shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 
 

Kulan ku Aadan Baraarujinta Waxbarashada Gabdhaha oo lagu Qabtay Qardho.

(Qardho,  November 21,  2008 Ceegaag Online)

Kulan balaaaran oo si wayn loosoo agaasimay ayaa manta lagu qabtay magaalada Qardho kulanka ayaa waxaa soo qabanqaabiyay ururka dhalinyarada ee YEDO kulankana waxaa looga hadlayay baraarujinta waxbarashada gabdhaha oo ugu deeqayo course computer ah .

Kulankan oo ahaa mid si wayn loosoo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin aad ufaro badan oo ka socday maamulka degmada iyo kan gobolka

Masuuliyiintii halkaasi ka hadashay ayaa waxaa ka mid ahaa gudoomiye ku xigeenka degmada qardho burhaan c/raxmaan xaaji aadan,maxamud axmed maxamud (mooda-moode)gudoomiyaha ururka yedo ,sahra siciid maxamed isku duwaha wasaarada haweenka gobolka karkaar ahna xariiriyaha waxbarashada dadban,abshir bashiir ciise madaxa waxabarashada ururka yedo ,faadumo c/qaadir cabdi oo ka mid ahayd gabdhihii kooraska computerka ah loogu deeqay ,c/laahi geele maxamuud gudoomiyaha ururka parso ,faarax maxamed xidig gudoomiyaha nadaafada degmada qardho ,maxamuud mahad faarax madaxa arimaha bulshada ururka yedo iyo axmed cali mire oo ka socday ha,yadii maalgalisay courskas ee TADAMUN SOCIAL SOCIETY .

Dhamaan dadkii halkaas ka hadlay ayaa si wayn usoo dhoweyey deeqdan waxbarsho ee ururka yedo ugu deeqay 25ka gabdhood dad badan ayaa ka faalooday sababta gabdhaha kaliya loogu koobay courseka waxbarasho ee uu ku deeqay ururka yedo ayna maalgalisay hayada tadamun isla markaana sababtu ay tahay ;ninkii gabar waxbaraa qaran buu waxbaray;isla markaana ay tahay sababta ay gabdhaha ugu deeqen kooraskaas .

Dhamaan masuuliyiinti halkaas ka hadashay ayaa sheegay inay soo dhoweynayan arintan iyo doorka waxbarasho ee horumarineed ee ururka yedo ka wado gobolka karkaar.

Xubnihii ururka ka tirsanaa ee iyana ka hadlay goobtaas ayaa sheegay in ay soo wadaan mashaariic horumarineed iyo kulamo heersare ah oo si wayn loosoo abaabulay oo ka hadlaya arimaha amaanka iyo horumarinta bulshada.

Daawo Sawirada


(Sadro Saciid Maxamad isku duwaha haweenka Gobolka Karkaar)


(Gudoomiyaha uruka Parso Cabdulaahi Geele)


(Ardaydii loogu talagalay in ay qaataan koorsadaani)


(Gudoomiyaha Ururka YEDO maxamuud axmad Moodomoode)


(Faadumo Cabduqaadir midkamid ah ardayda qaadaneysa koorsadaani)


(Axmad Cali Mire xubin ka tirsan hey'adda Tadaamun)


(Maxamad Cali Nuur Macalinka Computerka)

Cabdirashiid Maxamed Daahir
Qardho. Soomaaliya

 

webmaster@ceegaag.com