shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qabiilka Somalidu u taqaan Yibraha Nasabkooda

(Soomaaliya.  October 13,  2008 Ceegaag Online)

 
Sida aan la wada socono Waxaa Somalida ku dhexnool Qabiilooyin yar-yar oo badan, Runtii Qabiilooyinkaas oo in badan taariikhda somalida lagu Xaqirey  Xaqoodiina lagu duudsiiyey  Ma aysan dhicin  In Culimadii iyo dawladihii kala duwanaa ee dalka soo maraa ay xaqooda ka hadlaan.
 
Tusaale ahaan hadaan fiirino Qabilada Somalidu dulimidey waxaa ka mid ah Qabiilka loo yaqaan Midgaan, Marka aad odayada somalida waydiiso Sababta Dadkan Loo Xaqirayo maxay tahay?  Waxay ku leeyihiin Bari baa la Safrey Safarkii iyadoo lagu jiro ayaa Bakhti la cuney  ragii kale way iska soo matajiyeen Midgaan ninka la baxay Bakhtigii Iskama soo matajin Sidaas ayaa sabab u ahayd ina la Xaqiro oo Xaqiisii la duudsiiyo, waxayna kaliftey inaan Gabadhna loo guurin Lagana Guursan oo La karantiimo maadama uusan bakhtigii iska soo matajin.

Hadalkaas markaan u fiirsadey waxaa iisoo baxdey in Ninka Midgaan loo bixiyey uu ahaa Ninka ugu cilmiga badan ragii safarka galey  isaga oo  raacay Naska Quraanka ee ilaahay qofka ugu xalaaleeyey hadii uu Gaajoodo  Naftiisana u yaabo inuu bakhtiga cuni karo, ilaahay Ma uusan odhan Markaad Gaajootaan ee nafta u yaabtaan Bakhtiga Cuna kadibna iska soo matajiya, Taasi waa tusaalaha ugu Muhiimsan ee ku saabsan Ninkaas Midgaan  Fahamka ilaahay siiyey ee ragaas uu dheeraa hadii warka somalidu run yahay.
 
waxa aad lasocotaan Dadka Farsama yaqaaniinta ah ee Xirfadda lagu shaqaysto yaqaan waa Dadka Somalidu yasto ama ha noqdaan Midgaan ama Boon ama Yibir Kaad rabto dheh, waxaa kuu cad inay ahaayeen bulsho yar oo Laga tiro batey Xaqoodiina la duudsiiyey Dadkii wakhtigaas noolaana ka xirfad iyo farsamo badnaa.
 
Halkaas hadii aan kaga gudubno Qoladaas waxaan halkan idiinku soo badhigayaa Qolada Somalidu u taqaan Yibraha iyo Nasab ahaan Cidda ay ka soo jeedaan,
 
Dadka qaar Dhawr riwaayadood bay isla dhex maraan Yibir waa reer banii Israaiil  laakiin Sida  Yibrihu ka soo guuriyeen awoowyadood waa sidan.
Qabiilkooda waxaa la yidhaahdaa Xaniifa Bini Sucab Binu Cali Bini Bakar Waa'il Binu Rabiica, Qabiilka Bini rabiica waxay la walaalo tahay sadex qabilo oo la kala yidhaahdo Ayaad Iyo Anmaar iyo Madar   Afartan Qabiilo ee la kala yidhaahdo ayaad iyo anmaar iyo rabiica iyo madar waxay ka soo farcameen Nasaar bini macad  Macadanah wuxuu ka soo faracamay cadnaan waxaa ka soo farcamay Carab Al Cadnaaniyah halkaas ayey ka yimaadeen Cadnaan waa awoowgii kow iyo tabnaad ee Rasuulkeen Sallalaahi Calayhi Wasalam Madarna waxaa ka soo Farcamay Qabiilada la yidhaahdo Quraysh oo rasuulku kamid yahay.
 
Haddaba waxaa is waydiin mudan Hadaad tahay Somali yibir  halkee kaga qabiil fiicnaatey? 
 
Miyeeysan ahayn in dhaqankan Xun ee soo jereenka ah la baabi'iyo  Dadkaas Muslimiinta ah ee Xaquuqdoodii  iyo sharaftoodii meel lagaga dhacay laga raali galiyo  oo bulshada lagu soo daro?
 
Meeye Culimadii Somalidu  Maxay uga hadli waayeen Qabiiladan la takooray  aawey diinta odhanaysa Qabiilkaas Nasabkaas sharafta iyo qiimaha leh Haka guursanina?
 
Dadkani waa Dad runtii sharaf iyo qiimo badan leh somaliduna waxay xaqireen dadkaa walaalahood ah, Sida aan la socono  Somalidu Gabdhihii bay kala kufsadeen, Dhiig aan joogsi lahayn bay daadiyeen Hantidii khaaska ahayd iyo tii guud bay dhaceen, Barri iyo baddba Dadkii ilaahay baa lagu dulmiyey, Wali ma maqasheen Yabir ama midgaan wax dhacay ama gabadh kufsadey ? 
 
Waxaan ka Codsan lahaa Dadka Muslimiinta saxda ah inay arintan ka dhiidhiyaan  Dadkan Nasabka wanaagsan ee nasabkoodii  la qariyeyna Xaqooda u soo dhiciyaan  Si dhibka iyo qaxarka looga baxo  Qolo walbana xaqeeda u hesho.
 
 
Insha allaah  hadii ilaah nolosha igu simo waxaad akhrin doontaa Qoraalo badan oo ku saabsan Dadkaan taariikhdooda iyo Dhacdooyinkii kala duwanaa ee ay soo mareen.
 

Subxanallaahuma rabanaa wabixamdika Ashhadu in laa ilaah ilaa anta Astaqfiruka wa atuubu ilayka.

Mustafa Akhyaar

  

webmaster@ceegaag.com