shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xafladdii dabbaaldegga 26-ka June iyo israacii 1-da  Luuliyo oo lagu qabtay xarunta Ururka SCERDO ee gobolka Alberta , Canada

(Alberta, Canada, July 02,  2008 Ceegaag Online)

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen martisharaf farabadan iyo dadwaynaha ku nool magaalada Edmonton ee dalka Kanada ayaa lagu qabtay xarunka ururka SCERDO ee magaalada Edmonton.

Xafladdaas oo dadwaynihii ka soo qayb galay ay ka muuqanaysay wajiyadooda farxad iyo qiiro waddaninimo oo ay u hayaan maalintaas ku wayn ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba. Waxaa xafladdaas khudbado kala duwan oo ku saabsanaa halgankii loo soo maray gobanimaddoonka Soomaaliyeed ka jeediyay odayaal, aqoonyahanno, madaxda ururada Jaalliyadaha ee Edmonton , dhallinyarada iyo haweenka.

Waxaa ugu horreyn xafladdaas ayaadaha quraanka kariimka ah ku furay Shiikh Jaamac  Xuseen Nuur oo kula dardaarmay dadwaynihii xafladda ka soo qaybgalay in ay ilaahay ka baqaan midnimadooda iyo sharaftoodana ilaashadaa si ay uga nabadgalaan masiibooyinka manta adduunka ka taagan.

 

Shiikh Jaamac  Xuseen Nuur

Waxaa makarafoonka lagu soo wareejiyay Bashiir Xaaji Cali (Jamaal) oo madax ka ah ururka soo qabanqaabiyay xafladda isagoo mahadnaq ballaadhan u soo jeediyay dadwaynihii iyo marti sharaftii halkaas isugu timi kulana dardaarmay in aan la illoobin maalmaha qiimaha iyo qaddarinta ku leh ummadda Soomaaliyeed sida 26-ka June, 1-da Luuliyo, isla markaana da’yarta soo koraysa la baro taariikhdooda iyo dhaqankooda.

 Bashiir Xaaji Cali (Jamaal)

Waxaa ka dib lagu wareejiyay marafoonka Abwaan Ciise Xaaji Ismaaciil oo isagu aqoon dheeraad ah u leh taariikhda iyo suugaanta Soomaaliyeed kana soo jeeda gobolka SSC isagoo ku dheeraday halkankii loo soomaray xoriyadda iyo heerarkii kala duwanaa ee loo soomaray. Ciise waxaa uu ka soo sheekeeyay taariikhihii Axmed Guray, Daraawiishta, USP, SNL, iyo SYL. Ciise ayaa ku tilmaamay dadwaynaha ku nool gobollada waqooyi in aysan dhayalsan maalinta ugu qiimaha badan taariikhaha ummadda Soomaaliyeed oo ah 26ka June taas oo ah maalintii ugu horraysay ee calan Soomaaliyeed laga taago ciidda Soomaaliya.

Abwaan Ciise Xaaji Ismaaciil

 

Waxaa isaguna halkaas ka hadlay oday Maxamed Axmed Xirsi (Cawil)oo ka mid odayaasha jahliyadda Somalida Edmonton kana soo jeeda gobolka Sanaag isagoo ku dheeraaday halgankii loo soomaray xorriyadda iyo halka manta ay marayso sumcaddi iyo sharaftii qaranka Soomaaliyeed. Waxa uu kaloo Cawil ku dhiirrigaliyay dadwaynihii halkaas isugu yimi in ay iskumeel uga soo wada jeestaan wixii wax u dhimaya midnimada ummadda Soomaaliyeed gudo iyo dibadba.

 

Maxamed Axmed Xirsi (Cawil)

ahaqoonyahan Cabdillaahi Xasan Dhooble ayaa  isna ka jeediyay xafladdaas daraasad-cilmiyeed ku saabsan taariikhda Soomaalida, halgankii xorriyadda iyo waliba seminar ku saabsan waxbarashada carruurta iyo waalidiinta. Cabdillaahi ayaa ku dhiirrigaliyay dadwaynihii xafladda isugu yimi in ay carruurtooda ka dhisaan xagga garaadka iyo bay’adda si carruurtu u noqoto kuwo la socda taariikhdooda iyo dhaqankoodii hooyo.

 

Cabdillaahi Xasan Dhooble

Aqoonyahan Maxamed Faarax ayaa isna ka mid ahaa martisharaftii halkaas ka hadashay isagoo ku dheeraaday sida marxaladihii kala duwanaa ee ay ummadda Soomaaliyeed u soo martay xorriyaddeeda . Waxaa Maxamed si cilmiyaysan uga hadlay in manta ummadda Soomaaliyeed ay ku jirto marxalad adag loona baahanyahay in la badbaadiyo.

Aqoonyahanka oo ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa walaac wayn ka muujiyay shaqo la’aanta, sicir bararka iyo hoos u dhaca dhaqaale ee ka jira dalka Soomaaliya gaar ahaan gobollada waqooyi.  Maxamed Faarax ayaa tilmaamay in gobollada waqooyi ee Soomaaliya ay ka jirto nabadgalyo, balse ay la wadaagto gobollada kale ee Soomaaliya horumar la’aanta dhinac walba ah sida ilaha dhaqaalaha, biyaha, waddooyinka iyo caafimaadkaba.

Maxamed Faarax

Maxamed Macallin oo ka mid ah odayaasha magaalada Edmonton kana soo jeeda gobolka Soomaaliyeed ee Itoobiya gacanta ku hayso ayaa ku boorriyay dadwaynihii halkaas isugu yimi in ay taageeraan halganka xaq u dirirka ah ee ay wadaan dadwaynaha ku nool gobolkaas isagoo tilmamay in halgankoodu uu la mid yahay kii lagaga xoreeyay dalka gumaystayaashii Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga.

 

Maxamed Macallin

Ugu danbayn waxaa halkaas lagu soo bandhigay gabayadii alla haw naxariistee Cabdillaahi Suldaan Timacadde uu ka tiriyay xorriyadda iyo guud ahaan marxaladihii kala duwanaa ee ay ummadda soomaaliyeed soo martay iyo heesihii la qaaday maalintii 26ka June 19960.

Xafladdaas oo ahayd mid ka duwanayd kuwii hore ee sannadihii hore la qaban jiray ayaa ku soo gabagabowday jawi aad u sarreeya oo ay dadka wajiyadooda ka muuqdeen farxad iyo hilowshiinyo Soomaalinimo.

Xafladdan oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen ururada HANAD iyo SCERDO ayaa dadwaynihii halkaasi isugu yimi u soo jeediyeen mahadnaq iyo in ay joogteeyaan xafladaha xuska maalmaha qaranimada Soomaaliyeed.

 SCERDO: Jamaal Xaaji Cali                              &             HANAD:  CabdiQafaar Xaaji Cali Wadaad

 

Daawo Sawirada

WWW.CEEGAAG.COM

  

webmaster@ceegaag.com