shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ururka ICG oo beesha caalamka ugu baaqay in cadaadis lagu saaro Madaxweyne Yuusuf inuu is casilo.

(Brussells, December 24,  2008 Ceegaag Online) 

Hay’adda ka faaloota xasaradaha dunnida ee International Crisis Group oo marka la soo gaabiyo loo yaqaano (ICG) ayaa warbixin dheer oo ay shalay ka soo saareen marxaladda dalka Soomaaliya ayaa beesha caalamka ugu baaqday in cadaadis la saaro Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaliya C/llaahi Yuusuf inuu is casilo.

Warbixinta International Crisis Group ayaa lagu sheegay in lagu eedeeyay Madaxweyne C/laahi Yuusuf inuu ku tuntay awoodda xafiiskiisa, kadib markii hay’adihii ammaanka ee dalka uu gacanta u geliyay rag ay sokeeye yihiin kuwaas oo dhibaatooyin iyo gabood fallo ka gaystay dalka Soomaaliya iyo inuu la taliyayaal ka dhigtay rag ay isku dhow yihiin oo xagal daacinaya dadaaalada nabadeed ee uu wado Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde.

Warbixinta ayaa lagu soo koobay 10 qodob oo loo jeediyay dalalka waawayn ee arrimaha Soomaaliya lugta ku leh oo ay ka mid yihiin Xukuumada Washignton, Midowga Europe (EU) iyo waliba dalalka iyo hay’adaha aan looga maarmin arrimaha Soomaalida sida Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

1. Talada ugu horreysa ayaa ururka waxa uu u jeediyay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ahmed Ould Abdallah isagoo ugu baaqay inuu geed walba u koro sidii uu hannanaka nabadda ugu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya kooxaha kacdonka oo ay ku jiraan kooxda Al-shabaab iyo garabka isbahaysiga dib-u-xoreynta ee Asmara xita haddii ay ay kooxahaasi diidaan inay qaataan baaqa nabadda, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay ergayga in balaarinta heshiiska Jabuuti laga horreysiiyo in marka hore xabbadda la joojiyo.

2. Ururka wuxuu u soo jeediyay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in sida ugu dhaqsiyaha badan goluhu u fuliyo qaraarkii ahaa in xayiraado lagu soo rogo shaqsiyaadka loo aqoonsado inay caqabad ku yihiin hannaanka dib u heshisiinta Soomaaliya, waxaa kaloo Golaha ammaanka loogu baaqay inay guddi madax bannaan u saaraan soo baaridda gabood fallada ka dhanka xuquuqda aadanaha oo ay dhinacyada is haya gaysteen iyo weliba in la sameeyo hannaan cadaaalada lagu hor keeno dadka xadgudubyadaasi gaysta, waxaa kaloo talo gaar ah loo jeediyay  hay’adda gargaarka Qaramada Midoobay oo laga codsaday inay dhinacyada is haya ugala xaajooto sidii gar-gaar loo gaarsiin lahaa dadka dhibaataysan, wada xaajoodkaasiina uu ahaado mid aad ku sinneyn heshiiska Jabuuti

3. Talada seddexaad wuxuu ururka u jeediyay Madaxweyne C/laahi Yuusuf wuxuuna ugu baaqay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan isaga casilo jagadiisa kaddibna ka qeyb qaato hannaanka siyaasadeed isagoo madaxweynihii hore ah.

4. Talada Afaraadna wuxuu ururka u jeediyay Golaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ugu baaqay inuu halkiisa ka sii wado qorshaha xil ka xayuubinta madaxweynaha waa haddi uu isagu is casilo waayo, markii ay sidaasi dhacdo kaddibna waxaa xubnaha baarlamaanka loogu baaqay inay jagada madaxweynanimada u doortaan shaqsi nabadoon ah oo awooda in Soomaalida kala irdhowday uu isku keeno.

5. Talada shanaad wuxuu ururka u jeediyay kooxaha kacdoonka wada isagoo ugu baaqay in ay qaska iyo dagaalka joojiyaan isla markaana ay ka fogaadaan gabood fallada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyagoo weliba laga codsaday inay soo cadeeyaan kaalinta ay shareecada Islaamka iyo dimoqraadiyadda ku yeelanayaan bulshada soomaaliyeed, isla markaana ay ka iska fogeeyaan wixii xiriir ah oo ay la leeyihiin ururka Al-qaeda.

6. Talada lixaad wuxuu ururka u soo jeediyay dawladda Itoobiya oo ugu baaqay in ay si deg-deg ah ciidankeeda ugala baxdo dalka Soomaaliya, sida ku xusan heshiiskii Jabuuti, iyadoo sidoo kale Itoobiyana loogu baaqay inay baarto xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ay askartooda gaystaan.

7. Talada Toddobaadna waxaa loo jeediyay dawladda Eritrea oo laga codsaday inay taageeradeeda ka joojiso kooxaha dagaallama isla markaana ay Eritrea taageerto heshiiska Jabuuti

8. Talada sideedaad waxaa loo jeediyay dalka Maraykanka oo laga codsaday inuu dib isugu miisaamo siyaasaddiisa ku wajahan dalka Soomaaliya iyo inuu shaqsiyaadka gaar ka saaro argagaxisada waa haddii ay iyagu ku soo biiraan dadaalka nabadda, waxaa kaloo Maraykanka loogu baaqya inuu taageero aan hagar lahayn la garab istaago heshiiska Jabuuti iyo xukuumadda ra’iisul wasaare Nuur Cadde, waxaa si gaar ah looga codsaday Maraykanka inuu madaxweyne C/laahi Yuusuf culeys ku saaro inuu is casilo.

9. Talada 9aadna waxaa loo soo jeediyay midowga Yurub oo laga codsaday inuu taagero hiil iyo hooba la garab istaago ra’iisul wasaare Nuur Cadde isla markaana taageerada ka jaro madaxweyne C/laahi Yuusuf cadaadisna lagu saaro inuu is casilo

10. Talada Tobnaad waxaa loo soo jeediyay ururka Midowga Afrika oo loogu baaqay in uu helo qorshe habeysan oo ciidanka AMISOM looga fidiyo magaalada Muqdisho haddii si aan kala sooc lahayn loogu weeraro magaalada Muqdisho ee xarunta Dalka Soomaaliya oo hada ilaa 3000 oo ciidan ay ka joogan Somalia.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com