shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirka ururka midowga Afrika ayaa maanta ka furmaya magaalada Adis-ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo ajandayaasha shirkaas looga hadlayo ay ku jirto xaaladda dalka Somalia.

(Addis ababa, January 31, 2008 Ceegaag Online)


Madasha shirka oo ay hadda xaadir ku yihiin madaxda dalalka Midowga Afrika ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha murugsan ee dalalka Kenya iyo Somalia, iyadoo madaxda midowga Afrika ay si gaar ah uga hadli doonaan sidii loo dhameystiri lahaa ciidamo geynta gudaha dalka Somalia.

kulanka oo ay dowladda Somalia uga qeyb galayaan wafdi uu hogaaminayo Ra'isulwasaaraha dowladda Federaalka ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii ciidamo nabad ilaalineed ee ka socda midowga Afrika ay u imaan lahaayeen dalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya kaaliyaha xog-haya arrimaha dibadda mareykanka ee dhinaca Afrika Jendayi Frazer oo wada hadalo kala leh madaxda Afrika arrimaha ka kala aloosan dalalka Kenya iyo Somalia.

Dowladaha ku jira midowga Afrika ayaa lagu cadaadinayaa in ay ciidamo nabad ilaalineed u soo diraan dalka Soomaaliya, waxaana wadamo badan ay hadda diyaarinayaan in ay ciidamadooda u soo diraan Wadanka soomaaliya.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadam Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com