shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxaad ka taqaanaa Sharaabka Coca Cola iyo Pepsi Cola!!!!

(Somalia, March 09, 2008 Ceegaag Online)

Coca Cola oo soo saarta Sharaabka Coca Cola, Sprite, Fanta iwm iyo Pepsi Cola oo soo saarta Sharaabka Pepsi Cola, 7up, Mandrine iwm ayaan dhamaanteen waxaan si fiican u naqaanaa Sharaabkan aan kor ku xusay iyada oo aanu jirin Guryeheena mid ka madhan oo aan lagu cabin Sharaabkan aadka looga jecel yahay Aduunka oo dhan bal wuxuu noqday lagama maarmaan wuxuuna galay halkii Biyaha oo maadaama isaguba Biyo yahay weliba dhandhan aad u fiican leh oo uu dheer yahay Biyaha ayaa waxay noqotay inuu galo halkii Biyaha, ma suuroobayso inuu qofku u soo fadhiisto Cunto hadaanu meesha oolin oo aanu ku dejinayn Cuntada Sharaabkaasi!!
 
Laakiin Muslimiintu iskama waydiiyaan Su'aalo haba yaraatee muxuu ka samaysan yahay Sharaabkani iyo Shirkadahan soo saara toona, Aduunka intiisa kale gaar ahaan Reer Galbeedku aad bay isu waydiiyaan oo waxaan xusuusnahay in dhowaan ay Dacwadi ka socatay Dalka Germany u dhexaysay Dowladaas iyo Shirkada Coca Cola oo ay Dowlada Germany ka doonaysay Shirkadaas inay cadayso waxa uu ka samaysan yahay Sharaabkeedu
 
Iyada oo aanay jirin Aduunka cid taqaana waxa uu ka samaysan yahay Coca Cola oo aan ahayn Madaxa Shirkadaas iyo Ku-xigeen kiisa oo keli ah, hadaba Shirkadan oo laga leeyahay America ahna Shirkadaha Aduunka ugu Dhaqaalaha badan oo ay ku tiirsan yihiin Adminstration ka xukuma America hantilayaasheeduna yihiin Yuhuud ayaan cidna is hortaagi karin Aduunka, siday doonaan ba ha u diidanaadeen ee, laakiin Wadamada Islaamka iyada cidiba isma waydiiso iyada oo ay haboonayd maadama aynu nahay Dad Muslimiin ah in aan eegno bal waxan aan cabaynaa horta ma Xalaal baa mise waa Xaaraam ugu horayn bal haba dambayso arinta Shirkadan iyo Siyaasadeheedu ee
 
Hadaba Walaalayaal waxaan jeclaystay Maanta bal inaan Qoraalkayga aan ku eegno Sharaabkan iyo Shirkadahan sameeya Siyaasadahooda intii Allaah tacaalaa inooga yasiro bal inay ina ku hambaabiraan arintan Dadka Muslimiinta ahi, aniga shakhsi ahaan Waqti aad u dheer ka hor ayaan joojiyay cabista Sharaabkan walxamdulilaah markaygii horena maan badsan jirin oo uma xiisayn jirin siday Dadku u xiisayaan
 
Coca Cola waa Shirkad laga leeyahay America waxana la aasaasay Sanadkii 1893M waxaana Saldhigeedu yahay State ka Atlanta waxayna khaas ku tahay soo saarista Sharaabka Gaasta ah ee ka madhan Isbiirtada (Alchol), waxayna ka hawl gashaa ilaa iyo 200 oo Wadan oo Aduunka ah
 
Asalka Shirkadanu wuxuu ka bilaabmay hal Nin oo Barwaaqo si lama filaan ah ugu turunturooday, waxana weeye Nin baa wuxu ka iibsaday Nin kale oo lahaa Pharmacy Duug ahaa oo uu Dadka ku daawayn jiray, Pharmacy gii iyo wixii yiilayba, Alaabtii uu halkaa ku iibsaday waxaa ka mid Mooye uu ninkaasu ku samayn jiray Daawooyinka Waqtigaana waxa ku jirtay Daawo uu ku diyaar garayay, Ninkii sidii buu Meeshii oo dhan kula wareegay wuxuuna ogaaday in Daawadii ku jirtay Mooyaha looga faa'iidaysan karo si kale oo aanu ogayn Ninkii samayay Daawadaasi
 
Waana in laga samayn karo Sharaabka Gaasta ah ee Maanta loo yaqaano Coca Cola, taas waxay u soo jiiday Ninkaas iyo Qowskiisii inay mudo yar ka mid noqdaan dadka Aduunka ugu taajirsan, waxaana Waqti ka dib ka dhinac samaysmay Shirkada kale oo iyaguna soo saara Sharaabka Gaasta ah sida Pepsi Cola iwm  laakiin dhamaan waxay ka soo qaataan Maadada Aasaasiga ah ee laga samayo Sharaabkaa Shirkada Coca Cola iyaga oo aan ogayn waxa uu ka samaysan yahay Coca Cola, Shirkadan oo ay badankeeda iska leeyihiin Caa'iladii Ninkii aasaasay Shirkada oo ay kala dhaxlaan ayaa waxaa Qaanuunka u dejisan Shirkadu yahay in Madaxa Shirkada iyo Ku-xigeenkiisuba yihiin had iyo goor Niman ka soo jeeda Caa'iladaas Aduunka oo dhana labadaas Qof oo keli ah baa og waxay ay ka samaysan tahay Coca Cola
 
Hadaba waxay tahay Coca Cola Astaamaha ugu waawayn America ee ay ku faanto Idaarada (Adminstration) America waxayna ka mid tahay kuwa ugu waawayn ee taageerada siiya Siyaasada George Buush ee Gumaysiga, Cadaawada iyo Tirtirida Muslimiinta ku salaysan
 
Waxayna ku caanbaxday Shirkadatanu taageeradeeda aan kala go'a lahayn ee ay siiso Israel iyada oo ay taasu si xoog leh u cadaatay Sanadkii 1997M kii iyada oo ay ku kacday Xukuumada Israel inay Abaalmarin gudoonsiiso Shirkada Coca Cola taas oo ay gudoonsiisay Golaha Tijaarada ee Israel iyadoo ka abaalmarinaysay Shirkadaas taageeradeedii aan kala go'a lahayn ee ay u fidinaysay Israel mudo ka badan 30 Sanadood 
 
Sanadkii 2001M waxay ahayd Xarunta Shirkada Coca Cola tii ugu waynayd ee ilaalinaysay iyo Martiqaadihii aasaasiga ah ee Shirkii Qolka Sanaacada iyo Tijaarada ee America iyo Israel, waxay kale oo ku kacday Shirkadanu inay samaysay Barnaamij Tababar ah oo ay u samaysay Shaaqaalaha Shirkada oo ay Cinwaan uga dhigtay "Dagaalka u dhexeeya Carabta iyo Israel" dhamaan wuxuu ka koobaanaa Barnaamijkaasuna waxaa samaysay Shirkada lafteeda waxaana maal gelinaysay Wakaalada Yuhuuda iyo Xukuumada Israel
 
Sanadkii 2002 Bishii Febaruary waxay iclaamisay Shirkada Coca Cola iyada oo Xoolaha uga soo xerooda Shirkada Dowlada Israel ay aad u wayn yihiin ayay waxay ku kacday Shirkadu inay ka qayb qaadato dhisida Deegaanka cusub Kiriyat Gate oo laga samaynaayo Dhulka la qabsaday ee la boob ee Falastiin
 
Waxay sheegtay Xukuumada Israel in lix meelood meel ahaan qiimaha Dabaaldegyada Sanadkii ee Dowlada Israel ay ilaalinayso Shirkada Coca Cola, waxay kale oo u doortay in tahay Shirkadanu Mu'ayidiinta ugu waawayn ee Israel laga soo bilaabo Sanadkii 1966M
 
Waxay mar kale maal gelisay Coca Cola Barnaamij lagu tababaraayo Shaqaalaheeda iyo Muhaajiriinta ku socota Dowlada Israel wuxuuna ahaa Mowduuca tababarku "Dagaalka u dhexeeya Carabta iyo Israel"
 
Iyadoo la eegayo taageerada isdaba jooga ah ee aan kala go'a lahay ee Coca Cola u fidinayso Dowlada Israel ayay waxay ka heshay Israel inay ka yarayso ama hoos u dhigto Cashuurta ay ka qaado Shirkadatan, sidaas darteedna waxay goostay Coca Cola in ay ka dhisto Dhulka Carabta ee la haysto Warshad cusub oo shaqaalaynaya 700 oo Israelians ah
 
Markii la qabsaday Ciraaq waxa uu yidhi Ninka Madaxda u ah Shirkadaasu " qabsashada ay qabsatay America Ciraaq ama ay Ciraaq ku dhacday Gacanta America waxay u furaysaa Albaabada Caalamka Islaamka inay soo dhowayaan Sharaabkan guulaystay ee American iyo Dhaqankooda iyo Asluubtoodaba
 
Web ka ay Shirkadanu ku leedahay Internet ka ayaa la waydiiyay Su'aal ah inay Shirkadanu tahay Yuhuudiyad iyo in kale, waxayna taas kaga jawaabtay Shirkadu: in Sharaabkeedu u banaan yahay dhamaan Diinaha oo dhan mana ay beenin inay tahay Shirkad Yuhuudiyad ah, markii la waydiiyay taageerada ay u fidiso Israel na ma ay beenin Shirkadu laakiin waxay tidhi: "Coca Cola waa Shirkad Caalami ah hase ahaate shaqadeed Wadan walba waa Daakhili"
 
Sanadkii 10/9/2001 kii waxay soo daabacday oo fidisay mid ka mid ah Wargaysyada Carabta Iclaan ay leedahay Shirkada Coca Cola kaas oo loo qaybiyay Malaayiin ah Shabakada Internet ka, kaas oo ku boorinaayay Iibsadayaasha inay cabaan Coca Cola oo taageeraan Israel, wuxuuna odhanaayay Iclaanku: "taageerada aad taageerayso waxay soo saarto America macnaheedu wuxuu yahay waxaad taageeraysaa Israel" wuxuuna ka bixiyay Wargaysku tacliiq arintan wuxuuna yidhi: "Iclaankanu uma baahna Tacliiq iyo in wax lagu daro toona" mana ay beenin Shirkadu Iclaankan!!
 
Sidaan soo sheegnay waxa ka dhinac samaysmay Coca Cola Shirkada kale oo aan ka xusnay Pepsi Cola Shirkadan oo aan odhan karo waa mataano Coca Cola Siyaasada hooduna waa isku mid, bal hadaba Walaalayaal ila eega Xaqiiqadan qadhaadh  ee ka maqan ama aanay ogayn 95% Muslimiintu, waana in Coca Cola iyo Pepsi Cola inagoo soo sheegnay in aan la garanayn waxay ka samaysan yihiin ayaa hadana baadhitaano badan oo lagu samayay waxa lagu ogaaday inay ka mid tahay Maadooyinka laga sameeyo Maadad ka mid ah Caloosha Doofaarka
 
 Maaha arintanu hadal aan iska idhi oo aan uga jeedo in Shirkada uun aan ku wax yeelayo ee waa arin Daliil leh oo lagu ogaaday Baadhitaano lagu samayay Sharaabka, waxaadna ka heli kartaa Macluumaadkan Book la yidhaahdo: (Picture is not shown) kaas oo la daabacay Sanadkii 1987 waxadna aqridaa Page ka 145 halkaas ayaad ka helaysaa Macluumaadka ku saabsan Coca Cola iyo Pepsi Cola waxaadna ka heli kartaa Book gaa Maktabadah Caamka (Public Libraries) ah ee Wadamada aad joogtaan
 
Waxaa lagu odhan karaa Sharaabkan waxa lagu samayaa Wadamada Islaamka taasuna maaha Xaqiiqo ee waxaa loo keena Warshadaha ku yaala wadamada Islaamka isaga oo Powder ah markaas ayay dib ugu samayaan Warshadahooda, mana jirto cid og waxa uu ka samaysan yahay oo aan ahayn sidaan soo sheegnay labadaa Nin ee America jooga Allaah ha burburiyee
 
Waxaa kaloo ka qarsoon Muslimiin fara badan macnaha Kelmedan Pepsi Cola oo ahaan lahayd hadii ay fahmi lahaayeen inaynaan hadalkan dheer iyo cadaymahanba u baahaneen, waana kelmeda Pepsi waa hadal la soo gaabiya oo sidan ah (pay every Penny to save an Israel) u bixi Penny kasta in aad ku badbaadiso Israel, gundhiga hadalkanuna waxa weeye u bixi Penny kasta inaad ku disho Muslim ama aad Dhulkiisa ku xoogto, Markaa Muslimow tasho adba Caqli baad leedahay ee miyaanay ahayn inaad Dadkaa badbaadiso oo aanad adigu bixin lacagta Xabada lagu dilaayo Dadkaaga
 
Tan kale inta aynu ku jiro Dagaal aan isu dheeli tirayn oo ah in halka aad hal Qof kaga disho Cadawgaaga uu kaaga dilaayo Kumanaan in le'egna ku barakicinaayo burbur laxaad lehna ku gaadhsiinaayo oo aanad adigu gaadhsiin karayn haba yaraatee, ayaan u arkaa inay ka xoog badan tahay oo ka haboon tahay  inaad Cadawgaaga arimahan oo kale kula dagaalanto oo ah inaad gowso oo joojiso waxa uu soo saaro iyo ku dayashada Dhaqaankooda aadna dhiiri geliso oo iibsato waxa ay soo saaraan Wadamada Islaamka ahi haba iska taya liiteen ee, Diintaadana ilaashato oo ku dhaqanto Dhaqanka suuban ee Islaamka
 
Waayo Dagaalka lagugu hayo ujeedadiisu wax kale maaha ee waxa la rabaa in lagu ogolaysiiyo inaad gadato Bucshiradooda Dhaqankooda iyo Diintoodna qaadato siduu Allaah tacaalaa inoogaga waramay Quraanka kariimka ah ee yidhi:

 
{
Aayatan kariimka ah wuxuu Allaah tacaalaa uga waramayaa Rasuulkiisa sala Allaahu calayhi wasalam in aanay marnaba ka raali noqonayn isaga iyo Mu'miniinta toona Yuhuuda iyo Kiristaanku ilaa uu raaco Millada ay ku sugan yihiin waayo waxay ku baaqayaan oo dadka ugu yeedhayaan oo rabaan in dadka oo dhami kala mid noqdo Diinta ay ku sugan yihiin ee ay ku andacoonayaan inay tahay Hanuunka ee waxaad ku tidhaahdaa Hanuunku waa kan Allaah ee uu igu soo diray uuna dhamaan ku soo diray Rasuuladiisii waana Islaamka}, markaa Walaalayaal waxaa inala gudboon in Islaaxa ama Hagaajinta aan ka bilowno Nafteena dabadeedna u gudbino Bulshada inta aan ka gaadhi karo
 
Dhinac kale Baadhitaano badan oo la sameeyay waxaa loo aanaynayaa inuu Sharaabkanu ka masuul yahay Xanuuna fara badan oo hada Caalamka ku batay oo ku fidaaya sida Sonkoriga, Kelya xanuun, Lafaha oo jilca iwm
 
Ugu dambayntii waxay Culimada qaar ku fasireen waxa Allaah tacaalaa inooga xaaraamayay Hilibka Doofaarka waa inuu ka suuliyo Qiirada iyo Dareenka Qalbiga Qofka Allaah baana og taas
 
Markaa Walaalayaal inooma hadhin wax kale oo aan iska nidhaahno arinta Sharaabkan oo aan ahayn inaan gowno oo ka joojino cabistiisa Dadkeena iyo Guryeheen oo aan badbaadsano Diinteena iyo Dadkeena
 
Wabillaahi towfiiq

Waxaa soo guuriyay oo diyaariyay:

Essa Mohamoud

almutawaadic@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com