shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo dhinacyada Soomaalida ku cadaadinaya in ay gaaraan heshiis.

(Jabuuti, June 09,  2008 Ceegaag Online)

Madxaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane ismaaciil Cumar Geelle ayaa moodaa inuu ku soo baraarugay xaalada uu ku sugan yahay Shirka, isagoona soo farageliyay muranka u dhaxeeya dhinacyadaas Soomaalida ah.

Madaxweyne Geelle ayaa labada dhinac doonaya inuu la kulmo, isagoo ka dhaadhicin doono in ay eegan danta Umadda Soomaaliyed oo ah is afgarad dhex mara Siyaasiyiinta si umadda dhibka uga baxdo, iyadoo ay aad u yar tahay rajada laga qabo in shirkaas natiijo la taaban karo ka soo baxaan maadama ay Mowqifyo kala dheer kala taagan yihiin Dhinacyada Soomaalida.

Arrinta ugu weyn oo dhinacyadaas isku mari weysan yihiin waxaa ka mid ah bixitaanka Ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya, Dowladda Federaalka ayaa qabta in la yiraahdo Ciidamada Shisheeye mar kaliya haka wada baxaan, halka mucaaradka ay soo jeedinayaan in dalka la keeno Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay

Diblomaasiyiinta Qaramada Midoobey ayaa iyagu ah kuwo quus ka taagan sidii labada dhinac ay isu soo dhoweyn lahaayeen, bacdamaa Kooxaha Soomaalidu shuruudo adag ay kala wataan.

Ahmedou Ould Abdallah waxaa uu xalay ka sheegay magaalada Jabuuti in dad dano gaar ahi wata ay caqabad ku yihiin Shirka isagoo sheegay haddii ay dhinacyada Soomaalida muujin waayaan isu tanaasul uu ka tagidoono Magaalada Jabuuti dibna ugu laaban doono Xafiiskiisa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com