shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Waa Maxay dhexdhexaadnimada Diintu?

(Somalia, March 28, 2008 Ceegaag Online) 

Allaah ayaa mahad iyo amaan mudan oo iska leh, waan u mahad celinaynaa waan kaashanaynaa dembidhaaf ayaan waydiisanaynaa, waxaan Allaah ka magan gelaynaa shararka nafahayaga, iyo acmaashayada kuwooda xun, kii Allaah hadeeyo cid lumin kartaa ma jirto, kii Allaah luminayona cid hadayn kartaa ma jirto, waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu caabudaa Jiritaanka oo aan Allaah ahayn kelidii oo aan lahayn wax shiriik ah oo lagu lamaaneeyo, waxaan qirayaa in uu Maxamed yahay adoonkii Allaah iyo Rasuulkiisii.

 

Intaas ka dib:

 

Waxaan had iyo jeer maqalaa dhexdhexaadnimada Diinta ama Diintu waa dhexdhexaad, taas oo nin waliba siduu doono isaga fasirto, gaar ahaan waxaa Kelmedan aad u isticmaala Dadka aan iyagu siin Diintooda wax ahmiyad kuna dhaqmin bal Magac ahaan iyo Juqraafi ahaan uun u ah muslimiin, oo marka loo sheego ama lagu waayniyo arin Diinta ka mid ah bay markiiba waxay kugula soo boodayaan Kelmedatan oo ku odhanayaan war Allaah tacaalaa inaguma adkayn Diinta oo Diintu waa dhexdhexaad ee Dadka ha ku adkayn Diinta, hadaanayba kugu tuhmin wax intaas ka sii durugsan sida Xagjir baad tahay iwm,

 

Taas oo runtii noqotay ama laga dhigay Kelmedatan Xaqqa ah mid lagaga hortegaayo oo lagu cubudhinaayo Diinta iyo Dacawadeeda laynagu amray, oo keentay in ay Dadku xataa wax badan oo Waajibiyo ah kaga tageen iyada oo lagu marmarsoonaayo Kelmedatan iyo Kelmedaha la midka ah sida “Allaah waa Raxmad badane dembi dhaafa” iyo “Diintu waa yusur ee maaha cusri” iwm, runtiina waa kelmedo Xaqq ah laakiin loo adeegsanaayo si aan Xaqq ahayn

 

Allaah casaa wajalaa iyo Rasuulkiisu sala Allaahu calayhi wasalam wixii ay inagu amreen ama ay inaga reebeen maaha sideedaba waxaan la qaban karayn oo adag ama Qofka dhib ku ah, iyada oo ay sidaas tahay ayaa hadana wixii laynagu amray weliba aad laynoo ku sii fududayay iyada oo Xaalada badan layna siiyay Rukhsado dheeraad ah, laakiin se waxa jirta in Dadka badankiisu marka laga reebo in yar oo Allaah tacaalaa u naxariistay aanay taasu ku filayn, oo ay doonayaan in sidii Hawadoodu doonto ay ahaato Diintu sidaasna lagu salayo oo aanay isku hawlin barashadeeda haba yaaraatee oo Diintu noqoto siday iyagu doonayaan oo Hawadooda ah

 

Iyada oo ay ka qafilantahay Dadkan iyaga ah in Allaah subxaanahu watacaalaa aanu Insiga iyo Jinkaba u abuurin waxaan ahayn in ay isaga uun Caabudaan Kelidii oo ay waajib ku tahay sidaas owgeed barashada Diintu siduu yidhi tacaalaa: {tan weeye qaayada uu u abuuray Allaah Jinka iyo Insiga ee uu ugu soo diray dhamaan Rasuulada inay ugu yeedhaan waana caabudaadiisa tacaalaa oo ka kooban garashadiisa, jeclaantiisa, u soo noqoshadiisa, ogolaantiisa iyo diidista caabudaada wixii ka sokeeya tacaalaa taasuna waxay ka kooban tahay garashadiisa waayo caabudaada dhami waxay ku xidhan tahay garashada aad garanayso Allaah tacaalaa waayo markay sii korodho aqoonta Adoonku u leeyahay Rabigii waxay noqon caabudaadiisuna mid dhamaystiran waana taas tuu awgeed Allaah jalaa wacalaa u abuuray Adoomaha},

 

Xaqiiqadii Kelmedanu waa Kelmed Xaqq ah laakiin loo adeegsaday si Baadil ah, waxayna noqotay Dube wayn oo aad u xoog badan oo lagu burburinaayo Diinta Islaamka. Markay arintu sidaas tahay ayaan waxaan jeclaystay in aan Aqristayaalka Mareegteenan wanaagsan aan u soo bandhigo bal waxa looga jeedo Kelmedatan Xaqqa ah Sharci ahaan, taas oo uu inoo sharxi doono Caalim wayn oo ka mid ahaa Culimadii ugu waawaynayd Casrigan aan ku jiro oo loo daba fadhiisan jiray Culuumta Diinta Islaamka, wixii laysku qabtona ka mid ahaa Culimadii loola tegi jiray, waana Shiikh Alcalaamah Aliimaam Maxamed Binu Saalax Alcuthaymiin Allaah ha u naxariisto ee, waana Su’aal ay Arintan ka waydiiyeen tiro Akhyaar ahi Shiikha Allaah ha u naxariistee Kelmedatan waxayna u dhacday sidatan soo socata:

 

Su’aal: waa Maxay muraadka looga gol leeyahay dhexdhexaadnimada Diinta?

Jawaab: Wuxuu yidhi Shiikhu Allaah ha u naxariistee,  Allaah ayaa Mahad iyo Amaanba mudan oo iska leh. Dhexdhexaadnimada Diintu waa in aan Dadku buunbuunin Arimaha Diinta oo aanu dhaafsiin Xadkii uu u yeelay Allaah casaa wajalaa iyo in aanu ku tagrifalin ama qasirin oo aanu ka dhimin Xadkii uu u yeelay Allaah subxaanahu watacaalaa. Dhexdhexaadnimada Diintu waa inuu Qofku qabsado sidii uu ku socon jiray Nebigii sala Allaahu calayhi wasalam, Buunbuuninta Diintuna waa in uu taas dhaafsiiyo, Tagrifalista ama Qasiraaduna waa in aanu taas gaadhsiin

 

Waxaa tusaale u ah taas: Nin yidhi anigu waxaan rabaa in aan soo jeedo Habeenkii oo aanan seexan Casriga oo dhan yacni intaan noolahay oo aan ku qaato soo jeedkaas oo dhan Salaad aan tukanaayo waayo Salaadu waa Cibaadooyinka ugu Fadliga badan, markaas waxaan jecelahay in aan Habeenkii oo dhan ku nooleeyo Salaad tukasho. Kaas waxaynu leenahay: waa mid Diinta Allaah buunbuuniyay, mana uu ku taagna Dariiqa xaqqa ah

 

Waxaana dhacday Cahdigii Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam tan oo kale, dhowr baa shiray markaas baa qaarkood yidhaahdeen: anigu waan soo jeedayaa mana seexanaayo, mid kale ayaa yidhi: anigu waan soomayaa mana afuraayo, mid saddexaad ayaa yidhi: anigu ma guursanaayo Dumar, taas ayaa gaadhay Nebigii sala Allaahu calayhi wasalam, markaas ayuu yidhi calayhi salaatu wasalaam: (bal ka warama Qoomam odhanayaa sidaa iyo sidaa, anigu waan soomaa waana afuraa, waana seexdaa, Dumarkana waan guursadaa, hadaba Cidaan raacin Sunnahayga iga mid maahaa, yacni Ummadayda kama mid aha) hadaba kuwaasu way buunbuuniyeen Diintoodii markaas ayuu ka beri yeeshay iyaga Rasuulkii sala Allaah calayhi wasalam waayo may raacin Sunnihiisii sala Allaahu calayhi wasalam ee ahayd in la soomo lana afuro, Salaada Habeenkiina loo kaco lana seexdo iyo in Dumarka la guursado

 

Kan se ku tagrifalaha ama Muqasirkuna: waa ka yidhaahda anigu uma baahni in aan Tadawuc sameeyo ( yacni oo aan wixii laygu farad yeelay aan ku daro Sunan aan kaga dayanaayo Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam) markaa anigu ma samaynaayo Tadawuc ee waxaan la imanayaa oo samaynayaa Faradka oo keli ah, waxabana dhici karta inuu xataa hadana ku tagrifalo oo qasiro Faradyaalka, kaasu markaa waa Tagrifale ama Muqasir

 

Dhexdhexaadkuna: waa kan ku socda oo raaca Wuxuu ku sugnaa Rasuulkii sala Allaahu calayhi wasalam iyo Khulafadiisii hanuunsanayd

 

Tusaale kale: saddex Nin oo uu ka soo horjeedo Nin Faasiq ahi, midkood Wuxuu yidhi: anigu ma salaamaayo kaa Faasiqa ah, waana ka hijroonayaa oo ka fogaanayaa isaga, lana hadlimaayo.

Kii labaadna Wuxuu yidhi: anigu waan la soconayaa kaa Faasiqa ah, waana salaamayaa, Wejigana waan u wanaajinayaa waana aan u yeedhayaa oo Dacwadaha waan u jeedinayaa, waana ka aqbalayaa Dacwadiisa markuu ii yeedho, kamana dhigna xagayga waxaan ahayn in uu yahay Nin wanaagsan

 

Kii saddexaadna Wuxuu yidhi: kaas Faasiqa ah waan ku karahsanahay oo ku necebahay Faasiqnimadiisa, waxaana ku jecelahay Iimaankiisa kana hijroon maayo hadii aan ka haajiridiisu sabab u noqonayn Hagaajintiisa, hadii se aanay u noqonayn ka haajiridu sabab Hagaajintiisa bal ay sii kordhinayso Faasiqnimadiisa anigu markaas ka haajirimaayo

 

Markaa waxaynu leenahay: kan hore waa Xagjir Buunbuuniye ah, kan labaadna waa Xagjir Tagrifale ama Muqasir ah, kan saddexaadna waa dhexdhexaad.

Sidaas oo kale baynu odhanaynaa dhamaan Cibaadooyinka iyo Mucaamilada Dadka ee kale, Dadku waxay noqonayaan Xagjir Buunbuuniye ah, Xagjir Muqasir ama Tagrifale ah iyo Dhexdhexaad

 

Tusaale saddexaad: Nin u ah Maxbuus Xaaskiisa oo ay u jeedinayso meeshii ay doonto aana ka celinayn Denbi kuna boorinayn Wanaag, Caqligiisii ay hantiday oo ay noqotay iyadu tan toosinaysa isaga.

Iyo Nin kale oo kula dhaqma Xaaskiisa Cadaadin iyo Wareerin iyo iska waynayn iyo ka sarayn oo aan wax ahmiyad ah siin iyada oo aad moodo in ay uga dhigan tahay Jaariyad ama Shaqaale Guriga uga shaqaya.

Iyo Nin saddexaad oo dhexdhexaad ah oo ula dhaqma Xaaskiisa sidii uu amray Allaah iyo Rasuulkiisu:  {waxayna ay ku leeyihiin Dumarku Ragooda Xuquuq iyo Daryeel sida ay Raguna ugu leeyihiin Dumarkooda Xuquuq laasim ah iyo mid Mustaxaba ah, ku noqoshada Xuquuqda labada is qabana waxa lagu salaynayaa Wanaag ama Macruuf waana: Caadada lagaga dhaqmo Wadankooda iyo Waqtigaas, waxayna taasu ku kala duwanaan kartaa kala duwanaanshaha Waqtiga iyo Goobaha iyo Xaaladaha iyo Dadka iyo wax haynta Qofka} iyo: (kama tago ama ma karho Mu’minku Mu’minad, hadii uu ku karho iyada Abuur Wuxuu kaga raali noqdaa Abuur kale)

 

Markaas kaa ugu dambayaa waa dhexdhexaad, kan ugu horeeyaana waa buunbuuniyay la dhaqanka Xaaskiisa, kan labaadna waa Muqasir ama Tagrifale.

Ku qiyaas tan inta hadhay Camalada iyo Cibaadooyinka. Halkaas buuna ku dhamaaday Hadalkii Shiikhu Allaah ha u naxariistee

Waxana laga soo guuriyay Hadalkan Silsilada Majmuuc Fataawaa wa Rasaa’il Fadiila Ashiikh Maxamed Binu Saalax Alcuthaymiin Allaah ha u naxariistee Mujaladka/1-Boga/ 42

 

Qoraalkana intaas ayaan Maanta ku soo geba gebaynayaa inaka oo inshaa Allaah ku la mid ah ku soo qaadi doona Qoraaladeena dambe, Allaahna waxaan waydiisanayaa in uu aniga iyo idinkaba inaga dhigo kuwa ku socda Dhexdhexaadnimada Diinta inana cafiyo Caafimaad labada Daarood ahna ina siiyo Aamiin

 

Waxaa soo diyaariyay: Essa Mohamoud

almutawaadic@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com