shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Biyaha oo la cabo Caloosha oo madhan waxay kaa ilaalisaa Xanuuno badan oo aan laga bogsan.

(Somalia, March 09, 2008 Ceegaag Online)

Waxa ay noqotay wax caada ah Dalka Japan Maanta inay Dadku Biya badan cabaan si toos ah markay Hurdada ka kacaan Aroortii iyada oo ay Calooshoodu madhan tahay, taas oo ku timid iyada oo ay ogaatay Jamciyad Caafimaadka ku hawlan oo Dalkaas ahi Guusha ah in Biyaha lagu daawayno karo Xanuuna badan oo aan laga bogsan oo khatar ah iyo sidoo kale kuwo meel Dhexaad ahba, daawayntanuna ay tahay mid lagu guulaysanayo 100% Xanuunada soo socda:
 
Madax Wareerka, Xanuunka jidhka, Xanuunada Wadnaha, Infection ka Xaglaha, Darbadaha Xawliga Wadnaha, Suuxista, Buurida xad dhaafka ah, TP da, Xiiqda, Infection ka Mareenada, Meningitis ka, Xanuunka Kelyaha iyo Mareenka Kaadida, Hungaacada, Infection ka Caloosha, Shubanka, Bawaasiirta, Sonkoriga, Calool Fadhiga, dhamaan Xanuunada Indhaha, Xanuunada Ilmagaleenka, Kudka, dhibta Dhiiga Dumarka, Xanuunada Dhegaha iyo Sunka iyo Hungriga,
 
                          
Sida laysugu daawaynayo
 
1- Si deg deg ah markaad kacdo Aroortii intaadan cadayan cab Afar Koob oo Biya ah qiyaastii 160ml.

2- Dabadeedna cadayo oo Afkaaga nadiifi laakiin waxna ha cunin waxna ha cabin ilaa mudo 45 Daqiiqo ah

3- Markay dhamaato 45 ka Daqiiqo sidii caadada kuu ahayd baad waxna u cuni kartaa una cabi kartaa waxaad doonto

4- ka dib 15 Daqiiqo marka aad Quraacato iyo sidoo kale markaad Qadayso iyo markaad Cashaysoba waxba ha cunin hana cabin ilaa iyo mudo 2 Saacadood ah

5- Xaga Dadka Da'da ah ama Bukaanka ah ee aan cabi karayn Afar Koob oo Biya ah ha cabeen marka hor Biyo yar dabadeedna talaaba talaabo ha u kordhiyeen ilaa ay gaadhsiiyaan Afar Koob Maalin kasta

6- Asluubtan daawaynta ah ee aan kor ku cadaynay waxay ay bogsiinaysaa Bukaanka qaba Xanuunadaa aan soo sheegnay hadii Allaah tacaalaa u idmo, Dadka se aan qabin Xanuunadaa Allaah ha ka hayo oo ha siiyo Nolol Caafimaad ah oo wanaagsan Inshaa Allaah
 
Tirada Maalmaha la qaadanaayo isdaawayntan Xanuun walba gaarkiisa
 
1- Dhiig Karka Sareeya- 30 Maalmood
2- Xanuunada Caloosha iyo Dacarta- 10 Maalmood
3- Xanuunka Sonkoriga- 30 Maalmood
4- Calool Fadhiga- 10 Maalmood
5- Xanuunka Kudka- 180 Maalmood
6- Xanuunka TP da- 90 Maalmood
7- Bukaanka qaba Infection ka Xaglaha waxa ku waajib ah inay raacaan isdaawayntaa aan kor ku xusnay Todobaadka kowaad 3 Maalmood oo keli ah, dabadeedna Maalin walba wixii laga bilaabo Todobaadka labaad
 
Hadaba Asluubtan isdaawaynta ah ee aan kor ku xusnay malaha wax Dhibaato ah oo Dhinac kale ah (side effect) iyada oo ay sidaas tahay baad bilowga waxad la kulmaysaa in aad marar badan Kaadido wax dhib ahna taas kuma jirto, waxana haboon inaan ku socono isdaawayntan oo aan ka dhigno waajib caado inoo ah Nolosheena
 
Caadayso Cabida Biyaha si is daba joog ah oo ku noolow Caafimaad iyo Jidh bedqaba iyo Firfircoonaan
 
waxay u muuqataa arintanu inay aad u Caqli gal tahay, Dadka China iyo Japan waxay ku cabaan Shaah kulul markay Cuntadooda cunayaan, markaa waxa laga yaabaa inuu Maanta Waqtigu ku haboon yahay in aan raacno Dariiqada Asluubtooda iyo Caadaadkooda ay u cunaan Cuntada!!! waxba kuma khasaaraysid bal waxbaad ka kasban
 
Xaga Dadka jecel in ay cabaan Biya qabow fadlan u fiirsada hadalkan soo socda:

Waxa uu noqon karaa wax macaan inuu Qofku cabo Koob Biya ah qabow ka dib ama laboba markuu wax cuno si kastabana arintu ha ahaatee Biyaha qaboobi waxay fadhiisiyaan oo ay ka dhigaan Solid is haysta Maadooyinka Saliida ahaa ee aad hada cuntay, waxayna gaabis ka dhigtaa arinta raqidinta, marka uu la kulmo Acid ka ay Calooshu soo daynaysona wuu jajabaa oo googo'aa waxana nuugaaya Xiidmaha si ka dheersa sida ay u nuugaan Cuntada solid ka ah ee kale, dabadeena waxay fadhiisanayaan Xiidmaha mudo yar ka dibna waxay isu bedelayaan Dufan waxayna horseedaysaa taasu oo keeni karta Cudurka Kudka (Cancer) Allaah haynaga hayee, markaa waxaa haboon inaad cabto Shurbad kulul ama Biyo Diiran markaa wax cunto ka dib
 
Wabillaahi atowfiiq
 
Waxaa soo guuriyay oo diyaariyay:

Essa Mohamoud

almutawaadic@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com