shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mashruuca Dhismaha Iskuulka Ceegaag

(Ceegaag  Sept 25,  2008 Ceegaag Online) 

Asalaamu Calaykum

Walaal ku soo dhawoow Ceegaag waxaanu halkan  idiinsoo gudbinanaa walaalyaashayada Islaamka ahoow iyo dhamaan cidii daneenasa Dhismaha Ceegaag Mashruuc ay damac santahay Haayada Somali Canadian Education Rural Development Organization (SCERDO) inayka fuliso magaalada dhismasa ee Ceegaag.

Walaalayaal maadaama ay Ceegaag yimaadeen qoysas badan oo kasoo digarogtay Buuhoodle, Deegaanada Hawdka, horumar la'aan iyo nabadgalyo xumo Awgeed. Waxaa mudan in deegaankaa loo sameeyo Adeegyada bulshada ee kala duwan. Sida Waxbarshada, Biyaha iyo Caafimaadka.

Anagoo u mahad celinana SCERDO oo horay mashaariic uga fulisay Burco, Boorame, iyo Buuhoodle inay maanta bilaabayaan Mashruuc tafatiran oo ah dhisme Iskuul lagu xareeyo Caruurta wigii shan casho, loona sameeyo wax kasta oo u fududeenaya waxbasrashadooda ay ugu guntanayaan gaadhida horumar mid aakhiro iyo mid aduunba.

Waxaan ka codsananaa dhamaan Umada Islaamka ah ee Soomaaliyeed inay nagala qayb qaataan Dhismaha iskuulka oo ay ku bixi doonto Lacad aduun oo dhan 74,000.00 oo doolarka mareekanka ah.

Socadsiinta Iskuulka kharashaadkiisa marka la dhiso waxaa balan qaaday Haayada dhisasa ee SCERDO. lacagta hada waxaa la hayaa 1/3 iyada oo cadaan ah waxaana ku deeqay Dawlada Canada, Waa canshuurtii Soomaalida Canadiyaanka ah.

Inta kale waxaa laga sugayaa Reer Ceegaag Qurbajoogtooda iyo walaalahooda Islaamka ah ee doona inay  kala qaybqaataan mashruucan Khayriga ah.

Hadii aad doonaso inaad mashruuca aragtid iyo sida loo dhisi doono Iskuulka la xidhiidh Hawlwadeenada SCERDO kadibna ku qor furaha ay ku siiyaan Xagan hoose kuna deeq Waxaad awoodo ilaahay Hortiis

II RAADI

 

 

 

webmaster@ceegaag.com