shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamada Dowladda ayaa howlgallo saaka ka sameeyay qeybo kamid ah xaafadaha degmada Dharkeynley.

(Muqdisho, June 23,  2008 Ceegaag Online)

Ilaa 20-meeyo qof ayaa la sheegay in ay ciidamada dowladdu ka qabqabteen xaafadaha Xoosh iyo xaafadaha ku xeeran ee degmada Dharkeynley, waxaana la sheegay in dadkii deegaanadaas ku dhaqanaa ay aqaladooda ka carareen markii ciidamadu ay goobahaas yimaadeen.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladdu ay saaka aroortii deegaanadaas ku soo faafeen iyagoo xiray waddooyinka muhiimka ah islamarkaana diiday dhaqdhaqaaqa dadka ee deegaanadaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidanka dowladdu ay dadkii ay qabqabteen ula dhaqaaqeen dhinaca saldhig Galbeed, waxaana wararku ay intaas raacinayaan in ay soo gebagaboobeen howlgalkii ay ciidamada dowladdu ka wadeen degmada Dharkeyley.

Ciidanka dowladda ayaa la sheegay in howlgalkooda uu ka dambeeyey kadib markii degmada Dharkeynley ay ku baaheen qaraxyada iyo dilalka lala beegsado ciidamada dowladda.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com