shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxay soo xalin doonaan wafdiga ubaxay Ethopia

(Garoowe, December 23,  2008 Ceegaag Online) 

Waxaa garoon ka diyaaradaha ee Gobolka Nugaal, magaalada Garoowe ka ambabaxay wafti reer Puntland ah oo isugu jirah hogaamiyo dhaqameed yo iyo wasiiro katirsan DGPL.
 
Waftigaasi markii ay dhoofayeen waxaa garoonka kusii sagoontiyay madaxwaynaha dawlad gobaleedka Puntland iyo madax kale oo katirsan dawlada iyo dhaqankaba, waftigaasi waxay ukicitimeen dalka Ethopia magaalada Adis Ababa.
  
Waxaa lasheegayaa indadkii maamulku uqorsheeyay inay baxaan ay intaas katira badnaayeen laakiin ay kabaaqdeen qaarkamid ah hogaamiyayaasha dhaqanka, kana tirsan beelaha(SSC), waxaana lasheegayaa in kaharitaanka safarka dalka Ethopia ay sabab utahay go'aano wada tashi ahaa oo lagayeeshay kana soo baxay wax garadka, aqoonyahanada iyo shacabka beelaha (SSC), kuwaas oo u'arkay in aanay wax dan ahi ugujirin raacitaanka waftiga ukicitimay Ethopia,
 
Reer SSC Waxay sidaas awgeed heshiis wadajir ah ku gaareen ugana baaqdeen safarkaas, marka lagareebo shakhsi Isim sheeganaya oo layiri wuxuu kudhex dhuuntay waftiga, taas oo lafilayo inay Isimada beelaha (SSC), aysi dhakhso leh go'aan uga gaaridoonaan, laguna qaadi doono dambigiisa, dibna uu san uga tirsanaan doonin isimada beelaha (SSC),
 
Lama sheegin sababaha uu kusaabsan yahay safarka waftigu laakiin mar aysaxaafadu su'aala kooban kuwaydii say garonka ugaas xasan ugaas yaasiin wuxuu ugu jawaabay in lagu casuumay dalka Ethopia laakiin umasheegin sababta keen tay safarkooda iyo ujeedada laga leeyahay.
 
Runtii wali lamahayo ujeedada dhabta ah ee safarka waftigaas, waxaase jira warar walaahaw ah oo ay reer garoowe isladhex marayaan, waxaana ku uruursan yahay su'aashan (maxay sooxalin doonaan waftiga reer puntland ee ubaxay Ethopia?), waxaana haboon inla xasuusnaado oo lalasocdo weedhan (ISHA DADWAYNUHU DHALIIL BAY ARAGTAA).
 
 
Dr. Haaruun Xasan,

Garoowe.

webmaster@ceegaag.com