shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Weerar muddo socday oo xalay lagu qaaday fariisin ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin  degmada Afgooye

(Muqdisho, January 27, 2008 Ceegaag Online)  

Abaaro 8:30 Fiidnimo ee xalay kooxo aad u hubeysan ayaa waxa ay weerar ku qaadeen Beerta C/raxmaan Jaamac Barre oo ku taala degmada Afgooye, iyadoo halkaas uu ka qarxay dagaal muddo socday.

Si dhab ah looma oga khasaaraa ka dhashay dagaalka, waxaana warar is khilaafsan ay ka soo baxayaan sababaha dhaliyey dagaalka xalay ka dhacay goob fariisin u ah ciidamada Itoobiya.

Dadka deegaanka ayaa qal-qal xooggan ka muujiyey dagaalka xalay ka dhacay qeybo kamid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana qaar kamid ah dadkaas oo warbahinta la hadlay ay wel-wel ka muujiyeen dagaallo iyo iska hor-imaadyo ka qarxa degmada Afgooye.

Ma jiro wax dhaq-dhaqaaq ciidan ah oo ay saakay halkaasi ka wadaan ciidamada Itoobiya, waxaana aad u deggan goobihii ay xalay  iska hor-imaadyadu ka dheceen ee degmada Afgooye.

Waa markii ugu horeysay ee dagaal fool ka fool ah uu ka dhaco degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xafiiska Wararka Ceegaag Online, Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com