shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jamaal X. Cali Cilmi oo ka Jawaabay Gabaygii Halxidhaalaha ahaa ee uu tiriyay Abwaan Maxamed Hiirad

(Edmonton, Canada.  June 28,  2008 Ceegaag Online)

Abwaan HIIRADOOW  gabaygu waa hibiyo liibaane

Hurinteeda maansada tolkaa waw horraynjiraye

Hiddo wawlahaydeen murtida tan iyo haabiile

Hagranmaayo oo waan aqaan hoballadiinniiye

Hanad  AADAN  iyo SAMATAR baad hilib wadaagtaane

Heerkay  ka gaadheen murtida  haatan laga hoogye

Habdhaceeda maansada ninkaan heerka sare gaynin

Ee hoos u dhaadhaca ma helo hadallo waawayne

Halxidhaalihii aan furee hodanka yaasiin dheh.!

 

 @@@@@@@@@@@@@@@@@@@

 

HAGAR baa nalaayee tolkay idinma heerayne

halyeey iyo nin shiikhiyo barbaar hanad la soo doortay

hadhcad baad ku wadatoogateen heelki AANGALO E

May helikartaa xaajadaa haadan ku illaawo?

 

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

 

Hurti waa islaysaa misana dib u heshiisaaye

Hadalbaa wax daaweeya iyo hilinka diimeede

Waataad sidii niman hulqa ah noola hadasheene

HABARWAAGU waa wada ogyahay labada haamoode

May helikartaa xaajadaas haadan ku illaawo?

 

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

 

Annagoo halgaaddii qabnoo hibo naloo keenin

Oo wali hamuuntii qabnoo wada haliilayna

Hal nin baad u wada toogateen hurin dhammaanteede

May helikartaa xaajadaas haadan ku illaawo?

 

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

 

 Halgankii daraawiish markaan huriyay baaruudda

Haamaha SHIRSHOORUHU markuu faraska heensaystay

Ee faranjigii soo harjaday hanaqa aan gooynay

Hadh cadbaad dhaqaaqdeen sidii duul habaarqabe e

HABARYOONISbaad raacday iyo HABARXABUUSHEEDE

Huwan baad ka raacdeen raggii hoday daraawiishe

Maantana ninkii haybiyaad hoos u dhigaysaaye

May helikartaa xaajadaas haadan ku illaawo?

 

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

 

HUUNNADA intaad maagaysiyo HABARMAGAADLAYDA

Iyagaaba hoy ii noqdoo habay agoontiiye

Hantiday nasiiyeen ka badan harada ciideede

HARTI maxaan ku raacaa wakaa hoday dhulkaygiiye

May helikartaa xaajadaas haadan ku illaawo.?

 

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

 

Mar haddii habkii GOBI lahayd lagu heshiinwaayay

Oo layhadoodilay waxaan hibo la iisiinin

Ood hoos marteen xeerarkii horay inoo yiillay

HAYAAG waayi maysaan haddaad aano hibataane

Hebedbaa ilaah kaaga dhigay hoos u foorare e

Hebellaan  na taabicin intaad ku hantafooqayso

 Idinkaa haldheeriga wadiyo toban haldhaayiine

Haadaa DHULBAHANTAA yaqaan hooyoo iiqabo e

Halihiinna qaato markale na hunjufaalleeya.

 

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@ 

 

Heddu way gashaa oo adduun hiintisiig malehe

Hammibaa wax lagu raadiyaa hodan dariiqaade

Hor ilaahay waxaad gaysataa kuu hantiina ahe

Halganbaan u soo galay inaan Hagar ka guurraaye

Kolhaddaan hayaankii ku furay harada CEEGAAGO

Ooy manta haanshaarmayaan sida hushaamiinta

Inkastooy isyara hiifayaan  HALACNA ceebeeyay

Hawraartu waw  wada jirtaa oo waa heshiis dhabahe

Haakaallah eebboow adaan kuu hanuunsamaye.

 

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@ 

 

Halxidhaalihii maan dhammayn himiladiisiiye

Hooyaa  i soo eegaysoon u hamranaayaaye

Habaar waalid waalaga baqaa iyo hiifan godobeede

Hadafkaygu maahayn inaan hagar colaadshaaye

Idinkaa  habaar galabsadoo huriyay baaruude

Idinkaa habkii loo dhaqnaa heel ka raaridaye

Idinkaa sidii huufannaa noo harraatiyaye

Idinkaa sidii habardugaag noo hanfuuqsadaye

Idinkaa hingaalada u xidhay hooyayaal badane

Hiddihiinni idinkaa ka tagay huufanaan jiraye

Hadafkiinna maangaran  waxaad nagu halgaaddeen

Hubka dhiga haddii kale colaad haawisa ah doorta.

 

    Jamaal Xaaji Cali Cilmi

  

webmaster@ceegaag.com

 

Hal xidhaale  ku    socda Beesha Hayaag

(Minnesota, USA.  June 28,  2008 Ceegaag Online)                                                                                                                 

Xuseenow habeen iyo dharaar,  waan hamiyayaaye

Hal abuuradaan tirin jiriyo,  hadaladaan qeexay

Tolkaygaan hullaabta iska roga,  ku harga waaxaayey

Amaan gabay ku haaraami jiray,  habacsanaantooda

Dadka haatan joogaa ku nace,  hadaf danayntaase

Anna waan ka haayiray murtida,  hoga tuskeediiye

 

        ?????????????????????????????

 

Hayeeshee adduuyadu ninkay dhibayso hawsheedu

Halis kama dhammaadiyo,  huq iyo hed iyo laandayre

Hataq haddaad ka  soo gudubto iyo, hog iyo meel huura

Haadaan kalaa kuu qarsoon   goof hortada ahe

 

      ??????????????????????????????????

 

Warka xalay halgaad igu noqdaye,  hoorka iga keenay

Hagar iyo Hayaaga isku dilay, heelka sarar weyne

goor huushta qaawane hantiday,  ma hurtadii laaaska

Ee hawd u soo dhaaratay iyo, harada meesheeda

Waa laba hab oo kala fogoo, laga hanqaarmaaye

Waa xaal hor lo arag caqligu , ka hamfariiraaye

 

        ?????????????????????????????????

 

Rag wadaaga hayb iyo hidiyo hooyo iyo aabbe

Raggan hoy ku wada nool intii duni la hoos joogo

Raggan wada hadh gala geedka iyo, guriga hoostiisa

Raggii hiil ku kala maarmahayn, cadaw hujuumkiisa

Raggii nacab midkood soo hadiday, kala hadhayn daafac

Raggii haan qaroorkeed midkood, keligi hiinhiinsan

Raggii halo irmaan kii ddhaqdaa, kelgi haaneedin

Hayinkiyo raggii wada lahaa,  horashadii ceelka

Waxa haatan nagu soo kordhaye, laysu wada heeray

Gablan waxa hablaha looga dhigay, labada haamoodba

Ee geesiyaal hanad ahaa, haanka lagu gooyey

Ee cadaw hareeraha ka yimi, la is hortaagaynin

Hal xidhaalahaa  adag ma garan, yaa hor baxanyeeya

 

       ?????????????????????????????????

 

Geerida ilaah baa hayoo,  goor horuu qoraye

In kastoo ninkii hedi wadaa, hadal ku daawoobin

Hadhuub caana daataba badhbaa, laga hambaystaaye

Allow yaa wixii horay u lumay, hibashadood daaya

Allow yaan wixii hadhay tolkeen, haadka ugu baaqin

Allow yaan waraabaha u hurin, ,hilib xigaalkeena

 

      ????????????????????????????????????

 

Allow yaan hareeraha dugsoon, ,dhaxan ka hawsiinin

Allow nabaddu waa noo hibo ee,  yaan iska hallaynin

Allow yaan u hawl gelin xumaan, lagu halaag mayo

Allow yaan heshiiskii la galo goor dhow ka hadaafin

Allow yaan talada tii habboon, naga habawsiinin

Fidmo hurudda allow yaan hulqiyo hoorri nagu toosin

Allow yaa hubkeenaa ku rida cadawga noo heellan

Hudhudkiyo allow yaanay hodin kii hunguri doontay

Hargaysiyo allow yaan u kicin, harabka Iidoora

Haawiya allow yaan ku dhicin holocyadii naarta

Hilinkii jannada yaa allow  nagu hanuunsiiya

Allow yaan dadkii kale ka hadhin,  horu markuu gaadhay

 

        ??????????????????????????????????

 

Afartaa hagaaggii tolkiyo,  nabad horsedkeed dheh

Habsamida sidii odayadii,  hilin ma qaadsiiyey

Miyaan hagar ka galay waanadiyo, hoga tusaalayta

Halkaasaan ku hoorshae ka hadha ,  ama Hogan raaca

      Mohamed Hiirad