furinka ama Bukhaarka oo aad ku diyaariso Cuntada qaarkeed sida Saambuusaha oo ay suuragal tahay inaad ku samayso adigoo adeegsanaaya Furinka markaad darto Caano dabadeedna aad geliso Furinka, Dariiqadaa wanaagsan baad u samayn kartaa

 

4- waxaad arkaysaa inay Dad badani sakradaan inay cunaan khudaarta sida Saladka darayga ah oo aanay soo raacin Cuntada Ramadaanka, sidaas darteed waxay taladu tahay inaad had iyo jeer cunto Saladka si ay u siiso Jidhka Vitamins, Minerals, Fibres, iwm, Dariiqadatan ayaynu ku awoodi karnaa inaan soo ceshano Vitamins kii iyo Minerals kii aan waynay Maalinimada Ramadaanta, tan kalena aan ku yarayn karaa Cunta Xumida iyo inay inaga dhinmaan Cunsuradan lagama maarmaanka ahi

 

5- waxaad arkaysaa inay Dad badani ku kaaftoomaan hal Saami oo wayn oo Cunta ah, tusaale Afurada, haduu se karo Qofku inuu cuno saddex Saami oo Cunta ah Habeenkii taasu waxay qayb ka qaadanaysaa kor u qaadida heerkiisa Caafimaadka, waxayna noqonaysaa saddexda Saami ee Cuntada ahi Saami fudud oo Afur ah iyo Saami ka dib Salaada Taraawiixda iyo Saami fudud oo Suxuurta ah

 

6- waxa ka mid ah khaladaadka Cuntada oo dad badani ku kacaan inay badiyaan cunista Cuntooyinka leh Sonkoraha aadka u sareeya sida Macmacaanka iyo Pastries ka iyaga oo si xoog len u cunaaya Waqtiga Afurada, waxaana ah wax laga xumaado inay taasu keenayso dhibaatooyin badan Daalista iyo Tacabka Ramadaanta markay Maalintii tahay iyo inay dareemaan Haraad, sidoo kale waxay keenayaan Dufanka oo Jidhka ku biira iyo Buuri iyo Sonkorta Dhiiga oo kor u kacda

 

7- waxaa kaloo ah qaar Caadooyinka Cuntada ee khaladka ah Bisha Ramadaan inaad ku badiso Milixda Cuntada dhamaan Saamiyada Cuntada, taasuna waxay suuragelinaysaa inuu kordho Cadaadinta Dhiigu, waxay kaloo keenaysaa inay xumaato qaybinta Dareerayaasha ama Liquids ka gudaha iyo debeda Cells ka taas oo keenaysa Daal ku yimaada qaar Xubnaha Jidhka sida Wadnaha iyo Kelyaha

 

8- waxaa kaloo halkaa jira Ictiqaad khaldan Dadka qaar, waana inay si xoogan isu gaajaysiiyaan Bisha Ramadaan si aad u muuqata iyagoo is leh Ramadaan waa fursad aad Miisaanka ku dhimi kartaan, laakiin se taasu waxay keenaysaa khalal ku yimaada qaybinta qaybaha Jidka, waxay kaloo keenaysaa dhib ku timaada Mishiinka Cuntada raqda iyo inay dhimanto qaar Cunsurada aasaasiga ee keenaysa Dhiig yarida, Dookhada iyo Tacabka, markaa inaad hesho Cunto isu miisaaman waa Arin aad loogu baahan yahay

 

Wabillaahi atowfiiq

Essa Mohamoud

almutawaadic@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com