shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dhac iyo Boob loo geystay Dukaan ay dhalinyaro Soomalaiyeed lahaayeen Dalka K/Afrika.

(Johannesburg, May 11,  2008 Ceegaag Online) 

Dukaan ku yaala dalka South Africa gaar ahaan  Tuulada Scenery oo ah duleedka magaalada East London ayaa shalay waxaa weerar ku qaaday koox burcad ah, oo hubeysnaa, kadibna waxaa meesha ka baxsaday mulkilayaashii oo naftooda la baxsaday, kadib tuugadii ayaa dhac u geystey dukaanka oo qaatay wax allaale iyo wixii dukaanka yaaley.

Wiilasha dukaanka lahaa ayaa lagu kala magacaaba Mustaf iyo Maxamed waxaana usoo dhacday tuugo hubeysan, kuwaas oo isku dayayay in eey waxyeeleyaan, isla markaasina dhacaan, balse wiilshaha dhalinyarada ahaa ayaa waxaa u suuro gashay in eey ka baxsadaan dukaanka, taasina waxay sahashay in tuugada eey dukaanka dhacaan.  dhinaca kale  labadan Wiil ee Soomaaliyeed ayaa dukaanka ku ahaa shirko islamarkaasna ka ganacsan jirey iyado iminka ay ku hatni-beeleen, mid ka mid ah wiilaasha ayaa ku calaacaley in uu shalay ahaa nin  wadanka dhaqaalo ku haysta balse maanta uu yahay Nin uu bahan in loo gargaaro taasna waxay  ka turjumeysa dhibaatada  baaxada weyn ee Soomaalida ku haysata guud ahaan dalka Koonfur Africa,

Si kastaba ha  ahaatee Gudoomiyaha Jaalliyada Soomaalida ee  East London mudane Xakar oo goobta booqdey ayaa sheegey in arrinta eey wadashaqayn dhow kala yeesheen ciidanka Police-ka, kuwaasoo  uu sheegey in eey daba jiraan falka dhacay.  Falkani wuxuu kusoo beegmay xilli labboo maalmood ka hor  magalada Cape Town lagu diley muwaadhin Soomaaliyeed, kasoo  eey rag hubeysan dukaankiisa ugu dhaceen. 

Hassan Yeey

Johannesburg, South Africa

yeey18@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com