shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Saxaafada Soomaaliyeed cidina uma Maqna Ceelna uma Qodna.

(Hargeysa, May 27,  2008 Ceegaag Online)

Saxaafada xorta ahi waa sheyga kaliya ee ay bulshadu ku Cabiri kato fikarkeeda, Guud ahaan saxaafadu waxa ay soo martay marxalado kala duwan , ilaa ay soo gaadhay heerkan maanta ay ku sugantahay

Tan iyo burburkii wadanka Soomaaliya, waxaa sii kordhayay maalinba maalinta ka dambeeysa, tirada idaacadaha, wargeysyada, iyo website-yada sida gaarka loo leeyahay,

Guud ahaan idaacadaha ka jira wadanka soomaaliya, waxa ay gaadhayaan, 31-idaacadood, iyo 22-wargeysa, halka website-yadu dal iyo dibad ba isku celcelis ahaan ay yihiin 400-oo website, sida lagu xusay shirkii ka dhacay horaantii sanadkan aynu ku jirno dalka Talyaaniga.

Magaalada Muqdisho ayaa iyadu waxa ay tahay magaalada ugu idaacadaha badan, Aduunka, iyadoo lagu qiyaasay idaacadaha iyo wargeysyada ka jira, in ay kor u dhaafayaan 15- shan iyo toban,

waxaana la odhan karaa ma jirto magaalo la mid ah caalamka, sababtuna waxa ay tahay kala dambeyn la`aanta kajirta.

Dhibaatooyinka haysta Saxaafada Soomaaliyeed

Iyadoo saxaafadu ay tahay,halbowlaha bulsho kasta, ayaa hadana waxaa lagula kacaa wariyayaasha soomaalida qaar ka mid ah, Dil, Xadhig, Afduub, iyo Jirdil,

Intaasi waxaa dheer in ay dhacdo mararka qaar, in inta la galo gudaha idaacadaha qaar, kadibna lala wareego qalabkii ay ku sahqeyneysay idaacada guu ahaan,

Waxaa soomaali fara badan dhegahooda ka guuxaya, wixii ka dhacay magaalada Muqdisho horaantii sanadkan aynu ku jirno, iyadoo wariyayaal fara badan, la xidh xidhay qaarna loo hanjabay,

Taasi oo kaliftay in wariyayaal fara badan in ay isaga cararaan Magaalada Muqdisho, qaar u carara Gobolada Dalka ee Xasiloon, iyo qaar u carara meelo ka duwan, oo dunida dacaladeeda ahi, Waxaase xusid mudan, in Somaliland ay ku gacan seydhay, soo dhoweynta wariyaashani, iyadoo amar ku siisay in ay si deg deg ah uga baxaan Somaliland.

Tacadiyada loo geeystay wariyayaasha soomaaliyeed qaarkood waxaa ka mid ah, xadhigii lagula kacay Agaasimihii TV-ga UNIVERSAL, C/qaadir Maxamed Nadaara, iyo wariyihii ay wada socdeen ee Kamarada u siday, C/qaadir Nadaara oo xidhnaa mudo afartan casho ahi, kadibna lasii daayaay markii wax dembi ah lagu waayay.

Waxaa kaloo iyana xusid mudan, in kooxda AL-Shabaab) ee ka howl gasha wadanka soomaaliya, lagu eedeeyay, in ay u hanjabeen TV-ga UNIVERSAL, iyo Saxafiyiin ka howl gala Magaalada Muqdisho.

Hadaba Mushkilada jirta ma dhinaca wariyayaashaa mise waa dhinaca Dowlada Kmg ah?

Waxaan filayaa taasi in ay iska cadahay, waayo wariyuhu markuu xaqiiq ku waramo, waxaa laga yaabaa, in ay dowladu jeclaan lahayd in xaqiiqdaa la qariyo ama si kale loo dhigo, halka ay sartu ka qudhuntayna waa halkaasi, Hasa ahaatee waxaa jirta, mararka qaar in ay dhacdo wariyayaasha laftooda in ay baal maraan, sharcigii saxaafada, iyagoo isticmaala hadallo ku saleysan, Heyb, dadkana kicinaya.

Hadii aynu soo qaadano wariye ka tirsan idaacada Hornafrik, ee magaalada Muqdisho, ayaa lagu eedeeyay inuu isticmaalay hadal, ka dhan ah Dowlada Federaalka, hadalkaasi oo ahaa. (Ciidamada Puntland ayaa waxa ay baadhitaan ka sameeyeen Xaafada, Km-4)

Hadalkaasi oo ah mid ay ka xumaatay Dowlada Kmg ah, sida uu sheegay,Wasiirkii War faafinta ee xiligaa, oo la odhan jiray, C/raxman diinaari,

Marka la isku soo uruuriyo, iyadoo dhinacyo fara badan laga eegayo, dhibaatada haysata suxufiyiinta Soomaaliyeed, waxaa udub dhexaad u ah, Dowlada Itoobiya iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya oo dhinac ah, iyo qaar ka mid ah kooxaha ka horjeeda.

Waxaan kusoo gabagabeyanayaa, Maqaalkani Oraahdan Saxaafada Soomaaliyeed Cidina uma Maqna Ceelna uma Qodna.

Adan C/llaahi

  

webmaster@ceegaag.com