shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamada Sahnuuniyiinta oo si waxashnimo leh u weeraray Marinka Qaza.

(Marinka Qaza, Falastiin.  December 27,  2008 Ceegaag Online) 

Abaarihii 11 subaxnimo saacada bariga dhexe ayaa ciidamada reer Israaiil weerar xaga cirka ah ku qaadeen magaalada reer Falastiin ee marinka Qaza, weerarkan ayaa lala beegsaday xarumaha maamulka ee Xoogaga Mujaahidiinta Xamaas.

Xoogaga  Mujaahidiinta xamaas ayaa laysku dayay in si walba loo bahdilo si ay isugu dhiibaan xoogaga Sahnuuniyiinta ee dhulkooda xooga uga haysta,  markii ay diideen siwalba oo loo cunaqabateeyay ayaa maanta lagu qaaday weerar aan lookala soocin agaga milatariga iyo kan dadka rayidka ah.

Dhinaca kale wasiirka Gaashaandhiga ee Sahnuuniyada Tzipi Livni ayaa ku tilmaantay weerarkan mid ay isku difaacayaan iyada oo u sheegtay caalamka inay fahmaan  oo ay la saftaan cadaalad daradaa ay ka wadaan Bartiga dhexe.

Ilaahada waxaa lahubaa in ay ku dhimatay ilaa 355  ruux oo uu ku jiro ninkii haystay waaxda amaanka ee magaalada Qaza, waxaana lasoo sheegayaa in ay durdaba abaabul aargoosasho ah ay bilaabeen dhalinyarada reer Qaza, hal ay Sahnuuniyadu iyana balan qaaday inaanay wali waacdaroba muujin ee ay soo dirkamayaan.

              Halakan ka Daawo BBC da oo Kawaramasa Weerarkaa

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com