shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Guddiyadii ka kala socday Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Asmara oo maanta Jabuuti ku wada xaadiraya.

(Djibouti, May 09,  2008 Ceegaag Online)

Waxaa maanta Dalka Jabuuti xaadir ku wada noqonayaa Guddiyo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Asmara, kuwaasi oo maalinta berri ah ay wada hadallo uga furmayaan Magaalada Djibouti.

Shirka ay isku soo hor-fariisinayaan guddiyada ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Asmara ayaa wuxuu yahay mid farsamo oo ay guddiyada labada dhinac ku jeex jeexayaan sidii ay isula meel dhigi lahaayeen in la helo jawi lagu xaliyo mushkiladda Soomaaliya, isla markaana ay ku wada hadlaan mas’uuliyiinta labada dhinac, iyadoo sidoo kalena ay ka wada hadlayaan qaabka ay Ciidamada Itoobiyaanka uga bixi karaan Soomaaliya.

Xubnaha Dowladda Federaalka uga qeybgelaya Wada hadallada

Maxamed Cabdi Ashkir
Maxamed Cali Xaamud
Nuur Iidow Beyle
Maxamed Maxamuud Xeyd
C/llaahi Shiikh Ismaaciil,
C/raxmaan Jaamac,
Cabdalla Boos Axmed,
Ibrahim Garabey
Ismaaciil Macallin Muuse,

Xubnaha Kooxda Asmara uga qeybgelaya wada hadallada

Prof. Ibraahim Xasan Caddow
Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi
C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane
C/raxmaan Maxamuud Jinaqow
C/raxmaan Dheere
Cumar Idiris
Iyo xubin kale oo aanan magaceeda helin.

Maalinta berri ah oo ay bisha May ku beegan tahay 10 ayay guddiyada labada dhinac yeelanayaan Wada hadallo ay dhexdhexaadineyso Qaramada Midoobay, kuwaasi oo xal loogu raadinayo mushkiladda ka taagan Dalka Soomaaliya, iyadoo haddii ay miro ka soo baxaan wada hadalladaan uu shir weyn ka dhici doono dalka Boqortooyada Sacuudiga, kaasi oo la filayo in ay isku soo hor-fariistaan madaxda labada dhinac.

Xigasho: Hiiraan Online

  

webmaster@ceegaag.com