shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xikmada Soomka Bisha Ramadaan ee Barakaysan

(U.A.E, Aug 30,  2008 Ceegaag Online)

Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka, amaan iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa Rasuulka Allaah iyo Ahalkiisii iyo Asxaabtiisii iyo mid kasta oo maray Jidkiisii oo ku hadaysma Hanuunkiisii ilaa iyo Maalinta Qiyaamaha

Intaas ka dib:

 

Iyada oo ay ina ku soo fool leedahay Bishii barakaysnayd ee Ramadaan inshaa Allaahu tacaalaa ayaa waxaa laabud ah bal inaan in yar is xusuusino Arimo ku tacaluqa Bisha barakaysan iyo sidaynu fursadaa wanaagsan uga faa’iidaysan lahayn, ugu horayna waxaan u baarikayaa munaasibadan wanaagsan dhamaan Aqristayaasha Bogan ee Muslimiinta ah iyo dhamaan Ummada Soomaaliyeed ee Muslimka ah iyo dhamaan Ummada Islaamka Allaah tacaalaa ha inaga yeelo kuwa uu ka aqbalaayo Soomka oo uu Cadaabta ka xoraynaayo

 

Waxaan jeclaystay in aan Qoraalkan idiinku soo gudbiyo oo aan ka dhegaysano Caalim Rabaani ah Muxaadarad uu leeyahay oo ku saabsan Xikmada Allaah tacaalaa ugu farad yeelay Adoomihiisa Soomka Bisha Ramadaan, Muxaadaradan waxaa jeediyay Waqti aad u horeeyay Shiikh Alislaam Alcalaamah Shiikh Maxamed Nasiru-Diin Alalbaani Allaah ha u naxariistee, Shiikhu intaanu u gelin Mowduuca Muxaadarada wuxuu horta in yar ka hadlayaa Arin Salaada ku saabsan waana Salaada Casar Salaadi ma ka dambaysaa?

 

 Waxaa kaloo jirta in markuu dhamayay Shiikhu Allaah ha u naxariistee Muxaadarada in la waydiiyay Su’aal fara badan in kasta oo ay wada muhiim ahaayeena hadana waxaan gartay inaan soo raaciyo Mowduucan oo ku dhamaystiro Su’aal Su’aalahaa ka mid ahayd oo uu runtii aad ugu dheeraaday Shiikhu aadna u muhiim ah waana Salaada Qiyaamka ama Taraawiixda, waxa xusid mudan sidii caadiga ahayd inaan sheego in Tafsiirka Aayataha Quraanka kariimka ah iyo Xadiithyaduba ay ka baxasan yihiin Hadalka Shiikha, waxan kale oo aad u soo dhowaynayaa kuna faraxayaa oo uga mahad celinayaa Cidii ugu baraarujisa wixii Khalad ah ee ka soo baxa Qoraalkan, waxayna u dhacday Muxaadaradii sidatan:

 

Mana jirto Salaad ka dambaysa Casarka ilaa ay Qoraxdu dhacdo

 

Wuxuu yidhi Shiikhu Allaah tacaalaa ha u naxariistee: Allaah ayaa mahad iyo amaan mudan oo iska leh, waan u mahad celinaynaa waan kaashanaynaa dembidhaaf ayaan waydiisanaynaa, waxaan Allaah ka magan gelaynaa shararka nafahayaga, iyo acmaashayada kuwooda xun, kii Allaah hadeeyo cid lumin kartaa ma jirto, kii Allaah luminayona cid hadayn kartaa ma jirto, waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu caabudaa Jiritaanka oo aan Allaah ahayn kelidii oo aan lahayn wax shiriik ah oo lagu lamaaneeyo, waxaan qirayaa in uu Maxamed yahay adoonkii Allaah iyo Rasuulkiisii.

 

 

{Kuwii Allaah iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow, Allaah ka cabsada cabsi dhab ah hana dhimanina idinkoo aan muslimiin ahayn.} [Aali cimraan: 102]  {Dad yohow rabigiina ka cabsada, idinka abuuray naf keliya (Aadam calayhi salaam) ee ka sii abuuray xaaskeedii (Xawaa calayhaa salaam) ee ka sii abuuray rag badan iyo dumar oo ku kala fidiyey dunida guudkeeda, ka cabsada Allaaha aad wax isku waydiisataan iyo inaad riximka gowsaan, Allaah kor buu idinka ilaalinayaa oo waa ogyahay acmaashiina} [Nisaa: 1].

 

 

{Kuwii Allaah iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow Allaah ka cabsada oo ku hadla hadal toosan wuxuu idiin hagaajin acmaashiina wuuna idiin dembi dhaafi kii Allaah iyo Rasuulkiisa adeeca ayaa liibaanay liibaan wayn (janada nimcooyinka badan gelaaya)} [Alaxzaab: 71&72].

Intaa ka dib: hadal waxaa u khayr badan hadalka Allaah, jid lagu hanuunona wax u khayr badan kii Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam, arimaha waxaa u shar badan kuwa la abuuro, arin kasta oo la abuuraana waa bidca, bidca kastaana Naar ayay geli.

 

Intaa ka dib:

 

Waxaa laga yaabaa inay haboon tahay anaga oo idiin nimi Salaadii Casar ka dib waana Waqti ka mid ah Waqtiyada Sharci ahaan loo yaqaano inay tahay tukashada Salaadu Makruuh, hadana waxaa laabud ah inaad aragteen in aan iyada oo ay sidaas tahay iyo qaar Walaalihii aanu wada soconay ma aanu fadhiisan ilaa ka dib markii aanu tukanay laba Rakcadood, markaa waxa ay is waydiin karaan qaar inta halkan joogta oo ka mid ah inta og ama taqaan Xukumka Sharciga ah ee aan hada soo tilmaamay waana karaahiyada Salaada ka dib Salaada Casar, markaa waxay is waydiinayaan waa maxay Salaada ay hada tukanayaan Walaalahaasu?

 

Jawaabtayda taasuna waxay tahay Diintu waa nasiixo ugu horayn, tan labaadna waxa ugu khayr badan ee laga rabo Cidii leh ama taqaana wax Cilmi ah waa in uu u cadayo Cilmigaas Dadka oo aanu la aamusin, wuxuuna yahay Cilmigaasu kan Caam ahaan Dadka ugu xukuman in uu yahay Cilmi dahsoon, hadaba cadaynta Cilmigaas dahsoon oo sida waaqica ahna ah Cilmi lagu yaqaano Sunnaha, Cilmigaas oo kale ayaa ah kan la rabo in Caalimka iyo Ardayda Cilmiguba u cadayaan Dadka oo aanay la aamusin, gaar ahaan haduu Cilmiga shaygaasu yahay shay ay ku badan tahay la kulmidiisu Dadka isaga oo kale si toos ah iyo si aan toos ahaynba, waxaan ujeedaa in Muslimku ay

 

Laabud tahay in ay la kulanto in uu galo Masjidka Waqtigan ay Salaadu Makruuha tahay oo kale, markaa tanu waa Arin aanu sinaba uga maarmi Karin Muslim kastaa in uu ogaado hadii uu galo Masjidka Waqtiga ay Salaadu tahay karaahiyada sida Waqtigan oo kale waa maxay Waajibka la gudbooni? Miyuu fadhiisanayaa isagoo raacaaya Qaaciidad Caamka ah ee ah oo ku sugan sida Hadalkiisa calayhi salaatu wasalaam: (ولا صلاة بعد العصر حتى تغرب الشمس) (mana jirto Salaad ka dambaysa Casarka ilaa ay dhacdo Qoraxdu), mise halkaa waxaa jira waxyaabo laga reebaayo Qaaciidatan, tan weeye xaqiiqada ay tahay Waajibka in mid kasta oo Muslim Qaangaadha ahi uu ogaado in aan Qaaciidatanu ahayn sidaa loo yidhi oo keli ah ee ah Karaahiyada Salaada Waqtiyada la yaqaano

 

May aha sidaa loo yidhi oo keli ah ee waxay ku xidhantahay Shuruudo badan, mana aan doonaayo hada in aan idiin soo jeediyo Deris Fiqhi ah oo ah wixii ku tacaluqa Salaada oo hada waxaynu ku jirnaa Bishii Soomka, laakiin waxaa laabud ah in aan idiin sheego wixii ku tacaluqa munaasibadan aad aragteen waana Salaada ah ka dib Salaada Casarka, markaa waxaan leeyahay Salaada loo yaqaano xaga Culimada Taxiyat Almasjid, Salaadatanu waxay ka mid tahay jumlada waxyaabaha laga reebaayo Qaaciidadaa Caamka ah: (ولا صلاة بعد العصر حتى تغرب الشمس) waxaana jira halkaa waxyaabo badan oo laga reebaayo sidii aan hada idhina ma jirto hada munaasibad aan ku samayno cadaynteeda iyo tirakoobkeeda toona, hase yeeshee ka Reebitaanadaa waxaa ka mid ah Taxiyat Almasjid

 

Waayo Nebigii calayhi salaatu wasalaam wuxuu yidh: (إذا دخل أحدكم المسجد فلا يجلس حتى يصلى ركعتين) (hadii midkiin galo Masjidka yaanu fadhiisan ilaa uu tukado laba Rakcadood) halkan dabcan waxaa ah tafsiil Fiqhi ah oo aad u daqiiq ah, iyada oo ay iska horyimaadeen laba Nas oo Xadiith Caama ah (ولا صلاة بعد العصر) waa Nas Xadiith ah oo Caam ah, Hadalkiisa calayhi salaatu wasalaam ee ahna (إذا دخل أحدكم المسجد) isna waa Nas Xadiith ah oo Caam ah, hadaba labada Xadiith ee Caamka ah kee baa la hormarinayaa, Baadhitaanka Arintanu waxay u baahan tahay tafsiil iyadana hada daruuri maaha inaan galo, ilaa iyadoo Allaah casaa wajalaa uu inoo dheereeyo oo inoo barakayo Waqtiga oo uu ku kaco mid uun Walaalaha jooga ahi, inuu naga dalbado tafsiilta Arintaa, markaa ana diyaar baan u ahay markaan dhamayno oo ka faaruqno Jawaabaha Axkaamta ku tacaluqda Bisha Soomka

 

Laakiin waxaa hadana laabud ah in aan sheego Arin aad u muhiim ah oo ku tacaluqda tan aynu hada ku jirno Waqtigan waana Hadalkiisa calayhi salaatu wasalaam ee: (ولا صلاة بعد العصر حتى تغرب الشمس) Naskan Xadiithka ahi maaha sida loo yidhi uun, oo waxaa ku yimi Sunnaha laba Xadiith oo xidhaaya, mid waa Xadiith uu soo weriyay Cali Binu Abii Daalib radiya Allaahu tacaalaa canhu, kan kalena waxaa soo weriyay Anas binu Maalik radiya Allaahu tacaalaa canhu, midkood waliba wuxuu ka soo weriyay Nebiga calayhi salaatu wasalaam ee Xadiith xidhaaya ama shardi u yeelaaya Xadiithkaa Caamka ah ee hore: (ولاصلاة بعد العصر حتى تغرب الشمس)

 

Waxayna yidhaahdeen waa Cali iyo Anas ee radiya Allaahu tacaalaa canhumaa waxayna ku soo weriyeen Xadiithka Shardigan labaad: (نهى رسول الله صلى الله عليه وسلم عن الصلاة بعد العصر إلا أن تكون الشمس مرتفعة نقية) (wuxuu nahyiyay Rasuulkii sala Allaahu calayhi wasalam Salaada ka dambaysa Casarka ilaa hadii aanay ahayn Qoraxdu mid meel sare ku joogta oo Saafi ah) hadaba Arintanu way ka balaadhan tahay Arintii hore, Arintii hore waxaynu nidhi Taxiyat Almasjid waa la tukanayaa Waqtiga karaahiyada yacni wallow haday taasu noqonayso markay cawlaato Qoraxdu, hada Waqtigan se oo aanay weli Qoraxdii cawliin noqon bal sidaad aragtaan ay tahay cadaan saafi ah, hadii uu doono Muslimku inuu Salaad tadawuc hadana sameeyo Salaada Casar ka dib maadaama aanay Qoraxdii cawliin noqon weli, taasu way u banaan tahay

 

Waxana tan u daliil ah Xadiithkan u daliilka ah wixii aan soo sheegay ayaan ku soo gebagebaynayaa Kelmedaydatan ku saabsan munaasibada Salaada ka dambaysa Salaada Casarka, Daliilkaasuna wuxuu yahay mid ay ku soo weriyeen Aliimaam Bukhaari iyo Muslim labadooda Saxeex oo ah Xadiithkii Seyida Caa’isha radiya Allaahu tacaalaa canhumaa waxayna tidhi: (ما دخل رسول الله صلى الله عليه وسلم بعد الصلاة العصر يوماً إلا صلى في بيتي ركعتين) (ma uu soo gelin Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam ka dib Salaada Casar Maalina isagoo ku tukada Gurigayga laba Rakcadood mooyaane) markaa kanu waa Nas cad in Nebigu sala Allaahu calayhi wasalam ahaa hadii uu ku tukado Casarka Masjidka dabadeedna uu galo Gurigii Caa’isha radiya Allaah tacaalaa canhumaa in uu ku tukan jiray laba Rakcadood, sida tan ayayna ku camal fali jireen Salafkii qaarkood oo ah kuwii ogaaday ama u war hayay Xadiithka Caa’isha oo uu ka mid ahaa Inankii ay Walaasheed dhashay Cabdullaahi Ibnu Zubayr radiya Allaahu tacaalaa canhu, tan ayaana ku soo khatimayaa Kelmedayda tan

 

Xikmada Soomka Bisha Ramadaan ee barakaysan

 

Waxaana bilaabayaa Kelmed ku haboon inshaa Allaah Goobta iyo Maqaamka iyo Waqtigaba aynu ku jirno iyada oo aynu dhamaan ognahay Hadalka Allaah tabaaraka watacaalaa ee ah: { كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ [البقرة183]} {wuxuu ka waramayaa tacaalaa wuxuu ku manaystay isagu Adoomihiisa in uu ku farad yeelay iyaga soomis siduu ugu farad yeelay Ummadihii iyaga ka horeeyayba, waayo waa Sharciyada iyo Amarada ay ku jirto Maslaxada Khalqigu ama Uumanuhu Waqti kasta, waxaana ugu jirta Ummadatan firfircooni oo laydinka rabo inaad kula tartantaan qayrkiin dhamaystirka Camalada iyo u dheeraynta Sifooyinka wanaagsan, mana aha Arimaha culus, taas dabadeed ayuu tacaalaa sheegay Xikmada uu ka leeyahay jidaynta Soomka, inuu yahay Soomku Sababaha ugu wayn ee taqwada lagu gaadho, waayo waxaa ku jira u hogaansanaan Amarada Allaah iyo ka tegis wuxuu nahyiyay}  

 

Aayatatan wax badan baad maqasheen tacliiq ku saabsan iyo Hadal faa’iido leh wixii ku tacaluqa iyada, laakiin se waxaan u malaynayaa inaydin noqonaysaan kuwa ay yartahay intaad ka maqasheen tacliiq gaar ah oo ku saabsan Aayatan inteeda dambe { لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ } waxaa laydinku farad yeelay Soomkan waayo? { لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ } si aad u gaadhaan Taqwada, Aayatanu waxay ka mid tahay Aayataha yar bal waxay ka mid tahay Nusuusta Sharciga ee yar is raacinaysa Xukumkeeda Sharciga ah iyo cadaynta ujeedada iyo Ciladaba, halkaa waxaa ahaatay cadayn Faradnimada Soomka Bisha Ramadaan, waxaana la gudboon Muslimiintu inay bilaabaan inay samayaan  dabaqaada Xukumkan iyagoo aan is waydiin waayo? Iyo sidee? Iwm oo ka mid ah waxyaabaha ay hada badatay iswaydiinteedu, waxyaabaha lagu magcaabo Xikmadaha Sharciyaynta (حكم التشريع) Wax badan baad ka maqashaan Dadka qaar, waayo sidaas?!! Oo waayo sidaas?!! Waayo sidaas?!!                                                                                           

 

 

Sidaas darteed anagu wanaajisan mayno inaan isku balaadhino oo sii dhex galo Xikmadaha Sharciyaynta oo aan ahayn wixii Nas leh oo lagu sheegay Sharciga sida tan aan hada hayno {كتب عليكم الصيام إلى أخر الأية} waayo? Wuxuu yidhi tacaalaa: {لعلكم تتقون} oo macnaheedu yahay in waxa looga jeedaa Soomku yahay in uu u noqdo Soomkanu Wasiilad si uu u sii korodhsado Soomanuhu taqwad xaga Allaah casaa wajalaa iyo ku dhowaanshihiisa, markaa haduu soomo Soomanuhu oo aan waxba iska bedelin Wadcigiisa siduu ahaa markii hore yacni Ramadaan ka hor, markaa taas macnaheedu wuxuu yahay inaan Soomanahakanu xaqiijin Ujeedadii laga doonaayay Fariidad Soomka, waxaa ku yimid Xadiithyo qaar oo Saxeex ah dabcan oo ka sugnaaday Nebiga calayhi salaatu wasalaam oo cadaynaaya oo hubaalaynaaya Ujeedadatan ay Aayatu sheegtay

 

Tusaale ahaan Xadiithka Qudsiga ah ee uu ka soo weriyay Nebigu calayhi salaam Rabigiisa casaa wajalaa iyada oo uu yidhi: (من لم يدع قول زوري والعمل به فليس لله حاجة في أن يدع طعامه وشرابه) (midkaan iska daynayn Hadalka Dembiga ah iyo ku camal falkiisa Allaah waxba ugama baahna inuu iska daayo Cuntadiisa iyo Cabitaankiisa) kanu waa Xadiith aad u wayn, wuxuuna la kulmayaa la kulan kasta Aayataa dhamaadkeeda {لعلكم تتقون}, markaa maaha Ujeedadu hadii aynu isu gayno Aayata iyo Xadiithka, maaha Ujeedadu Ujeedada oo dhami, waxaan leeyahay Ujeedada oo dhami si aanay qaar Hadalkayga si xun u fahmin in uu Soomanuhu Naftiisa ka qabto Cuntada, Cabitaanka, isu galmoodka ee lagu sheegay iyaga inay yihiin kuwa wax afuriya Quraanka iyo Sunnahaba iyo weliba Afuriyaalka kale ee uu ka jiro khilaafka wayni Fuqahaada dhexdooda maaha Ujeedadu iska qabashada Afuriyaalka kan oo keli ah ee waxaa halkaa jira Waajibyo kale oo ku Waajib ah Muslimku inuu iyagana iska qabto hadana siduu isaga qabtay Afuriyayaalkaa

 

Markaynu eegno Arinta ku xusan Aayata iyo Xadiithka cad ee Saxeexa ah ee aan soo sheegnay hada, waxaan kari karaa in aan idhaahdo Shay laga yaabo inuu noqdo Arin cusub xaga Cabiraada mase aha Shay ku cusub xaga Axkaamta waayo taas waxaa lagu xusay Quraanka iyo Sunnahaba, cabiraadaa cusubi waxay tahay in Kutubta Fiqhiga dhamaan ay ku timid sheegista Afuriyaalka, taasuna waa Shay ama Arin ay tahay laabud, laakiin anigu waxaan leeyahay beyaamin iyo cadayn waxaynu hore ugu soo sheegnay Aayata iyo Xadiithka, waxaan leeyahay in ay Afuriyaalku yihiin laba Qaybood, laba Qaybood oo ay tahay Waajib in ay noqoto qaybintan Xaqqa ahi mid ku sugnaata Dihniyaalkiina dhamaan ahmiyada ay leedahay awgeed,

 

Qaybta kowaad waa Afuriyaalka Maadiga ah waana tan ay sheegeen cadaynteeda Kutubta Fiqhigu sidaan hada soo sheegay, Qaybta kale ee Afuriyaalkana aan ku magcowno Afuriyaalka Macnawiga ah, Afuriyaalkan Macnawiga ahi waa tan ay tilmaantay Aayata Kariimka ahi {لعلكم تتقون}, uuna cadayay taas Hadalkiisa calayhi salaatu wasalaam ee Rabigiisa tabaaraka watacaalaa: (من لم يدع قول زوري والعمل به فليس لله حاجة في أن يدع طعامه وشرابه), marka waxa Waajib ah Qofku inuu raaciyo ka tegista Cuntadiisa iyo Cabitaankiisa iyo Shahwadiisa Galma ahaaneed waxa Waajib ah inuu ku daro taas inuu ka tago oo ka dhamaado wixii uu ka xaaraantinimayay Allaah casaa wajalaa isaga oo uu ku farad yeelay  Muslim kastaa inuu noqdo mid ka fogaada

 

Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam waxa laga soo weriyay inuu yidhi: (ليس الصيام في ترك الطعام والشراب وإنما الصيام الإنتهاء عما نهى الله عز وجل او كما قال النبي صلى الله عليه وسلم) (ma aha Soomku ka tegista Cuntada iyo Cabitaanka ee waxaa weeye Soomku ka tegista ama ka dhamaanshaha wixii uu nahyiyay Allaah casaa wajalaa ama siduu yidhi Nebigu sala Allaahu calayhi wasalam), hadaba Cidii doonta inay isku taagto ama ogaato Xadiithyadatan iyo wixii u egba oo ku saabsan ka digista Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam ee la imaanshaha Macsiyadaha ee Soomanaha iyo in nahyigaasu ka mid yahay Hadalkiisa tabaaraka watacaalaa ee Caamka ah ama Guud {لعلكم تتقون}, Cidii doonta inay isku taagto noocyadan Xadiithyada ha ka eego Kitaabka Atarqiib wa Atarhiib (الترغيب والترهيب) ee uu leeyahay Xaafid Almundari Allaah ha u naxariistee,

 

 Ugu dambayntiina waxaan leeyahay in Soomku xaga ku tacaluqidiisa in loo sharciyay sababta ah in uu ku korodhsado Muslimku ku dhowaanshihiisa Allaah iyo taqwadiisa waa sida Salaada oo kale aad iyo aad, ee aanay ahayn Ujeedada laga leeyahay ee keli ahi inuu la yimaado Muslimku Shuruudaheeda, Arkaanteeda iyo Waajibaadkeeda oo keli ah bal ay korkiisa tahay hadana in uu ogaado Ujeedada iyo Xikmada uu owgeed hadana ugu sharciyayay Allaah casaa wajalaa Adoomihiisa Mu’miniinta ah Shan Salaadood Maalin iyo Habeen kasta, taasuna waa tan uu ku tilmaamay Rabigeenu casaa wajalaa Hadalkiisa: إِنَّ الصَّلَاةَ تَنْهَى عَنِ الْفَحْشَاء وَالْمُنكَرِ }}

 

 {Salaadu waxay reebtaa ama nahyidaa Fuxshiga oo ah wax kasta oo wayn oo xun oo ah Macsiyado ah oo ay rabaan Nafuhu oo shahiyad u hayaan, iyo Munkarka oo ah Macsiyado kasta oo ay diidayaan ama inkirayaan Caqliyada iyo Abuurtu}, hadaba inta uu yahay Qadarka ay noqonayso Salaada Muslimka mid ka reebta ama ka nahyida isaga Fuxshiga iyo Munkarka ayay ka noqonaysaa mid la aqbalay xaga Allaah casaa wajalaa, waxa uuna ku tilmaamay Nebigu sala Allaahu calayhi wasalam Xaqiiqadatan ku tacaluqda Salaada Xadiith saxeex ah waana Hadalkiisa calayhi salaatu wasalaam: (إن الرجل ليصلى الصلاة ما يكتب له منها إلى عٌشرها) (Qof baa wuxuu tukanayaa Salaad aan looga qorayn iyada ilaa toban meelood oo meel maaha ee) Qof baa wuxuu tukanayaa Salaad inta looga qorayaa Salaadaa ay tahay toban meelood oo meel yacni iyadii oo dhan loo qori maayo ee waxaa loo qorayaa iyada oo dhiman Nisbada kala gedgedisan,

 

Wuxuu taas ku cadayay calayhi salaatu wasalaam Xadiithkanu markuu dhan yahay waana Hadalkiisa: (إن الرجل ليصلى الصلاة ما يكتب له منها إلى عشرها، تسعها، ثمنها، سبعها، سدسها، خمسها، ربعها، نصفها) (Qof baa wuxuu tukanayaa Salaad aan looga qorayn iyada ilaa toban meelood oo meel maaha ee, sagaal meelood oo meel maaha ee, sideed meelood oo meel maaha ee, todoba meelood oo meel maaha ee, lix meelood oo meel maaha ee, shan meelood oo meel maaha ee, afar meelood oo meel maaha ee, nus ama badh maaha ee) halkan ayuu markaa isku taagay(waa badhka ee) isaga oo tilmaamaya in ay Salaada dhami tahay wax aad iyo aad u yar oo naadir ah aad iyo aad in uu ku kaco Muslimku, kooda ugu khayrka badani waa kan loo qoro badhkeeda iyo sidaas oo kale ilaa iyo toban meelood oo meel, toban meelood oo meeshuna waa hadii ay tahay Salaadiisu mid laga aqbalay xaga Allaah casaa wajalaa, hadii kale se wax badan bay noqonaysaa Salaada kan tukanayaa Salaadahaa Qofka Wejiga lagaga dhufanaayo Maalinta Qiyaamaha, waxaan ka magan galay Allaah tabaaraka watacaalaa ee

 

Taasna Nebigu sala Allaahu calayhi wasalam wuxuu tilmaamay labadan Xaqiiqo, Xaqiiqada kowaad waa tii aan ka soo hadalay ee ku saabsanayd Soomka, Xaqiiqada kalena waa tan ku saabsan Salaada, marka wuxuu yidhi calayhi salaatu wasalaam: (كم من صائم ليس له من صيامه إلى الجوع والعطش) (imisaa mid sooman aan ku lahayn Soomkiisa waxaan ahayn Gaajo iyo Haraad) waayo?! Waayo kama tegin wixii uu ka nahyiyay ama ka reebay Allaah casaa wajalaa isaga, waxa uu ku soo gaabsaday uun oo keli ah wixii aynu ku magcownay Afuriyaalka Maadiga ah, wuxuuna u malaynayaa in uu soomay, kaas waxaynu leenahay isaga oo kale waa soomay mana soomin, waa soomay oo wuxuu iska qabtay ama iska daayay Afuriyaalkii Maadiga ahaa, mana soomin waayo iskama qaban Afuriyaalkii Macnawiga ahaa

 

Sidaas darteed ayuu u yidhi calayhi salaatu wasalaam: (كم من صائم ليس له من صيامه إلى الجوع والعطش، وكم من قائم ليس له من قيامه إلى السهر والنصب) (imisaa mid sooman aan ku lahayn Soomkiisa waxaan ahayn Gaajo iyo Haraad, imisaa se mid tukanaaya aan ku lahayn Salaadiisa waxaan ahayn soo Jeedis iyo Daal ama tacab), hadaba waxaan ka rajaynaynaa Allaah tabaaraka watacaalaa inuu nagu ilhaamo ka soomista Afuriyaalka labadeeda Qayboodba ee Maadiga iyo Macnawigaba iyo inuu nagu ilhaamo in ay noqoto Salaadayadu mid uu aqbalay tabaaraka watacaalaa ayna noqoto Salaada naga reebaysa Fuxshiga iyo Munkarka, hadaba Munaasibadan waxaa laabud ah in aan sheego Xadiith ka mid ah Xadiithyada ku fiday Carrabka Dadka oo aanay sax ahayn bal aanay banaanayn in loo nisbayo Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam

 

Waayo iyada oo aanu ka sugnaan ugu horayn xaga dhismihiisa ama Sanadkiisa, tan labaadna xaga macnihiisa, Xadiith kaasu wuxuu yahay : (من لم تنهاه صلاته عن الفحشاء والمنكر لم يزداد بها من الله إلى بعداً) ( midkii aanay ka nahyiyin ama ka reebin Salaadiisu Fuxshig iyo Munkarka kagama korodhsado iyada xaga Allaah waxaan ahayn sii fogaansho) Xadiithkaasu wuxuu la macaanaan karaa Dadka qaar in ay maqlaan, waana la wanaagsanaan karaa Macnihiisu iyaga oo aan u fiirsan Macnaha Munkarka ah ee ku hoos jira ee uu xambaarsan yahay, taas waxay tahay in Xadiithkanu haduu ahaan lahaa saxeex aanu ka dhigeen Arinta dhexdooda kaa tukanaaya ee aanay ka reebayn Salaadiisu Fuxshiga iyo Munkarka iyo kaa aan tukan haba yaraatee, in uu noqdo kaa aan tukan haba yaraatee uu uga dhow yahay Allaah casaa wajalaa kaa tukanaaya ee aanay ka reebayn Salaadiisu Fuxshiga iyo Munkarka

 

Taasuna waa Arin Baadil ah oo Baadilnimadeedu u cadahay sida Qoraxdaa, yacni inuu noqdo kaa aan tukanayni mid ka khayr badan xaga Allaah casaa wajalaa kaa tukanaaya laakiin aanay ka reebayn Salaadiisu Fuxshiga iyo Munkarka, hadaba hadaad aragteen in Xadiithkan uu ku jiro macnahaa Baadilka ahi, markaa waxaa noo sax ah anaga in aan nidhaahno Isdilaaxii Culimada Xadiithka, Xadiithkanu waa Daciif xaga Sanadka waana Baadil xaga Matniga, waayo? Wuxuu leeyahay (لم يزداد بها من الله إلى بعداً ) kagama korodhsanaayo iyada xaga Allaah waxaan ahayn sii fogaansho!!! Markay sidaas tahay waxa la odhanayaa yaanu korodhsan sii fogaansho!!! Hadii aanu tukan ba Salaadaa uu tukanaayo ee aan ka reebayn Fuxshiga iyo Munkarka ee u sii kordhinaysa Allaah xagiisa fogaanshaha!!! Maya taas, ha joojiyo hadaba oo yaanu tukan!!! Taas waa Munkar dhinac kasta, sidaas darteed waxaan jeclaystay in aan idiin sheego in uu Xadiithkaasu Daciif yahay xaga Sanadkiisa uuna Baadil yahay xaga Matnigiisa

 

 

Salaat Alqiyaam ama Ataraawiix

 

Su’aal: Shiikh waxaa jirta Su’aal in Dadka qaar ku doodaan ama ku andacoodaan xaga kordhinta ama siyaadinta Taraawiixda ilaa iyo labaatan Rakcadood waayo bay yidhaahdeen Seyida Caa’isha radiya Allaahu canhumaa waxay soo werisay Sunnihii Camaliga ahaa ama Camal ahaaneed ee Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam ee may soo werin Sunnihii Qowliga ahaa ama Hadal ahaaneed, markaa waa maxay Jawaabta taasu? Ma se ka sugnaaday Xadiith sax ah Cumar radiya Allaahu canhu inuu tukaday Labaatan?

 

Jawaab: Su’aashanu waxay u baahan tahay Taraawiix!!! (Waxa uu shiikhu uga jeedaa Hadalkan waa inay dheeraanayso Jawaabta Su’aashanu iyada oo Masjidkana Waqti aad u dheer ay fadhiyeen), wuxuuna yidhi Shiikhu Allaah ha u naxariistee:  ugu horayn kama sugnaan Riwaayad sax ah Cumar Ibnu Khadaab radiya Allaahu canhu in uu tukaday Waqtigiisii Salaada Qiyaamka ee ay u bixiyeen kuwii dambe Salaada Taraawiixda labaatan Rakcadood, taas wax sax ah oo ka sugnaaday ma jirto, waxaa halkaa ku yimid Riwaayado qaar aanay midoodna ka badbaadayn Cilad aad u wayn, hadaba mid taas ka soo horjeeda waxaa ku yimid Mowda’a Iimaam Maalik oo leh Sanad saxeex inay tukadeen Salaada Qiyaamka koob iyo toban Rakcadood iyada oo uu amray taas Cumar Ibnu Khadaab radiya Allaahu canhu, wuxuu amray Cumar Ibnu Khadaab Ubaya Ibnu Kacab oo ahaa mid ka mid ah Quraadii waawaynayd ee Saxaabada inuu tukiyo Dadka koob iyo toban Rakcadood

 

Markaa kama sugnaan Riwaayad sax ah Cumar in uu tukiyay Waqtigiisii labaatan Rakcadood bal waxaa ka sugnaatay oo sax ah taas khilaafkeeda, hadaba taas ka sugnaatay ee saxa ah Cumar Ibnu Khadaab radiya Allaahu canhu ee uu amray isagu ayaa ah tan aanay suurgal ahayn inay ka soo baxdo isaga khilaafkeedu taas, waayo wuxuu ogaa siday u ogayd Seyida Caa’isha radiya Allaahu tacaalaa canhumaa in Nebigu sala Allaahu calayhi wasalam aanu tukan Salaada Qiyaamka Ramadaan iyo qayr Ramadaan toona wax ka badan koob iyo toban Rakcadood, waxaa ku yimid Saxeexa Bukhaari iyo Muslim kaasaana idinkaga filan Riwaayadahaas aan idinku idhi hada kama madhna midood waliba Cilad aad u wayn, waxaana idinku filan inaad ogaataan in aan waxba kaga jirin Saxeexaynka Riwaayadahaas haba yaraatee, hadaba Saxeexaynka waxaa ku jira Xadiithkaa laga soo sheegay Caa’isha radiya Allaahu canhumaa in la waydiiyay Salaadii Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam ee Ramadaanta Habeenkii

 

 Waxayna u Jawaabtay Asluubtii Xakiimka, Asluubta Xakiimku waxay tahay waxbaa la waydiinayaa, markaas ayuu wuxuu kaga jawaabayaa mid ka sii badan, taasuna waa Shani’ga Caalimka Cilmiga leh ee sii daynaaya Cilmiga, maaha daruuri in Masa’ala kasta looga soo jeediyo Su’aal bal isaga ayaa soo horaysiinaaya Jawaabtii intaanay Su’aashu u iman, sidaas ayay ahaayeen Salafkii hore, waxayna tidhi Seyida Caa’isha iyada oo u jawaabaysa kii Su’aasha ka waydiiyay Qiyaamkii Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam ee Ramadaan, waxayna tidhi : (ما كان رسول الله صلى الله عليه وسلم يزيد في رمضان ولا في غيره على إحدا عشرة ركعة) (ma uu ahayn Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam mid dhaafiya ama ka kordhiya Ramadaanta iyo qayr Ramadaan toona koob iyo toban Rakcadood) laakiin se maqla waxay tidhi : (يصلى أربعاً فلا تسئل عن حسنهن وطولهن ثم يصلى أربعاً فلا تسئل عن حسنهن وطولهن ثم يصلى ثلاثاً) (wuxuu tukan jiray afar hana warsan wanaagooda iyo dheeraantooda, dabadeedna wuxuu tukan jiray afar hana warsan wanaagooda iyo dheeraantooda dabadeedna wuxuu tukan jir saddex)

 

Taas ay sheegtay Seyida Caa’isha radiya Allaahu canhumaa shaki kuma jiro in Cumar radiya Allaahu tacaalaa canhu uu ogaa taas, sidaas darteed ayuu wuxuu amray Hanuunkiisii calayhi salaatu wasalaam Ubaya Ibnu Kacab inuu tukiyo Dadka koob iyo toban Rakcadood, hadana waxaan Jawaabta ku darayaa si aan Qalbiyada ugu dejino Walaalahayaga Ahalka Sunnaha ah ee jecel inay dhowrtaan Sunnaha oo aanay ka leexan, ma odhanaayo dhamaanteed waayo taasu waa Arin mustaxiil ah, uma aha suuragal midkeena inuu samayo wuxuu samayn jiray Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam, taasu waa Arin mustaxiil ah laakiin sida la yidhi: (فتشبهوا إن لم تكون مثلهم * إن التشبه بالكرام فلاح) (isu ekaysiiya hadaydaan noqon karayn sidooda * isu ekaysiinta kuwa Karaamada lihi waa Badhaadhe ee ama Guul ee)

 

Waa kuma kan kari karaaya inuu taagnaado Rakcad keli ah oo uu ku aqriyo Suurat Albaqarah, Aala Cimraan iyo Almaa’idah dabadeedna Anisaa, afar Suuradood oo dhaadheerka ah Rakcad keli ah, mana aha taas oo keli ah ee wuu rukuucaa markaas ayay noqotaa Rukuucdiisu mid ku dhow taagnidiisii, mana aha taas oo keli ah ee markuu Madaxiisa kor uga qaado oo ka soo noqdo Rukuucda waxay ahayd taagnidiisu mid ku dhow Rukuucdiisii, mana aha taas oo keli ah ee hadii uu sujuudo waxay ahayd Sujuudiisu mid ku dhow taagnidiisii labaad, hadiina uu fadhiisto labada Sujuudood dhexdooda oo Madaxa kor uga qaado Sujuuda koobaad wuxuu ahaa fadhigiisu mid ku dhow Sujuudiisii, sidaas oo kale waxay ahayd Sujuuda labaad mid ku dhow fadhigiisii labada Sujuudood dhexdooda yaa kari kara taas?!!!

 

Hadii ay ahaayeen Asxaabtii Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam kuwa aan kari karayn Salaadiisii oo kale, markaa kuwamaynu nahay inagu?!!! Waxaa samayay Salaadaa oo ku daba tukaday calayhi salaam Xudayfa Ibnu Yamaan, Habeen buu kacay markaas ayuu arkay Rasuulkii oo Masjidka ku tukanaaya kelidiis, markaas ayuu ku xidhay isagu, wuxuu ku furay Suurat Albaqarah markaas ayuu Gacantiisa ku dhacay, sidaas ayay ahayd Nafsiyada Xudayfa wuxuu inooga sheegaayo Xadiithkiisii Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam waxaana uu ku dejiyay Naftiisa in Rasuulku calayhi salaam si kasta oo uu ugu dheeraado Qiraa’ada intee ku dheeraanayaa!! Dee waxa uu ku rukuuci doonaa ilaa boqolka Aayatood ee ugu horeeya, sidaas ayuu kula sheekaystay Naftiisa, wuxuu yidhi: wuu waday oo ma rukuucin! wuu waday, hadana labadii boqol ee labaad! Wuu waday, wuxuu dhameeyay Albaqarah oo dhan, markaas ayuu isu dhiibay Waaqica uu ku jiro waa Xudayfa ee, mar dambena isuguma sheekayn haduu rukuucayaa, haduu rukuucayaa, wuxuu u dhiibay Arinkiisii Allaah casaa wajalaa

 

Wuxuu aqriyay Albarah ka dib sidaad maqasheen Aala Cimraan dabadeedna Almaa’idah sidaas ayuu ahaa, hadana wuxuu ku soo noqday Anisaa, sidaas ayuu ahaa waa kaa Saxaabigii ahaa Hayaha Sirtii Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam Xudayfa Ibnu Yamaan!!!, Saxaabi jiliil ah oo kale Cabdullaahi Ibnu Mascuud radiya Allaahu tacaalaa canhu ayaa ku tukaday mar Habeen kale Gadaalkiisa calayhi salaam wuxuuna yidhi: waa ku dheeraaday oo ku dheeraaday ilaa aan ku ham hamiyay Arin xun!!! Markaas bay ku yidhaahdeen: oo maxaad ku ham hamiday?! Wuxuu yidhi: waxaan ku ham hamiyay in aan isaga daayo ha taagnaadee oo aan anigu fadhiisto!!! Ujeedadu waxay tahay ma kari karaayo Qofna weligiisba in uu falo Ficilkii Rasuulka oo uu Allaah ku caabudo Cibaadadii Rasuulka, hase yeeshee sidaan hada idhi: (فتشبهوا إن لم تكون مثلهم) (isu ekaysiiya hadaydaan noqon karayn iyaga oo kale), hada aan halkan isku taagno joogsi gaaban laga yaabee, ma wuxuu noqonayaa isu ekaysiinta Rasuulku inaad ka sii siyaadisid isaga?! Ha ahaato xaga intee ama sidee ee? Xaga sidee taasu waa mustaxiil

 

Xaga se intee taasu waa wax Waaqic ah, hada Dadku waxay ilaaliyaan inay tukadaan Taraawiixda saddex iyo labaatan Rakcadood, taas oo khilaafsan tiradii Rakcadaha Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam, qaarkood taasuna waa Waaqic aan lahayn Cid difaacaysa, waxay ku tukadaan Salaada ah saddex iyo labaatanka Rakcadood mudo ah labaatan Daqiiqo, wixii intaa ka sii wanaagsan waa sodon Daqiiqo, markay ugu badato waa Saacad, markaa Walaalayaal hadii aad ku tukataan koob iyo toban Rakcadood labaatankaa Daqiiqo ama sodonkaa Daqiiqo ama Saacadaa, taas ayaa idiinka khayr badan Rakcadahaas aanad ka helayn wax idmi’naan ah yacni aanay Naftu ku xasilaynin ee uu iyada oo kale yidhi Cabdullaahi Ibnu Mascuud ee yidhi waxaan ku ham hamiyay Arin xun, wuxuu yidhi: isaga oo ka hadlaaya Salaada Safarka ma waxa weeye Qasar laba Rakcadood ah mise waa afar Rakcadood

 

Wuxuu yidhi: Sunnihii Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam ee Safarku waa laba Rakcadood siduu yidhi Anas Binu Maalik radiya Allaahu tacaalaa canhu: (خرج رسول الله صلى الله عليه وسلم من المدينة إلى المكة فلم يزل يصلى ركعتين ركعتين حتى رجع إلى المدينة) (wuxuu ka baxay Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam Almadiinaha isagoo u socda Makka kamana suulin in uu tukado laba Rakcadood laba Rakcadood ilaa uu ku soo noqday Almadiinah) wuxuu yidhi Ibnu Mascuud muxuu yidhi?!! Halkan ayayna ku jirtaa cibradu ee wuxuu ku cataabay alaa may alaa may ka mid ahaato Salaadayda laba Rakcadood oo la aqbalaayaa, ma anaa tukada afar oo khilaafa Rasuulka? Rasuulkii wuxuu tukaday laba Rakcadood, markuu ka baxay Madiinah ilaa Makkah ilaa uu ku soo noqday Madiinah wuxuu tukanaayay laba laba Rakcadood, markaas ayaad adigu tukanaysaa afar!!! Alaa may alaa may ka mid ahaato Salaadayda laba Rakcadood oo la aqbalaayo

 

Markaas iyamaa Jid hanuunsan oo Hadal toosan kuwaas ku tukanaaya Taraawiixda odhan mayno labaatan Daqiiqo, sodon Daqiiqo ee Saacad ku tukanaaya saddex iyo labaatan Rakcadood iyo kuwaas ku tukanaaya koob iyo tobanka!!! Shaki kuma jiro inay kuwaa koob iyo tobanka tukanayaa u dhow yihiin xaga isu ekaysiinta Rasuulkii calayhi salaam, ma odhanaayo kuwaasu waxay la yimaadeen Sunnihii, ogaada waa mustaxiil inaan kari karo inaan la nimaadno Sunnihii, laakiin aan isu ekaysiino Cidii inoo sunnaysay Sunnahan oo tukano Salaada Qiyaamka koob iyo toban Rakcadood oo keli ah, hadaba Walaalayaal iska dhaafa doodeeda Rasuulkii wuxuu tukan jiray koob iyo toban iyo wuxuu tukan jiray saddex iyo labaatan ee bal tukada koob iyo toban Rakcadood halkii aad ka tukan lahaydeen saddex iyo labaatan iyo Waqtigii aad tukan lahaydeen saddex iyo labaatan, taas baad ku noqonaysaan kuwa guulaystay uguna dhow isu ekaysiinta Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam

 

Waxaan u malaynayaa waxaa hadhay Su’aashii ahayd saddexda Qaybood Qaybtii ugu damabaysay, waana ku andacoodka Hadalkiisa sala Allaahu calayhi wasalam ee Caamka ah, iyada oo ay Su’aashu ku timi in qaarkood ku andacoodaan in Seyida Caa’isha radiya Allaahu canhumaa ay ka hadashay Ficilkiisii calayhi salaam, laakiin aanay ka hadal Hadalkiisii, waxayna ujeedaan Hadalkiisii calayhi salaam ee Xadiithkii Cabdullaahi Ibnu Cumar Ibnu Khadaab radiya Allaahu canhumaa sida ku timid Labada Saxeex: (عن إبن عمر قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم صلاة الليل مثني مثني فإذا خشي أحدكم الصبح فاليوتر بركعة توتر له ما قد صلى) (Ibnu Cumar in uu yidhi: wuxuu yidhi Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam Salaada Habeenkii waa laba labo markaa hadii uu ka baqo midkiin Aroorta ha ku witiriyo Rakcad u witirisa wixii uu tukaday), taasi waa Xujad muuqaalkeedu ama daahirkeedu yahay xoog, hoosteeda ama baadinkeedu se yahay daciif aad u wayn, taasu waxay tahay sida xaqiiqada ahna tanu waa Qaaciido aad iyo aad u muhiim ah, markaa waxaan rajaynayaa in Walaalaha halkan jooga gaar ahaana intooda ah Ardayda Cilmiga waa inay aad ugu wacyi qaataan oo u xafidaan

 

Waayo waxay ka gargaaraysaa fahmida Masa’alado badan oo Fiqhiga ah, kuwaas oo ay isku khilaafsan yihiin Culimada hada Waqtigan jooga iyo laga yaabee kuwii horeba, waxaana ku andacoon kara Ahalka Bidcada si ay ugu shakisiiyaan Bidcooyinkooda, markaa waxaan leeyahay xaqiiqa ahaan kanu waa Nas Caam ah (صلاة الليل مثني مثني) ma odhan calayhi salaatu wasalaam waa toban Rakcadood Rakcada ugu dambaysaana waa Witir keli ah, ee wuxuu yidhi waa laba labo, markaa waxaanu leenahay waana halkan diqada Mowduucu ee waxaan rajaynayaa in loo fiirsado, Nas kasta oo Caam ah oo ay soo hoos galaan Jusas badan oo aad u badan oo aan ognahay ama ogaano in Jus ka mid ah Naskaa Caamka ah aanu ku camal falin Rasuulkii calayhi salaam ku camal falka Juskaa inkasta oo uu soo gelaayo Naska Caamka ah waxay noqonaysaa Bidcah, waa Masa’alad diqad wayn xambaarsan!!! Laakiin se waxa laga yaabaa in Tusaalayaal qaar ahi cadayaan, Tusaalayaashaa ka hor waxaan leeyahay Asalka Bidca kasta ee Dhulka korkiisa waxaa u sabab ah qabsashada Nasaska Caamka ah ee aan ku camal falkeeda Caam ahaaneed ka sugnaan Cahdigii Kowaad

 

U soo qaado Tusaale Aadaanka, Aadaanku Wadama badan oo Islaam ah wuxuu leeyahay Hordhac iyo Gebagebo, xagayaga Shaam waxay ku magcaabaan Hordhaca Tadkiir, Gebagebaduna waa ku saliyida Rasuulka calayhi salaam, ku saliyidaasna waxaa ku jira siyaadooyin badan oo Baadil kan ugu Baadilsan ah sida yeedhitaankooda Hadalkooda ah “ kii ugu horeeyay ee Allaah abuurow” waxaas oo dhan waxa lagaga dhaqmaa Suuriya iyo laga yaabee Masar iyo Wadamo kale, si kasta ha ahaatee aan soo qaadano Masa’alada xasaasiga ah waa ku saliyida Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam ee Mu’adinka Waqtiga Aadaanka, taas wuxuu soo gelayaa Caamamka Quraanka iyo Xadiithka Rasuulka calayhi salaam: {إِنَّ اللَّهَ وَمَلَائِكَتَهُ يُصَلُّونَ عَلَى النَّبِيِّ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا صَلُّوا عَلَيْهِ وَسَلِّمُوا تَسْلِيماً }

 

{Allaah tacaalaa wuxuu ku amaana Nebiga Malaa’ikta dhexdeeda ee Mala’ sare jeclaanta uu u qabo tacaalaa awgeed, wayna u amaanaan Malaa’ikta u dhowi wayna u ducayaan, ee hadaba kuwii Allaah iyo Diintiisa Xaqqa ah rumayayow idinka oo ku dayanaaya Allaah iyo Malaa’iktiisa ugana abaal gudaaya qaar Xuquuqda uu idinku leeyahay iyo dhamaystirid Iimaankiina iyo Waynayntiisa calayhi salaam iyo jeclaantiisa iyo karaamayntiisa iyo inaad kordhsataan Xasanaatkiina kana kufridaan Xumaantooyinkiina u amaana calayhi salaatu wasalaam Allaah, Salaamana Salaam waynayn ah} ma waxaa jirta Cid Muslimiinta ka mid ah oo inkiraysa Aayatan?!!! Cidii inkirtaa waa Cid gaalowday, markaa ma jirto Cid inkiraysaa, hadaba waayahay ee maxaynu odhanaynaa kuwaas ku andacoonaaya Aayatan?!!! Ee odhanaaya maxaydin idinku noogu diidaysaan inuu Rasuulka ku saliyo Mu’adinku Aadaanka ka dib, waa kaas oo Allaah tacaalaa wuxuu leeyahay sidaas iyo sidaas ee?!!!

 

Mana aha taas oo keliyah ee waxaa jira halkaa Xadiithyo uu ka mid yahay Hadalkiisa calayhi salaam: (من صلى علي مرةً واحدةً صلى الله عليه بها عشره) (Cidii igu salida aniga mar keli wuxuu Allaah tacaalaa ugu saliyaa iyada toban jeer) hadaba anigu waxaan ahay Mu’adin waxaana jecelahay inaan ku saliyo Rasuulka Aadaanka dabadii ee maxaad noogu diidaysaan?!!! Sidaas kaga qiyaas qaado Shayaal badan oo aad u badan, xagayaga Shaam hadana waxa lagu saliyaa Rasuulka Faradyada ka dib, dhamaan Shayadaasu may jirin Cahdigii Rasuulka calayhi salaam, markaa halkan waa laba Arimood miduun: waa inay noqonayso fahamka kuwaas Mubtadicada ahi dabaqaadooda Nusuustan, ku tiirsanaanta Cumuumkooda ama inay yihiin kuwa saxan!!! Markaa maxay noqonayaan Salafkii oo uu ugu horeeyo Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam, waxay noqonayaan kuwa khaldanaa!!! Cidii taas tidhaahdaana waxay uga baxaysaa Islaamka siday Tintu uga baxdo Cajiinka, mana jirto Cid odhanaysaa taas, hadaba waxaa hadhay Shay kale oo hadana aanay suurgal ahayn inay Cidi tidhaahdo

 

Waana “anagu waxaanu uga baahi badanahay Daacada Allaah Salafkii wanaagsanaa” taasuna hadana hadaanay noqon Kufrinimo waa wax u eg Kufriga “anagu waxaanu uga baahi badanahay Daacada Allaah Salafkii wanaagsanaa” waxana uu ku yidhi Rasuulkii Allaah calayhi salaam Xadiithyo badan ay ka mid tahay sida ku yimid Saxeex Almuslim: (إن النبي صلى الله عليه وسلم قال: ما بال أقوامٍ يتنزهون عن فعل أفعله والذى نفس محمد بيده إني أخشاكم لله وأتقاكم لله) (in Nebigu sala Allaahu calayhi wasalam yidhi: bal ka warama Qoomam iska daahirinaya ama iska fogaynaaya Ficil aan anigu falay waxaan ku dhaartay kii ay Nafta Maxamed Gacantiisa ku jirtay ee aniga ayaa idiinku baqdin badan Allaah xagiisa oo idiinku taqwad badan Allaah xagiisa) taas ayuu ku yidhi calayhi salaam Xadiithka Saxeex Almuslim, waxaana halkaa jira Xadiith ku yimi labada Saxeex oo ku tacaluqa Nimankii saddexda ahaa ee yimid Gurigii Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam

 

Markaas ayay ka waayeen, markaas ayay waxay waydiiyeen Dumarkiisii calayhi salaam Soomkiisii iyo Salaadiisii Habeenkii iyo guurkiisa Dumaraka, markaas ayay uga warameen waxay ogaayeen, waxayna yidhaahdeen isagu calayhi salaam wuu u kacaa Salaada Habeenkii waana seexdaa, waana soomaa waana afuraa, Dumarkana waa guursadaa, markaas ayay waxay yidhaahdeen halkana weeye Khaladka wayn ee lafdigooda, waxay yidhaahdeen kaasu waa Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam, Allaah ayaa u dhaafay isaga Denbigiisa kii tegay ama hormaray iyo kii hadhsanba, Carrabkooda Xaaladaasu wuxuu leeyahay oo dee muxuu u kacayaa Rasuulku Habeenkii oo dhan, oo muxuu u soomayaa Cimrigiisa oo dhan, oo muxuu u kayfi waayay oo u guursan waayay Dumarka labo, saddex, afar iyo in ka badan weliba oo Nebiga calayhi salaam khaas u ahayd, anaga se xagee ayaanu leenahay oo Allaah nooga Denbi dhaafayaa anaga?!!!

 

Markaa waxaa Waajib ah in aan ku dheeraano oo buunbuunino Daacadiisa casaa wajalaa, wayna isu balan qaadeen dhexdooda iyada oo ay Dumarkii Rasuulkuna maqlaayaan, wuxuu yidhi midkood: anigu guursan maayo Dumarka weligay, kii labaadna wuxuu yidhi: aniguna inta aan noolahay oo dhan waan soomi, kii saddexaadna wuxuu yidhi: aniguna waxaan u taagnaan Salaad Habeenkii oo dhan mana seexan doono, wayna tageen Rasuulkiina calayhi salaam waa yimid, waxaana looga waramay Warkii saddexda Nin, markaas ayuu galay Masjidka wuxuuna soo shiriyay Dadkii wuxuuna yidhi waana halkan Markhaantigu ee: (ما بال أقوامٍ يقولون كذا وكذاوكذا ألآ إني أخشاكم لله وأتقاكم لله ألآ إني أصوم وأفطر وأقوم الليل وأنام وأتزوج النسآء فمن رغب عن سنتي فليس مني)

 

 (bal ka warama Qoomam odhanaaya sidaas iyo sidaas iyo sidaas alaa aniga ayaa idiinku baqdin badan Allaah xagiisa oo idiinku taqwad badan Allaah xagiisa alaa anigu waan soomaa waana afuraa, Habeenkiina waan u kacaa Salaada waana seexdaa, Dumarkana waan guursadaa, ee markaa kii aan doonayn Sunnahayga iga mid maaha) hadaba waxa aad u muhiim ah si aynu u fasirno Nusuusta Caamka ah waa in aan garanaynaa Sunnihiisii calayhi salaam Camal ahaaneed ama Ficil ahaaneed, waxaa ku yimid halkan Su’aashan Jahliga ay qabaan qaar Waydiiyaalka awgeed wuxuu yidhi: in Seyida Caa’isha ay ka hadashay Ficilkiisii calayhi salaam ee aanay ka hadal Hadalkiisii calayhi salaam!!! Laakiinse ma aragtay miyay Sunnihiisa Ficil ahaaneed khilaafaysaa Sunnihiisa Hadal ahaaneed!!! Quraankana waxaa ku jirta:

 

وَمَا أُرِيدُ أَنْ أُخَالِفَكُمْ إِلَى مَا أَنْهَاكُمْ عَنْهُ }} {mana aan rabo in aan anigu falo waxaan idiin diidaayo oo idinka reebaayo bal Amarkii aan idinka reebo waxaan ahay kan ugu horeeya ee ka tegaaya} markaa wuxuu Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam ugu cadayn jiray Dadka Hadalka Allaah Ficilkiisa mana aha Ficilkiisa oo keli ah ee bal iyo Qiritaankiisa, hadii uu arko Cid Camal samaynaysa ama Cibaado oo uu qiro iyada waxay noqotay Cibaado Mashruuc ah ama uu Camal caadi ah arko oo uu qiro isaga wuxuu noqday Camal ay banaana tahay samayntiisu, markaa hadaba Cadaynta Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam ee Hadalka Allaah casaa wajalaa iyo weliba Hadalkiisa isaga, isaga ayaa ku kici jiray dabaqaadiisa Hadalkan iyo tafsiiltiisa Cadayntiisa Hadal ahaaneed iyo Qiritaankiisa hadana

 

Taasu ma waxay tahay Waydiiyahaa yidhi in ay Seyida Caa’isha ka hadashay Ficilkiisii calayhi salaam ee aanay ka hadal Hadalkiisii ama Qowlkiisii?!!! Hadaba Hadalkeeda ah Ficilkiisii calayhi salaam Ficilkiisa ayaa cadaynaaya Hadalkiisii ahaa laba labo, Daliilna waxa u ah in Nebigu sala Allaahu calayhi wasalam uu noolaa labaatan Sano isaga oo gaadhsiinaaya Shareecada Allaah ilaa iyo Adoomihiisa, astaqfiru Allaah laakiin waxaan leeyahay inuu Dadka qancinaayay, intaa miyaanu marna khaldameen, Habeen keli ahna oo tukadeen labaatan Rakcadood ama tukadeen sodon Rakcadood, sida ay ka samayaan Masjid Alxaaraamka mar mar ayay tukan jireen afartan Rakcadood, marna miyaanu samayeen!!! Markaa hadaba ku socashada Rasuulka calayhi salaam ee Salaada Qiyaamka koob iyo toban Rakcadood waxay macnaheedu tahay Cadaynta Hadalkiisa ee isaga Naftiisa: (صلاة الليل مثني مثني)

 

Waxaan idiinku soo dhowaynayaa taas Tusaale oo aan ku soo gebagebaynayaa Jawaabta: wuxuu ku yidhi Allaah tacaalaa Quraanka kariimka ah: {وَالسَّارِقُ وَالسَّارِقَةُ فَاقْطَعُواْ أَيْدِيَهُمَا } {Tuuga iyo Tuugadana Gacmahooda gooya} hadii aynu mari lahayn Jidka kuwaa Mubtadicada ah bal Waydiiyahaa ku khaldamay Su’aashiisa markuu yidhi: in Seyida Caa’isha ay cadaysay Ficilkiisii calayhi salaam ee aanay cadayn Hadalkiisii wuxuu u jeedaa in Hadalkiisu koobaayo wax ka badan wuxuu samayay!!! Ila eega hada, Gacantu xaga Luqada sida loo yaqaano waxa la yidhaahdaa laga bilaabo Faraha, Calaacash, Dhudhunka, Cududa ilaa Garabka intaas oo dhami waa Gacan, Tuugana waxa la yidhaahdaa laga bilaabo kan Irbada ama Beedka xada ilaa iyo kan xada Xoola aad iyo aad u farabadan, hadaba ma waxa la gownayaa Tuug kasta Gacanta?!!! Jawaabta Manhajka Mubtadicada bal Manhajka Waydiiyahaa yidhi: in ay Seyida Caa’isha radiya Allaahu canhumaa cadaysay Ficilkiisii calayhi salaam ee aanay cadayn Hadalkiisii!!! Allaah ha ku saamaxo

 

Hadalkiisii calayhi salaam waxaa cadayay Ficilkiisii, Hadalku ma khilaafo Ficilka, Ficilkuna ma khilaafo Hadalka, hada xagee ayuu ka gooyay calayhi salaam Gacanta Tuuga waa halkaa Rusukha ee ay iska galaan Calaacasha iyo Dhudhunku, markaa hadaba wuxuu khilaafay Ficilkiisu Naskii Quraanka ahaa ee Caamka ahaa ee maaha Naskii Caamka ahaa ee Nabawiga!!! Ma la odhan karaa taas waa khilaafay!!! Xaashaa lilaah, waa maxay tacbiirta Cilmiga ah ee Fiqhiga daqiiqa ah ee uu cadayay Rasuulka Allaah calayhi salaam markuu ka gooyay Gacanta Tuuga Rusukha? Waxa uu cadayay Hadalkiisa tacaalaa ee Caamka ama Mudlaqa ah ee { وَالسَّارِقُ وَالسَّارِقَةُ }, markaa hadaba waxaa laabud ah in aan u qaadano Hadalka Fasire ku cadaya Ficil xataa haduu yahay Hadalku Quraanka kariimka ah iyo weliba Hadalka Rasuulka kariimka ah

 

Taas waxaad ku dartaa in waxa ku saabsan Tuuga in aanu Rasuulku calayhi salaam gown jirin Gacanta Tuug kasta bal wuxuu ku cadayay taas hadana Hadalkiisa ku macruufka ah labada Saxeex: (لا قطع إلى في ربع ذينار فصاعداً) (ma jirto gowni ilaa Rubuc Diinaar iyo wixii ka saraya maahee), hadaba Sunnaha Rasuulku calayhi salaatu wasalaam waa laba Qaybood bal saddex Qaybood Hadal, Ficil iyo Qiritaan (قولية، فعلية، وتقريرية), markaa waxaa la rabaa inaad qaadatid dhamaan Qaybaheeda saddexda ah oo aynaan ku dhufan qaarba qaarka kale. Hada inagu waxaynu ku jirnaa Salaadii Qiyaamka waxaana saxeex ah inuu yidhi calayhi salaam: (صلاة الليل مثني مثني) taasuna waxay koobaysaa tobanka Rakcadood, labaatanka, sodonka iwm laakiin se muxuu ka dabaqay calayhi salaam Hadalkiisaa? Waa koob iyo toban Rakcadood,

 

Anoo soo gaabinaaya hada waxaan leeyahay macnaha Xadiithka, Muslimow hadii ay kuu muuqato inaad Habeenkii kacdo oo aad tukato Salaada Laylka ama Habeenimo, Salaada Qiyaamka, Salaada Tahajudka, Salaada Taraawiixda dhamaan Magacyadaas oo dhami waxay muujinayaan Magac keli ah yacni waa isku mid Salaadaha Magacyadaa kala wataa, ee waxaad tukataa laba laba Rakcadood, laakiin ha ku dheerayn iyada ee ku aqri intii aad doontid oo Quraanka ah Taagnidana dheeray iyo Rukuucda iyo Sujuuda, markaa waan ku celinayaa ee isu ekaysiiya Rasuulka Allaah sala Allaahu calayhi wasalam, dabadeedna hadii aad ka baqdid laakiin waxaan leeyahay waxa ah wax laga xumaado in aanu ahayn Khidaabkanu ama Hadalkanu mid loo jeediyo Muslimiinta Maanta!!!

 

Waayo anigu Shakhsi ahaan laga yaabee inaan Dadka ka qiyaaso Naftayda, anigu Shakhsi ahaan ma aan malaynaayo in Qof intuu kaco Habeenkii oo tukado laba Rakcadood oo ay ku rumowdo waxay ka tidhi Seyida Caa’isha radiya Allaahu canhumaa afartii Rakcadood (فلا تسئل عن حسنهن وطولهن) oo uu ku dheeraado Qiraa’ada labada Rakcadood oo ku dheeraado ku dheeraado dabadeena uu tukado laba Rakcadood oo uu ku dheeraado ku dheeraado oo markaa ka baqo inuu Waagu ku beryo ama Fajarka ayuu yidhi Rasuulkii calayhi salaam hadaad ka baqato Fajarka ku witiri Rakcad, meeday markaas Salaadatan dheeri Maanta?!!! Markaa inagu waxaan ka qaadanaynaa Xadiithkaa in Muslimow hadaad doontid inaad Habeenkii kacdo waxaad tukataa laba Rakcadood oo wanwanaagsan wanwanaagsan oo dhaadheer dhaadheer weli hadii Waqtigu joogo tuko laba Rakcadood oo kale, laba kale hadana oo sidii oo kale ah, hadii aad markaa ka baqdo inuu Fajarku kugu soo baxo markaa tuko hal Rakcad ee maaha macnaha Xadiithku tuko toban Rakcadood wixii ka dambayana ku dar intaad doonto xaashaa lilaah, waana taas Jawaabtii Su’aashaasu

 

Allaah ha u naxariisto Shiikhayaga oo ha ugu daro Miisaanka Xasanaatkiisa Cilmigaa qaaliga ah ee aynu ka dhaxalnay inagana ha inaga yeelo kuwii ku intifaaca aamiin

 

Asalaamu calaykum waraxamatullaahi wabarakaatuhu

 

Essa Mohamoud

almutawaadic@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com