shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jamaal Xaaji Cali Cilmi oo Tix gabaya  ah oo  ku socota beesha Hayaaga Tiriyay

(Edmonton,  Canada. July 08,  2008 Ceegaag Online)

 

Nin hamrada markii gole la humo laga hog roonaaye.

Hadhowbuu markay rag is hayaan hoos u dhagacdaaye

Hadalkuba marbuu kuu noqdaa hub iyo baaruude

Waa waxa Hayaagaba ka dhigay hoos ku jirahaase

Hadday talada hooshaariyaan lama hujuumeene

Iyagoo hunnuuddiyo ka badan dunida haafkeeda

Huwan baa la moodaa markaad hoos u dhugataaye

Ma habaarradii nabiyadaa haatan agabeelshay?

               @@@@@@@@@@@@@

Heerkaad ka joogtaan adduun hediba maysaane

Hoodaale beenoow haddaad saa ku hoyataane

Haasaawi maysaan haddaad hebed ahaatiine

Hablihiinna lama guursan karo heedhe  eegadane

Anigoon colaad hurinahayn lagu halaakoobo

Inaad haybaddiinii heshaan ku hamiyaayaaye

Ha maqlina hanjarafiinta kale waydin hodayaane.

            @@@@@@@@@@@@@@

Hal abuurka maansada rag baa igaga heelwayne

Markay gabayga haaneediyaan  uma hambeeyaane

Habaarbaa ku dhacay reer tolkay hobolladoodiiye

Halxidhaale kuma heerranee way hamranayaane

Inkastuu habaar qabe  ku jiro  lagu humbaalaysto

Inay heello soo tirin ciyoon hubantiweeyaane

              @@@@@@@@@@@@@@

Haddii gabaygu waa hibo allee kaa horbaxanyeeyo

Oo hoorintii luuqda iyo hadafku kaa leexdo

Ama Harodigeed iyo Dhanaan kuu hawadiyeeyo

Ha walwalina hunuf baan ogayn hiilku suu yahaye.

Anigaa hoggaan bari ninkii hadimo keentaaye

Iska hoorsha kuwii HAGARBA waa hadal xumaysteene.

Jamaal Xaaji Cali Cilmi

 

 

  

webmaster@ceegaag.com