shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxaad ka taqaanaa Machadka Quraan xafidka Daar- al xikma Ee magaalada Hargaysa.

(Hargaysa, June 04,  2008 Ceegaag Online)

Tan intii laga soo bilaabo 1991-kii, waxaa maalinba maalinta ka dambeysa ku soo kordhayay hargeysa barashada diinta, islaamka, gaar ahaan Qur`aanka, iyadoo lagu qiyaasay hargeysa oo qudha, in ay ka furanyihiin, tiro 500-kor udhaafaysa oo madarasado ahi,

 

Waxaa sanadkiiba la helaa arday 200-kor udhaafaysa oo qur`aanka xifdisan, taasi oo la odhan karo waa guul usoo hoyatay, dadka ree hargeysa, gaar ahaan wadaadada howshani gacanta ku ahaya,

 

Hadaba Madaxa Shabakada ceegaag online ee Somaliland  ayaa waxa u suura gashay inuu booqdo, mid ka mid ah, macaahidaa qur`aanka lagu xifdiyo, oo iyadu ka mid ah macaahida magaca ku leh, hargeysa, aadna looga yaqaano magaalada, macadkaasoo lagu magacaabo Daar- al xikma .

 

Daar- al xikma, waxaanu kula kullmay wariyahayagu, maamulaha machadkaasi Sh. Mubarik muse

Wareeysigii uu la yeeshayna sidan ayuu u dhacay.

 

Sh. Mubarik muse

Ceegaag: Goorama ayaa la aasaasay machadka, ujeedada loo asaasayna waa maxay?

 

Sh. Mubarik: Bismilah, marka ugu horeeysa waxaan u mahadnaqayaa, website-kan ceegaag online,ee nasoo booqday, isagoo waliba aanu ahayn kii ugu horeeyay ee nasoo booqda,oo aanu war bixin siino. Hadii aan usoo noqdo su`aashii aad I weeydiisay, walal waxaa machadka la asaasay taariikhdu markay ahayd 2006-dii, bishii 11-aad, maalinnimo khamiis ah,

 

hadafka loo asaasayna waxuu ahaa, hadafka macaahida kale ee wadanka ka jira, ay leeyihiin, ee ah barashada Qur`aanka,oo sidii saxda ahayd loo akhriyo, iyo micnihiisa oo ardayda si wanaasgan loo fahansiiyo, iyadoo waliba laga dhisayo ardaygu xaga tarbiyda,

 

 Ceegaag:  Tirada aradayda wax ka barata machadka waa imisa?

 

Sh. Mubarik : Walal machadka marka ugu horeeysa wuxuu ka koobanyahay, laba xaruumood,

 tirada guudna waa 450- arday.

 

 Ceegaag: Imisaa wiilal ah imisaana hablo ah?

 

Tiradaa aynu soo sheegnay ee ah 450-ka waxaa wiilal ah 270, halka habluhuna ay yihiin 180, iyadoo waliba, habluhu nashaad koodu aad u sareeyo marka loo eego wiilasha.

 

 Ceegaag: Maamule waxaad ka mid tihiin macaahida magaca ku leh Hargeysa, ilaa iyo haatan ardayda ka qalin jibisay machadkiinu waa imisa, maxaase kaga duwantihiin macaahida kale ee wadaanka ka jira?

 

Sh. Mubarik: Runtii sidaad sheegtay waxaanu isku tirinaa, macaahida magaca ku leh Hargeysa, mudadii uu furnaaa machadka, waxaa ka qalin jabisay, 12- ardaya, iyadoo qorshahayagu uu yahay, dafcada labaad oo tiradoodu tahay, ilaa 26-arday in ay ka qalin jabinayaan sanadkan aynu ku jirno hadii alle idmo. Waxaanu kaga duwannahay, macaahida kale, anagoo ardayda soo celina maalinta khamiista ah, halka macaahida kalena ay fasaxa yihiin, xaga subciska oo kale, oo aanu kaga duwannahay.

 

 Ceegaag: Sida la sheego waxaa jirta is fahan la`aan u dhexeeysa ardayada laga keeno yurub iyo America, iyo macalimiinata wadanka joogta, adinku wax xal ah ma uhaaysaan, oo ka duwan macaahidaa kale?

 

Sh. Mubarik: Walahi walaal horta waa dhib wada  haysata guud ahaan, umada Soomiyeed, ee qoxootiga ku ah wadanka debadiisa, lakiin hadii aan run kuu sheego wax xal ah oo aanu gaar la nahay  majiro, marka laga reebo, anagoo kula dhaqanna, si dabacsanaan ku jirto, iyo dilmada oo aanu ka ilaalino,

 

  Ceegaag: Maamule dadku waxay idinkaga cabanayaan hadii aad tihiin culimadii qur`aanka dhigeysay, in aad ardaygu haaysataan mudo sedex sano ahi ama laba sano iyo badh, taasoo sababta, inuu ilmihii yaraa seego, xiligii iskuulka la qori lahaa, taa iyadu wax maka qabateen mise macaahida laga cabanayo ayaad ku jirtaan?

 

Sh. Mubarik: Een walaal aad baad u mahadsantahay, waa su`aal muhiim ah, oo jirta sida aad u sheegatay, 000000000hase ahaatee anagu, markii aanu fureynayay machadku waxaanu ku furnay, ardayga in uu dhigto oo qudha  hal gelin, galinka kelena, uu iska tago iskuulkiisa, taasoo sababatay, in ay guud ahaan ardaydu isku wadaan iskuulkii iyo qur`aankiiba.

 

 Ceegaag: Ugu dambeyntii, maa daama aad tahay nin Sheekh ah, maxaad u dardaarmi lahayd dadka aqristayasha ah ee ku kala nool Yurub iyo America?

 

Sh. Mubarik: Al-xamdu lilaah, walaalayaal marka ugu horeeysa waxaan u dardaarmayaa, nafteyda iyo naftiina cabsida  allah, meel kasta oo aad joogtaan,

 

Waxaanan idin kula talinayaa, ahmiyada aad siineeysaana meelaha kale, in aad siisaan wadankiina hooyo, waa soomlidu waxay tidhaahaa (lama huraan waa caws jiilaal).

 

Waxaanan idin leeyahay wadanka kaalaya, oo caruurta noosoo celiya, ha isku ilaawina wadan aydan lahayn, ka fakara mustaqbalka ubadkiina, aakhiro iyo aduunyaba, waayo qofka caqliga leh  waxa uu u ordayo waa ubad, markii uu dhinto usoo deceeya, gartana waalidka xaqa uu leeyahay ee uu ilaaheey siiyay, wasalamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuh

 

Adan C/llaahi

Madaxa Somaliland

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com