shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Babaay Midhaha Equatorial ka ah ee la yaabka ku reebay laga soo bilaabo Columbus ilaa iyo Culimadii ka dambaysay ee Diraasadaha ku samaysay

(Somalia, May 18,  2008 Ceegaag Online)

Mahad iyo Amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka, Amaan iyo Nabad gelyo korkiisa ha ahaato kii aanu jirin Nebi ka dambeeyaa iyo Ahalkiisii iyo Asxaabtiisii dhamaantood

Intaas ka dib:

Waxaa uu Qoraalkanu la xidhiidhaa Qoraalkeenii dhowaa ee aynu kaga soo sheekaysanay qaar Midhaha (Fruits) iyo faa’iidooyinka ay u leeyihiin Jidhka Bini Aadamka, aniga oo jecel in aan Qoraalkan ka dib u wareegno xaga Khudaarta (Vegtables) oo iyana kuwa ugu muhiimsan aan bal wax ka soo qaadano ayaan kan Maanta waxan isku deyayaa inaan ku soo qaadno dhowr nooc oo Midhaha ah intii Allaah iiga fududayo Inshaa Allaah

Babaay Midhaha Equatorial ka ah ee la yaabka ku reebay laga soo bilaabo Columbus iyo Culimadii ka dambaysay ee Diraasadaha ku samaysay

Waxaan filayaa inaanu inagu cusbayn magaca Babaay ee bal aynu ka mid nahay Dadyowga uu Dhulkoodu aad ka looga beero Geedkan la yaabka badan leh oo aynu ka mid nahay Dadyowga aadka u jecel ee ugu badsada cunistiis, laakiin se waxa laga yaabaa in aan badankeenu aqoonin faa’iidooyinka uu Jidhka u leeyahay, hadaba la yaabkii iyo Xiisihii uu ku bilaabay Christopher Columbus markii ugu horaysay ee uu dhadhamiyay Dhadhanka Midhaha Babaayga waxay ahayd mid ka wayn intii laga filaayay, iyada oo uu u bixiyay Waqtigaas “Midhihii Mala’ikta” subxaan Allaah waa hadal ina tusaaya Gaalnimada iyo Jahligeeda, waxayna ahaayeen kuwii inoo soo tebiyay Safaradii advanture ka ahaa ee Bad Mareenadaas kuwa inoo sheegay Sheekadan Hadalkana ugu qiil samayay oo waxay yidhaahdeen:

 

Hadal ah inuu Columbus cunay Midhahakan isaga oo soo maray Dhib aad u wayn iyo Daal, markii ay soo mareen isaga iyo Ragii la socday socod dheer oo Badwayn ah iyo Dabaylo xoogan iyo Mowjadaha Badaha oo aanay u arag noocoodan hore ee uu ka gaadhay Daalku halkii ugu saraysay, ayay markii ay soo gaadheen Dhulkii Cusbaa waa Qaarada America ee ayaa Columbus waxa uu dhadhamiyay Dhadhanka Naxariista iyo Nabad gelyada waana cunistii uu cunay Jeex ka mid ah Midhahan Cadkooda hoose yahay Hurdiga ay ku dhafantahay Casaanku oo aanu hore u aqoonin, taas oo keentay inuu kula taliyo Bad Mareenadiisii in ay ogolaadaan cunisteeda Waqtigaas, bal inay u soo qaataan Doonyohooda si ay ugu geeyaan Dadkii Reer Europe

 

Sheekadan horaysay ayaa waxay isku xidhay Babaayga iyo yaraynta Dhibta iyo Daalka, hadaba waxa la odhan karaa Shay kasta oo qoyan oo jilicsan oo qabow oo Qofku cuno Waqtigaas oo kale wuxuu keeni karaa ama uu ka heli karaa isla dareenkaas, laakiin wax yaabaha laga leeyahay Maanta Goobaha Cilmiga dhexdooda ee ku saabsan Babaayga iyo faa’iidooyinkiisa waxay inaga yeelaysaa inaan ka helo Hadalka Columbus ee aan hada soo sheegnay inuu taabatay Shay ka mid ah Xaqiiqada, laakiin may ahayn mid ku filan si ay u siiso Xaqqa ay mudan tahay Midhahakan Equatorial ka ahi

 

Wadanka Asliga ah ee Midhahakan Babaaygu waa Amerikada Dhexe (Centeral America) iyo Jaziiradaheeda, iyada ayay ka qaadeen Spanish kii iyo Portaguise kii Dhirta Midhahaa oo ay geeyeen Mandaqada kale oo leh isla Cimilada Careabian Islands ka, sidaas ayay ugu fiday beerista Dhirtanu Dalka Philipines iyo dhamaan Mandaqada Koonfur Bari Asia iyo weliba India iyo Qaybo ka mid ah Africa oo dabcan uu Wadankeenu ku jiro, hase yeeshee Mixeco, Portarico iyo Jaziiradah Hawai ee America ayaa weli ah Mandaqadaha ugu muhiimsan Aduunka ee soo saara Babaayga, waxaynu helaa Midhaha Babaayga Sanadkii oo dhan waayo Dhiirteedu in kasta oo ay aad ugu deeq badan tahay Waqtiga Xagaaga iyo Dayrta horaanteed hadana waxay bixisaa Midhahaa Sanadka oo dhan

 

Midha Equatorial ah

 

Babaaygu waa Midhahaa u samaysan sida Kubada amaba Beedka sidiisa, wuxuu gaadhaa Dhererkeedu ilaa 40cm, laakiin inteeda badan waxay u egtahay Qiyaasta Midhaha Shamaamka (SugarMelon), Miisaankeeduna wuxuu noqdaa Xabadii sida caadada ah wax in yar dheer ama in yar ka yar ku dhowaad Rodol, in kasta oo Midabkeeda Cagaaran ama Cagaarka iyo Huruuda isuga jira ee ku duhaadhan Diirkeeda sare ee Dhumucdiisu dhexdhexaadka tahay, hadana Midabka Cadkeeda hoose ee Dhadhanka Macaan lihi wuxuu isugu jiraa isku dhaf Midabka Cadka Canba Lafta iyo Midabka Cadka Dubaha, kaas oo ina siinaaya marka loo kala jeexo Dherer laba Qaybood ah Muqaalka ah Olol Faanuus ah oo ka soo baxaaya Dabaqad Iniinaha Madow oo u safan Dherer Gudaha Midhahakan

 

Faa’iidooyinka Midhaha Babaayga

 

Waxa ugu horeeya ee u gaarka ah Midhahan caadiga ka ah Muqaalkeeda korka kana quruxda badan xaga samayska Gudeheeda, waa iyada oo ay ku jirto Maadada la yidhaahdo Papain ee Chemical ka ah, waxana ay ku xoogan tahay Kimiyadaha Maadadanu Midhaha si aad u wayn gaar ahaana kuwooda Bisaylka ah, marka loo eego iyada oo laga helo Maadadan Geedka Babaayga Qaybihiisa kalena

 

Papain tu hadaba waa Maadad Chemical ah oo ay u yaqaaniin Culimada Baadhitaanadu Enzyme, Enzymes kuna sida loo yaqaano waa Maadooyin Chemicals ah oo leh Awooda Shaqada ee ay ku dhamaystirto reaction Chemical ah, waxana ugu muhiimsan ee ay qabato Maadadan ku jirta Midhaha Bisil ee Babaaygu waa marka ugu horaysa ee ay soo gaadho Caloosha iyo Xiidmaha ayay waxay ku kacdaa ka qayb qaadashada dedejinta raqdinta Proteins kii aan ku cunay Meals kii Cuntadeena, oo weliba si gaar ahna Proteins kaa adag ee Hilibka. Sidaas darteed ayaa qaar Shirkadaha soo saara Xanjada, ayaa waxay kala soo baxaan Maadadan Source keeda ah Geedaha dabadeedna waxay ku daraan samaynta noocyadooda Xanjadooda, taas oo ay u xayaysiiyaan dabadeed in la adeegsado marka la dhamaysto cunida Cuntada ay ku jiraan Hilbuhu

 

Hase yeeshee Shaqada Enzyme kanu iyo Enzyme kale oo la yidhaahdo Chymopapain oo isna weliba ku jira Midhahakan kuma koobna uun raqdinta Proteins ka Cuntada ee Mashiinka Cuntada raqda, bal way dhaafsiisan tahay taas iyada oo dhinta Dhaqdhaqaaqa Arimaha Infection ka ah ee Xaglaha iyo qayrkoodba iyo iyada oo fududaysa bogsashada Nabarada Oogada iyo Ololka Ulcerous ka.

 

Wax yaabaha Quudinta ah ee ku jira Midhaha Babaayga

 

Midhaha Babaaygu inama siiso Jeexyadan leh Midabka Qoraxda in aan u cuno Raaxa ahaan oo keli ah ee bal waa Source ku hodon ah wax yaaba badan oo Quudin ah oo ka hor taga Oxydation ka, sida Carrotin, Vitamin C iyo Maadooyin kale. Markiina la baadho waxa ay ka kooban tahay Xabad ah Midhaha Babaayga ee Miisaankeedu yahay ku dhowaad 300grm, waxan ka helaynaa in ay ku jirto Kimiyad Energy ah oo ah ku dhowaad 120Calorie, waxayna u dhigantaa taasu adiga oo cunay laba Xabadood oo Tufaax ah ama in wax yar ka yar laba Malcaqadood oo Malab ah, waxa kale oo ku jira 190mg Vitamin C ah, taas oo ah saddex Jibaar inta uu Jidhku uga baahan yaahay Maalin walba, waxa iyana ku jirta kimiyada u dhiganta 30% oo ah baahida Jidhka Maalin walba ee Maadadaha Potassium, Magnessium iyo Vitamin Voliat, waxayna siinaysaa Jidhkeena 6gm oo Fibres ah oo fududaynaysa jilcinta iyo saarista wax yaabaha Cuntada ka soo hadha ee aanu Jidhku u baahnayn ee Saxarada noqonaaya, waxayna yaraysaa fursadah nuugista Xiidmaha ee Cholesterol ka, waxay kale oo ku siinaysaa 20% oo ah baahida Jidhka Maalintiiba ee Vitamin A iyo Vitamin E iyo 10% oo ah Vitamin K iyo qaar ka mid ah Vitamin B

 

Waxa ay la wadaagtaa Babaay qaar Midhaha kale sida Afocad iyo Muuska in ay ku jiraan Maadooyin la yidhaahdo Chitinases, waana Maadooyin Chemicals ah oo keeni kara in ay samayso reaction Allergic ah ama Xasaasiyad Dadka qaarkii, gaar ahaana Dadka Xasaasiyada ka qaada Maadada Latex ee Rubber ka la samayo, ee laga samayo Handgolfs ka Medical ka ah, taas oo keenaysa in uu Qofka sidaas ahi ka digtoonaado cunista Midhahakan, waxana loo cuni karaa Cadka Midhahakan siyaabo badan, in loo cuno inta la jeex jeexo sida Xababka iyo in Macmacaan laga samaysto, Iniinaha Madow ee hoostiisa ku jiraana wax waxyeelo ah ma laha bal waxay ka mid yihiin Qaybta la cuno waxayna leedahay Dhadhan u eg Basbaaska Madow ee Darayga ah laakiin Ma kulula oo sideeda ku gubi mayso ee waxay leedahay Dhadhan uu ku jiro xoogaa Qadhaadh ahi

 

Hadaba hadaynu ogaanay faa’iidooyinka balaadhan ee ay Midhahanu leeyihiin Dhulkeenana aad looga beero gaar ahaan geesta Koonfureed uuna ka bixi karaayo meel kasta oo Wadankeena ka mid ah xataa meelaha la yidhaahdo kuma wanaagsana Beeraha wuu ka hirgalay sow maaha in Il gaar ah lagu eego oo xoog loo beero bal xataa lagu beero Guryaha aan u hoyano sida Walaaleheena Koonfureed samayaan, Geedka qudhi sida laygu yidhi wuxuu Markii Dhalaa in ka badan 50 Xabadood markaa Walaalayaal in si wayn looga beero Dhulka aanu hada ka bixin waa Arin fiiro gaar ah Mudan

Liin Macaanta ama Burtuqaalka (Orange)

U cun Liin Macaanta Dhalinyaronimo joogta ah iyo Caafimaad la hubo!!!

U cun Liin Macaanta Dhalinyaronimo joogta ah iyo Caafimaad la hubo, dabcan ma jirto Dhalinyaronimo joogta ah oo wax siduu ku bilaabmay ku dhamaadaa ma jiro, Nolol kasta Geeri baa ka dambaysa Dhalinyaronima kastana Gabow baa ka dambaya, Caafimaad la hubaana ma jiro oo Qadarta Allaah tacaalaa cidna ma baajin karto, laakiin se waxaa looga jeedaa Hadalada noocan ah in laysku baraarujiyo ahmiyada ay Jidhka Bani Aadamka u leedahay Midhahan aan hada ka hadlaynaa, Liin Macaantu waa Midhayowga Dalkeena ku cusub oo aan hore uga bixi jirin, Beryahan dambe se lagu beer Gobolada qaarkooda waana Beeritaan weli korayaa oo u baahan in Tiradiisa iyo Tayadiisaba wax laga qabto oo kor loo qaado

Liin Macaantu waxay ka mid tahay Midhayowga ugu wanaagsan oo ugu qurux badan, faa’iidooyin badana u lahayd Bini Aadamka ilaa iyo Waqtiyo aad u horeeyay, waxayna leedahay faa’iidooyin Caafimaad oo aad u badan, waxaa jirta Maahmaah Qadiim ah oo tidhaahda “ma jiro Caafimaad iyo Nabadi toona meel aanay jirin Liin Macaan” waxaa jira Diraasado Qadiim ah laga soo bilaabo Sanadkii 3300ad oo muujinaaya inay Chines ku cuni jireen Liin Macaanta, waxana loo malaynayaa in Wadankeedii Asliga ahaa uu yahay China, waxayna Chines ku u dhoofin jireen India, Japan, Malaya iyo qaar Wadamada Bariga dhexe

Qarnigii 2aad ee Taariikhadan hada ah waxay ahayd Dhirta Liin Macaantu mid buuxisay Dhul balaadhan oo ka mid ah Bariga Dhexe sida Palastin, Syria, Egypt, Lebanon iyo Woqooyiga Africa ee ku teedsan Bada Cad iyo meela kale, waxay gaadhay Dhirta Liin Macaantu Qaarada Europe Waqtigii Dowladii Roman ka waxana lagu beeray Wadamada Italy, Spain iyo Portugal waxayna ahayd Qarnigii 7aad ilaa 15aad ee Taariikhdan. Safaradii Christopher Columbus uu ku helay Qaarada America baa iyana la geeyay halkaa Iniinaha Liin Macaanta oo laga beeray Mandaqada kala duwan oo America ah, Maantana waa mid Aduunka oo dhan laga beeraa

Liin Macaantu waa Midho baxa xiliga Qaboobaha oo leh faa’iidooyin kala duwan, Cuntaanka Midhaha Liin Maacaanta ee Maalin walibi waxay ka qayb qaadataa ka fogaynta in Jidhku qaado Xanuuna badan, Liin Macaantu waxay hodon ku tahay oo laga helaa Biyo, Sonkor, Vitamins iyo Salts Alkaline ah, taas oo ilaalisa Dhalinyaranimada Cells ka, waxayna ka celisaa Oxidation ka waayo waxaa ku jirta Maadad ka nadiifisa Microbes ka

Waxayna cadayeen Dhakhtaradu in ay ku jirto Maadad Diirka Midhaha laysku yidhaado Citrus Fruits oo ay Liin Macaantu ka mid tahay, taas oo keenta in ay hoos u dhigto Cholesterol ka si ka xoog badan qaar Daawooyinka loogu tala galay Arintaan, Midhaha Liin Macaantu waxay faa’iido u leedahay firfircoonaynta Wareega Dhiiga waxayna ka shaqaysaa kordhinta nuugista Iron ka, taas oo keenaysa in ay kor u kacado Qiyaasta Heerka Iron ee Dhiiga ku jira, sidoo kale waxay gargaartaa Liin Macaantu kordhinta firfircoonida iyo Noolnoolaynta Jidhka, waxana loo haystaa Liin Macaanta in uu u yahay daawayn wax ku ool ah Xaaladaha Durayga iyo Hargabka

Liin Macaantu waxay taageertaa yaraynta Deganaansha la’aanta iyo Acsaabta kacda ee ka dhalata Shaqada iyo duruufaha Nolosha Casriga ah, taas ka sokow waxay sheegtay Diraasad Cusubi in cabitaanka Koob badhkii oo Casiir Liin Macaan ahi Maalin kasta Aroortii uu kaa taageero ka hortaga in uu ku haleelo Stroke Maskaxda ahi, waxa taas raaca Doorkiisa Macruufka ah ee ilaalinta Caafimaadka iyo Nabad gelyada Wadnaha iyo yaraynta Dhiig Karka, waxaa kale oo lagu tiriyaa inuu yahay Source ka Calcium ka iyo Potassium ka.

Saamaynta uu Casiirka Liin Macaantu ku leeyahay ka hortaga Cudura badan waxay ka dhalanaysaa hodonimada uu ku yahay Vitamin C da taas oo loo haysto in uu yahay Kahortagayaasha ugu xooga badan ee Oxidation ka ee ka saara Jidhka Sumaha iyo Particulars ka waxyeelada leh ee waxyeesha Cells ka, sidoo kale waxay Sheegeen Baadhayaashu in Qofku hadii aanu ka helin Cuntada Kimiyado ku filan oo ah Vitamin C ay taasu kordhinayso Khatarta ah in uu haleelo Stroke ga Maskaxdu gaar ahaana Raga qaba Dhiig Karka ama kuwa la ildaran Buurida, waxayna ku ogaadeen Baadhayaashu Diraasadooda oo ay ku samayeen 2419 Nin in Khatarta qaadista Stroke ga Maskaxda ay sii korodhay in ka badan laba jibaar Dadka ay hoosayso Heerkooda Kimiyadaha Vitamin C da ee ku jirta Jidhkooda

 

Cabitaanka laba Koob oo ah Casiirka Liin Macaanta Maalin walba ilaa mudo ah lix Todobaad wuxuu kaa taageeraa dhimista Dhiig Karka, iyo in Maadadaha Carbohydrates ka ah ee ku jira Diirka Liin Macaanta ay leeyihiin saamayno wayn oo Caafimaad, tusaale ahaan waxaa ka mid ah Maadad waxtaro lagama maarmaan leh taas oo dhiiri gelisa inay ku dhalato Bacteria waxtar lihi Xiidmaha taas oo joojisa Xanuunada ku dhaca Xiidmaha, waxayna kale oo cadaysay Diraasadatanu in cunista Midhaha Citrus Fruits ka si joogta ah Maalin walba ay ka qayb qaadato la Dagaalanka Cancer ka Afka iyo Dalqada iyo weliba Cancer ka Caloosha

 

Faa’iida cusub oo uu leedahay Liin Macaantu ayaa waxay tahay Urteeda oo taageerta dejinta Acsaabta Buukanka intaanu Baadhin Dhakhtarku iyaga ama marka uu baadhaayoba, arintana samaynteeda Dumarka ayaa kaga badan Raga, tan kale Diirka Liin Macaanta ee hodonka ku ah Carbohydrates ku waxa ka mid ah in uu joojiyo korista Germs ka ku jira Cuntada

Rumaan

  

Casiirka Rumaanto waa Quudin iyo Daawo wuxuuna ka hortagaa Xanuunka Sonkorta

 

Rumaantu waa Midho Dhulkeena ka bixi kara aadna u muhiim ah, inta aan ogahay wuxuu ka baxaa Ceerigaabo iyo Hareereheeda halkaana Beeristiisu maaha mid hada ah ee ilaa waqti dheer bay ka bixi jirtay weliba nooc tayadeedu aad u wanaagsan tahay, waxan se filaayaa hadii laga beero in ay Wadankeena oo dhan ka bixi karto, Rumaantu wax tar aad u wayn bay u leedahay Jidhka Bini Aadamka, sideed ayaa loo cuni karaa inkasta oo lagu Jecel yahay Casiirka waayo cunisteedu waqti ayay u baahantay Dadka badan kiisuna wuxuu jecel yahay waxa dhakhsaha ah

Casiirka Rumaantu waa Quudin iyo Daawo wuxuuna ka hortagaa Xanuunka Sonkorta, taas waxa lagu ogaaday Diraasad la samayay dhowaan, waxayna cadaysay in Cabitaanka 50ml oo ah Casiirka Rumaanta Maalin walba Muda 3 Bilood ah ay hoos u dhigayso Heerka Cholesterol xun

 

Waxayna kale oo keenaysaa Rumaantu in ay yarayso Suurta Galada ah in aad qaado Xanuunada Wadnaha ee kale, waxa kale oo ay leedahay Rumaantu in Nisbada Sonkorta ee ku jirta Casiirkeeda aanay waxba saamayn ah ku yeelanayn Heerka Sonkorta ku jirta Dhiiga Bukaankaa qaba Xanuunka Sonkorta, waxay kaloo Diraasad hore Cadaysay in Cabitaanka Koob ah Casiirka Rumaanta Maalin walba Muda Sanad ah ay kalkaalinayso joojinta Dhiig Karka. Waxana ku jira Rumaanta Nisbad wayn oo ah Kahortagayaasha Oxidation ka 

Shamaam (Sugar Melon)

 

Shamaamku waa Xabxabka (Water Melon) walaalkii isku si bay u baxaan Geedaha ay ka baxaan waa isu eg yihiin isku Waqtina way baxaan, waxay se ku kala duwan yihiin uun Araga, Dhadhanka iyo Midhahooda oo kala wayn oo Xabxabka ayaa wayn, Midhahakan Wadankeena hore loogama beeri jirin oo lagama aqoonin laakiin Beryahan dambe meel meel baan ku arkay, waa Midho beeritaankoodu aad u fudud yahay meel walbana ka bixi kara, waxay soo go’aan Xiliga Xagaaga sida Xabxabka, waana Midho leh faa’iidooyin balaadhan, waxay aad hodon ugu yihiin Biyaha, Sonkorta iyo wax badan oo Minerals ah

 

Faa’iidooyinka Caafimaad ee uu leeyahay Shamaamku

 

1- iyada oo ay ku jirto Shamaamka Kimiyado aad u badan oo Minerals ah sida Iron, Copper, Sulfur iyo Phosphorus ayaa waxaa loo adeegsadaa daawaynta Xanuunka Dhiig la’aanta (Anemia)

2- iyada oo uu Shamaamku hodon ku yahay Maadooyinka Calcium iyo Phosphorus ayaa waxaa loo adeegsadaa oo uu u yahay daawayn wax ku ool ah Xanuunka Paraplegia oo ah Paralysis ka ku dhaca Jidhka qaarkiisa hoose, waxana fiican in Caruurta la siiyo Markay soo korayaan

3- Iyada oo ay ku Jirto Shamaamka Maadada Potassium ayuu wuxuu gargaar Jilcinta iyo yaraynta Dacarta Caloosha ee dheeraadka ah

4- waxa uu Shamaamku waxtar u leeyahay Xaaladaha Calool fadhiga (Constipation) iyo Xanuunka Bawaasiirta

Wuxuu kale oo leeyahay faa’iidooyin kale oo badan, markaa Geedka oo beeristiisu ay qaadato laba Bilood waxaan ka badanayn miyaanu ku haboonayn in aan si xoog leh u beerano?

 

Cinaab (Grapes)

 

Cinabka waxaan shaki ku jirin in aan aad u wada naqaan, Dhulkeenana meelaha qaarkood waa laga beeraa sida Ceerigaabo oo uu Waqti aad u dheer ka bixi jiray, laakiin se waxa aynaan ka aqoonini waa faa’iidooyinka uu u leeyahay Jidhka sida aynaan Midhaha kaleba faa’iidooyinkooda u aqoonin, waana kuwan faa’iidooyinkiisu:

 

Cinaabku wuxuu eryaa Sumaha wuxuuna kor u qaadaa Moral ka Qofka

 

Waxay cadayeen Diraasado lagu samayay Cinaabka in uu saamayn wayn ku leeyahay daawaynta Xanuunada qaar, wuxuuna ka taageeraa Bini Aadamka soo ceshasada Dhismaha Jidhkiisa iyo Firfircoonidiisiiba, wuxuu hagaajiya Wareega Dhiiga ee Xididada, wuxuuna yarayaa Xanuunada Xaglaha wuxuuna Xoojiyaa Awooda uu Jidhku iskaga celiyo Cudurada debeda kaga imanaaya, waxana uu tirtiraa Mushkiladah keenaaya in ay adkaato raqdinta Cuntadu, wuxuu kale oo kor u qaadaa Moral ka Qofka

 

Ahmiyada Cinaabku kuma koobna intaas oo keli ah ee bal waxay gaadhsiisan tahay in laga samayo Daawooyinka iyada oo loo adeegsado Iniinihiisa samaynta Daawooyinka ka hortaga Oxidation ka iyo kuwa baabi’iya Symptoms muujinaaya Gabowga iyo kuwa lagu daawayo Mushkiladaha Wareega Dhiiga.

 

Waxaana suura gal ah in uu Qofku cuno Cinaabka 10 Casho oo keli ah, iyada oo uu isagu kelidii ku kacaayo in uu yeelo dhamaan wax yaabaha uu Jidhku u baahan yahay waayo waxaa aad u saraysa Nisbada Calories ka ee ku jira Cinaabka iyo iyada oo ay ku jiraan Tirooyin badan oo ah Vitamins iyo Minerals gaar ahaan Calcium iyo Potassium iyo Maadooyinka ka hortaga Oxidation ka, waxana lagu tiriyaa Cinabka in uu yahay Midhaha ugu badan ee isu dheeli tiran marka loo eego kuwa kale. 10 Casho waxay tahay Waqti u laasim ah Jidhka si uu ku kacaayo Wareeg dhan oo uu iskaga saaraayo Sumaha, waana in uu Qofku cunaa 2kg Maalintii waana inuu marka hore u bilaabo si talaaba talaaba ah si aanu uga hor iman oo aanu u necbaysan

 

Cinaabka oo la qalajiyo ama Sabiibta

 

Cinaabka oo la qalaajiyo ama Sabiibta ayaa iyana waxaa ku sugan faa’iidooyin kale oo dheeraad ah, waxay cadayeen Diraasado lagu samayay oo cusubi in ay Sabiibtu faa’iido u leedahay Bukaanka qaba Xanuunada Wadnaha, Beerka iyo Kelyaha iyo kuwa la ildaran Xanuunada Laabta, waxay kaloo bidhaamiyeen Diraasadahaasu in ay Sabiibtu hodon ku tahay waxyaaba badan oo Quudin ah oo faa’iidooyin badan waxayna u kordhisaa Jidhka Maadooyin Sonkor ah oo dabeeci ah iyo Calcium, Iron iyo Phosphorus iyo weliba tirooyin ah Vitamin B iyo Vitamin A

 

Halkaas ayay Maanta inoogu joogaysaa ilaa iyo is arag dambe inshaa Allaah waxaan idiin rajaynayaa khayr iyo Caafimaad

 

Wabillaahi atowfiiq

Waxaa soo guuriyay oo diyaariyay:

Essa Mohamoud

almutawaadic@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com