shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gabay ku socda Beesha Dhulbahante.

(Edmonton Canada, July 15,  2008 Ceegaag Online)

“Maa laga tashado odayadaa marada waawayn leh”

 

 

 

Inkastoo la maareeyo gole la isku maandhaafay

Mujalliyo haddii ay shiraan niman muqaawiira ah

Ma dhabtiyo haddii aan la wicin mudanayaal caana

Oo meel madow lagu  kulmoo la isku maaweelsho

Malkadii horuu taagan yahay meeshi Boocame e

Ma Laatiyo Cusaa mudanayaal madaxdhaqmeedkeennu!

 

Maa laga tashado odayadaa marada waawayn leh?

 

Maskaxdii dhulbahantoo ka badan mi’iyo aalaafyo

Mufti shiikh ah iyo macallin diin mayor iyo dhiisi

Muhiim janana maayeel kornayl  murashixiin buuxda

Magacleey diktoor iyo abwaan  mino wasiir oo dhan

Hal ninbaa masuul looga dhigay inuu majiiraaye

Madallootiyaa noo tashaday muusannaw badane

Ninkastoo muraad yeesha oo  milicsi doonaaya

Oo mehered uu haysto raba inaad u maarayso

Iyaguu ka meeqaansadaa meesha uu rabo e

 

Maa laga tashado odayadaa marada waawayn leh?

 

Iiddoorkan muruqaystayee dunida maansheeyay

Isaguba marbuu quudan jiray midhaha toomoode

Nabsibaa u maanshiray inuu mudan ahaadaaye

Maal iyo wuxuu cudud lahaa meel isugu geeye

Dabadeedna meegaaray gole maamul dawliyahe

Inta aad makhruuq iyo colaad kula muddaacaysid

Oo maal ninkale uu tabcaday magac ku doonayso

Maad maamul aad leedihiyo mudane soo taagtid

Oo Magaci dheeraa markale uunka maqashiisid!

 

Maa laga tashado odayadaa marada waawayn leh?

 

Cid  kastoo is mohondhoohisaba maalikbaw talinne

Inkastooy markii hore ahayd mahadallee dawlad

Haddii maamulkii Buuntilaan marinhabaaboobay

Maxamuud Saleebaan hadduu lacag ku maaweelay

Warsangali muwaafiqo hadduu mihindisaynwaayay

Moorcase hadduu kali mutoo la isku meegaaray

Ma’widii Abraahiin hadday mudug u sii guurtay

Mahuraanki Tanadiyo haddii Yusuf laga maarmay

Ugayslabe mudkiisiyo haddii Carab la miisaamay

Oon midhaha  Daarood ahayn mudh iyo saaxiibbo

Maxaan Garawe ugu meeraynaa  minanka reer ciise !

 

Maa laga tashado odayadaa marada waawayn leh?

 

Haddii aan munaafaqad xigtiyo balo la miiqaynin

Ama mooshin hoosiyo colaad lagu midoobaynin

Ama muran qabiil iyo dunuub lagu macaashaynin

Maxaa looga meermeerayaa madasha Laascaano (od)

Iyadaaba meel lagu shiriyo murrabi joogtaaye

Iyadaa mankii reerihiyo ma hurto taallaaye

Millatariga Soomaalilaand waa muqaawilo e

Ma midiidinbaa loo haystaa madaxda reer Jaamac

Maxaa loo muqaawaynayaa muqaddimiintooda !

 

Maa laga tashado odayadaa marada waawayn leh.?

 

Malafsigii Hargaysiyo Barbara marinki Boosaaso

Magaalada Burciyo Garawe iyo meelwalbaba jooga

Muluhmuluh dhammaatiyo anaa kaa manfaco roone

Maamuus anaa lay hayaa malihi beenoowye

Saddexdii wax loo miisanjiray laysku mariwaaye

Murankeenni waa kaa makallay muxubadeenniiye

Giddigeen maxbuus baynnu nahay lagu macaashaaye

Magan baan u nahay laba xigtoo murandhexyaallaaye

Meel dhexe istaagoo adduun meel uun kaga biira

Oo magaca Daarood hantiya meella laga waayay.

Haddii kale mushaharkaaga guro meel xillaba jooge.

 

 

Afeef: gabaygani wax xidhiidh ah lama laha gabayadii “Garnaqsiga Silsiladda”.

Jamaal Xaaji Cali

Edmonton, Canada

  

webmaster@ceegaag.com