shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

BurBur ku yimid Isbaheysigii Asmara!

(Asmara, May 23,  2008 Ceegaag Online)

Asmara waxay xarun u noqotay Isbahaysiga lamagac baxay Isbahaysiga dib u xoraynta Somaliyeed, Isbahaysigaan oo ay ku bahoobeen xubno ka mid ahaan jiray DFKMG oo uu horkacayo Shariif Xassan Sh. Adan [Gudoomiyihii hore ee Barlamaanka Soomaaliya], Shiikh Shariif Sh. Axmed oo ahaa Gudoomiyaha golaha fulinta Midowga Maxaakimta Islaamiga, Qurba jooga Soomaaliyeed, Aqoonyahano, Culumo'udiin, siyaasiyiin magac ku leh bulshada Soomaaliyeed iyo dhamaan qeebaha kala duwan bulshada, oo dhamaantood kasoo horjeestay siyaasada guracan ee DFKMG, iyo joogitaanka ciidamada Ethiopia dalka Somalia, Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliyeed, ayaa aas-aaskiisii shacbiga Soomaliyeed u riyaaqeen maadaama uu kulmiyey Soomaali badan oo kala aaminsan afkaaro kala duwan, mid diimeed, iyo mid dimuquraadiyad, kuwaas oo ay suuro gal tahay in bulshada caalamka laga dhaadhiciyo in Somalia ay Ethiopia xasuuq ka geesatay laguna qasbo Ethiopia inay ka baxdo dalka Somalia.

Isbahaysiga dib u xoraynta Somaliyeed ayeey in badan oo kamid ah shacbiga Soomaliyeed ka dhursugayeen maadaama uu kulmiyey afkaaro badan oo firfircoon, kuwaas oo keeni karaya natiijo macquul ah, waxaynu sugaynay waxay ahayd in dalka lagu xoreeyo hab siyaasadeed oo saldhig u ah wada hadal, ama in taas badalkeeda la sameyo oo dagaalka ka socda Somliya uu ka qayb qaato Isbahaysiga dib u xoraynta Somaliyeed maadaama uu hadafkiisu yahay in cadawga laga xoreeyo Somaliya taasna aysan suuroobayn in lala yimaado siyaasad qurxoon iyo in dagaal aan la fursanayn laga Oogo meel walba oo kamid ah Somaliya oo uu cadawga Saldhig ku leeyahay, balse taas ma aysan dhicin oo Isbahaysigii aynku ku raja wayneyn wuxuu ka bixi waayay Is qabqabsi iyo dacaayado raqiis ah.

Khilaafka xoogiisu wuxuu soo if baxay dadaalo loogu jiray sidii la isku soo horfariisin lahaa garabyada isku haya siyaasada Somaliya waa Isbahaysiga dib u xoraynta Somaliyeed iyo DFKMG ee uu madaxa ka yahay Madaxwayne C/llaahi Yuusuf, wada hadaladan ayaa waxaa u kala dab qaadayay Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Axmedou Ould Abdallah, waxaana Djibouti iskugu yimid labada garab ee isku haya siyaasada Somaliya halkaas oo wareegii koobaad ka dhacay, wareega xigana la filayo inuu dhaci doono horaanta bisha June ee nagu soo aadan hadii Alle idmo.

Isbahaysiga fadhigiisu yahay Asmara ayaa wada hadalada Djbouti ee lala galayo DFKMG ku kala qaybsamay, qaar ayaa waxay ku adkeesanayaan oraahda Somaliyeed ee oranaysa "Aan wada hadalno waa aan heshiino" taas oo ay micnaheedu tahay in wada hadal lala furo DFKMG ay dhexdhexaad ka tahay Qaramada midoobay wixii la isku khilaafsanyahayna lagu soo bandhigo kulankaas, halka qaar kalana ay taaganyihiin in aan wax wada hadal ah lala furin DFKMG.

Khilaafkii Isbahaysiga u dhaxeeyay ayaa sii xoogsaday, madaxdii ayaa meel walba la taagan waan is khilaafnay, kooxda Djibouti nama matalaan, waxay khiyaameen Axdigii u yiilay isbahaysiga, waxay xagal daacin ku sameeyeen hadafkii isbahaysiga, waxba kalama socono shirka Djabouti, anaga nama quseeyo, eedeemo iyo dhaleeceen ayeey isbahaysigii saxaafada isku mariyeen, marka aad milicsatid taageerada shacabka Somaliyed ay siiyeen isbahaysiga waxaa sabab u ahayd taageerada loo qabay Shiikh Shariif Shiikh Axmed [Allaha dhowree], kaas oo shacbiga Soomaaliyeed kasbaday waqtigii laga xoraynayay Muqdisha Qab-qablayaashii 17-sano shacbiga Soomaaliyed dilka, dhaca, kufsiga, barakicnta, ku hayay har iyo habeen, kadibna u xuubsiibtay inay iibsadan Culumo-uddinka Soomaaliyeed, una gacan galiyaan cadawga Islaamka iyo Shacbiga Soomaaliyeed.

Waxay ahayd 13-May-2008, markii Xoghayaha difaaca ee Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya, Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde, oo BBC-da la soo xiriiray isagoo sheegay inuu joogo Soomaaliya, ayaa waxaa uu sheegay in ay cabasho ka qabaan, shirka Djibouti. Waxa uu sheegay in shirkaasi aan lala socod siin, isla mar ahaantaana, uu u arko mid aan dan u ahayn shacabka Soomaaliyeed, wax wada hadal ahna uusan isbahaysiga la galayn DFKMG inta ciidamada Ethiopia ay joogan gudaha Somalia, aqristow Indha-cadde waxaa uu ku doodayaa inuu xalka somaliya uusan Shiikh Shariif Shiikh Axmed usan u socon, ee asaga uu yahay ninka Soomaaliya xalkeeda raadinayo oo halganka ugu jiro. Walina waxaan xasuusanaa gabood falyadii uu ka geesan jiray deegaanada uu ka arimin jiray ka hor inta uusan kusoo biirin Midowgii Maxaakimta Islaamiga.

22 May, 2008 ayaa wareysi uu siiyay wargeyska laga leeyahay dalka Ingiriiska ee la yiraahdo The Guradian Shiikh Xassan Dahir Aways oo ku sugan waddanka Eritrea waxa uu ka digay in wada hadalka ay wado Qaramada Midoobay ee u dhaxeeya dowladda iyo kooxha mucaaradka inay burburi doonaan, haddii aanay Ethiopia ciidamadeeda gabi ahaan kala bixin Somaliya.

Taasi waxaa sii dheer Warsaxaafadeed ay soo galiyeen webka Somaliweyn.com Isbahaysiga Dib u xoraynta Somaliyeed, ayeey kaga faaloodeen arimo dhowr ah oo ku saabsan heshiiska ay la furayn qayb ka mid ah Isbahaysiga dib u xoraynta Somaliyeed DFKMG, kuwaas oo ay ku tilmaameen kuwo qiyaamay Isbahaysiga, garab marayna hadafkii Isbahaysiga, rabana inay ku biiraan DFKMG, warsaxaafadeedkaan ayaan ka turjumaya siyaasada gurracan ee aan dhamaadka lahayn oo ay qayb kamid ah Isbahaysiga ku doonayaan in lagu waaro dhibaatada ragaadisay shacbiga Somaliyeed 18-sano, taas oo ah yaan la hishiin oo yaan la isku imaan inta aan jago ii qalanto ka helayo, kuwaas oo aan daacad ka ahayn in dalka ay ka saaraan Ethiopia balse siyaasada DFKMG kaga soo horjeestay hab qabiil ama mabda' xalna u hayn somali wayn.

Waxay ahayd  4/1/2007 markii Xuseen Caydiid sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay leeyihiin xuduud 2000 oo Km ah, rabaana in la baab'iyo xuduudaas aan ethiopia la wadaago asaga oo ku micneeyay in Ethiopia iyo Somalia ay walaalo yihin, oo aysan jirin wax inoo dhaxeeya Xuduudahooda la isku furi doono isla markaana aan yeelan doonaan hal Baasaboor, hal Ciidan iyo hal dhaqaale, waxaana arrintaani si weyn uga carooday shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo qaarkood ku muujiyey caradoodii banaanbaxyo, hase yeeshee Xuseen Caydiid mar dambe ayuu beeniyey hadalkaasi, isagoo sheegay in uu ula jeeday in Afrika Midowdo.

Xussen Caydid wuxuu kamid ahaa dadkii Ciidamada Ethiopia wadanka usoo hogaamiyay, maantana waxaa uu kamid yahay Isbahaysiga la magac baxay Isbahaysiga dib u xoraynta Somaliyeed, aqristow xiligii Xussen Caydiid lahaa Ethiopia waa walaalaheen waxaa uu ahaa Ra'iisul wasaare ku xigeen isla markaana ahaa Wasiirka arimaha gudaha ee DFKMG, xilkaas waa laga xayuubiyay waxaana loo magacaabay Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta, saluug uu ka muujiyay kadib ayuu Asmara iska dhiibay kuna biiray Isbahaysigaas, waxaan xilka Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta laga qaaday 12, May.07 Xussen Caydiid maanta waa xubin firfircoon oo ka mid ah Isbahaysiga Asmara, wuxuu doonayaa in dalka Ethiopia ka xoreeyo, Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo aan taariikhdiisa wada xasuusano maanta wuxuu raba inuu kala dhantaalo Halganka Ummaddeenna libintiisu caddahay, waqti dhowna natiijadeeda ku naalloondoono, rabana in DFKMG ku biiro oo kamid noqdo u adeegayaasha Ethiopia, waa sida warsaxaafadeedka Isbahaysiga dib u xoraynta Somaaliyeed lagu xusaye.

Mudadii uu dhisnaa Isbahaysiga dib u xoraynta Somaaliyeed illaa iyo waqtigaan la joogo wali waxaan ka ahayn dagaalo ayaan ka wadnaa gudaha dalka oo isa soo taro lama hayo, dadaalo muuqdo uu uusan Shiikh Shariif uusan wadin oo kalena ma jiraan, hooshoodii oo idil waxay soo dhaafi waysay Hotel-ka ay Asmara ka daganyihiin, gunaanadkii meesha ay ku biyo shubatayna waan aragnaa oo ah in Shiikh Shariif Shiikh Axmed la dhaleeceeyo oo lagu tilmaamo nin hadafkiisii ka leexday.

Gabagabadii waxaan leeyahay Reer Asmara Soomaaliya waxay u baahantahay hogaamiye ficil la yimaado, qof walba oo Soomaali ahna maanta hadii maslaxo loogu tago sida ugu qurux badan ayuu u sharaxayaa, balse waxaan jirin ama yar inta ficilka la timaado, Isbahaysiga waxaa ka mid ah dad aqoon, karti, caqli, iyo waayo Aragnimo leh, balse inta ka faa'ideesato ayaa yar, Isbahaysiguna malaha qolo gaar ah, ama shaqsiyaad gaar ah, balse waa mid ummada oo idil ka dhaxeeyo, hadii xal loo arko in wada hadal lala furo DFKMG maaha in buun la iska daba tumo oo la isku ceebeeyo.

Shiikh Hassan Daahir Aways, waxan leeyahay Shiikh xalka sida aad u aragto hadii la raaci waayo maahan in fashil/burbur aad u rajeeso Ummada, Asmara in la iska fadhiyo dhalinyaro masaakin ahna lagu yiraahdo dalka ayaan ka xoreenaynaa Ethiopia ee halganka ha joojina, idinka aad Hotelo iska dagtaan, wada hadal iyo dagaalna iidan xal ku raadin oo waxa aad ku gorgortamaysaan ay tahay shabaabka dagaalka ka wado gudaha Somaliya dhiigooda xal noqon maayo, ee la yimaado siyaasad furfuran oo aad ummada wax kula qaybsataan, Shiikh Shariif Shiikh Axmed-na waxaan leeyahay Allaha kula garab galo dadaalka aad wadid, meel walba oo aad maslaxada Ummada kula gashana waan kugu taageersanahay ee waligaa horay usoco, Allaha guuleeyo Somali. Aamin  Aaamin Aaamin.

Ahmed Farah

ahmed0@live.com

 

  

webmaster@ceegaag.com