shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jen. Gabre oo maanta lagu arkay Hotel-ka Kam Biski ee dalka Jabuuti halkaas oo shir uga socda Dowladda Federaalka iyo kooxaha mucaaradka

(Jabuuti, June 07,  2008 Ceegaag Online)

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo ilo wareed ku sugan Magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in maanta lagu arkay Hotel-ka ay degan yihiin Wafuuda Soomaalida ee wadahadalada halkaas ku leh Jeneraalka Itoobiyanka ee hogaaminaya Ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya.

Jen Gabre waxaa weeye ninka ugu sareeya Ciidamada Itoobiyanka ee jooga Soomaaliya lama oga sababta kaliftay in Gabre uu tago Jabuuti xilli Hotelka Kam Biski ku sugan yihiin Madaxda Dowladda oo uu ka mid yahay Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Madaxda Isbaheysiga Asmara Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wariyaasha iyo shaqsiyaad kale oo ku sugan Jabuuti ayaa laga xaqiijiyay wararkaas waxay sheegayan in la arkay Gabre oo dhex wareegaya Hotelka marna kulamo la qaadanayo diblomaasiyiinta Caalamka marna kuwa Dowladda.

Dhinaca kale Siminaarkii uga Soconayey dalka Jabuuti dhinacyada ka qeyb galaya wada hadalka oo kawada tirsan Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga dib u Xoreynta Somaliya ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay hoteel Kaam Biski,iyadoo ay Soconayaan wada hadalo gooni gooni ah oo lagu dhax dhaxaadinayo Labada dhinac laguna rajo weyn yahay in ay kazoo baxaan natiijo miro dhal ah.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com