shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Muqdisho ma Caasimad Qaranbaa mise waa mid Qabiil!!!

(Soomaaliya  Sept 23,  2008 Ceegaag Online) 

 

Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka, amaan iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa Rasuulka Allaah iyo Ahalkiisa iyo Asxaabtiisa iyo mid kasta oo maray Jidkiisii oo ku hadaysma Hanuunkiisii ilaa iyo Maalinta Qiyaamaha

 

Intaas ka dib:

 

 

Waxaan ka afeefanayaa intaanan Qoraalkaygan u gelin dulucdiisa in aanu Aqristuhu u arag inaan Cid gaar ah ku duraayo si Colaad ama Cadaawad ah ha ahaato Koox karaamo leh, Qabiil Soomaaliyeed iwm ee, bal waxaan uga jeedaa oo aan anigu aaminsanahay hadaan Boogta la damqin oo malaxda iyo Mililka laga sii dayn oo la nadiifin Daawa kasta oo lagu dhayaa waxba uma tarto, Arimaha la doonaayo in wanaag iyo Xal lagaga dhex dhaliyo Bulshada dhexdeedna waa uun sidaas oo kale, waa in Arimaha la Lafa guraa lana muujiyaa halka ay Dhibtu ka jirto oo loo raadiyaa markaa Xalka ku haboon hadba

 

 

Hadaba waxay Maalmahan hadalhaynteedu taagnayd oo laga hadal hayaa dhamaan Goobaha Fadhi ku Dirirka iyo Caqli ku dirikaba Caasimada iyo sida loo maaraynaayo iyo Qaabka ay noqonayso Maamulkeedu, taas waxay soo baxday kadib markii uu Ra’isul Wasaare Nuur Cade Xilkii ka qaaday Duqii Magaalada ayna taasu keentay Khilaaf aad u balaadhan oo soo kala dhex gala Madaxda sarsare ee TFGda ugu dambayntiina Heshiis lagaga gaadhay Khilaafkaa Magaalada Addis Ababa iyadoo ay dhexdhexaadiyeen Dowlada Ethiopia iyo Ururka AU du, hase yeeshee waxaad moodaa in aanu Heshiiskaasu u cuntamin in badan oo Shacabka Soomaaliyeed ah iyo xataa Baarlamaankaba, ayna tahay Arin ay in badan Shacabku sugaayeen Xalinteeda oo ay ahayd waxyaabihii ugu horeeyay ee laga filaayay in Baarlamaanka iyo TFGduba keenaan Xalkeeda

 

 

Inkasta oo aan aniga iyo Dad kalebana aanu qabno in ay Arintan ay ahayd in Xalkeedu ahaa waqtiyadii ay socodeen Shirirkii Awood qaybsiga iyo Xal u helida Arimaha Soomaalida ha ahaato Shirkii Soomaalidu u dhamayd ee Carta ama kii Dagaal Oogayaasha loogu qabtay Embigathy Kenya ee Dowladan hada ah lagu soo dhisay ee, waayo waxay ka mid tahay Arinta Caasimadu xaqiiqadii Arimaha ugu waawayn ee keenay burburkii Qaranimadeena iyada oo ay Beelaha Soomaaliyeed badankoodu ku dirirayeen sidii ay u hantiyi lahaayeen Ilaha Daqaalaha iyo Siyaasada

 

 

Budhcada Dalkeena aafaysay iyo Qaybaha ay u kala baxaan

 

Xataa haba ahaadeen kuwa ka fog taas ee, tusaale sida uu ugu soo qaadaayo Dagaalada aan kala go’a lahayn Magaalada Kismaanyo ee galaaftay Kumanyaalka Dhalinyarada ah ee Soomaaliyeed ama Beeshiisa ha ahaadeen ama Beelaha kale ee, waa Bare Hiiraale Dagaal Oogaha wayn ee aan weli bedelin bal ah kan qudha ee Maanta gashan Shaadkii Dagaal Oogaha Budhcadka ah in kasta oo uu ka tirsan yahay Baarlamaanka!!! hadana waxaa muuqata inuu taas ka doorbiday isagu Dagaal Ooganimada iyo Budhcad Berinimada, hadaba Hogaamiyahan Budhcad Beriga ah waxa uu ka mid yahay isaga iyo Kooxdiisu kuwa ugu khatarsan uguna wax yeeladaa badnaa intii Budhcad Beri Dalkeena iyo Dadkeena soo martay hadaanayba ahayn kuwii ugu wax yeelada badnaa

 

 

Mudadaas dheer ee uu wadankeenu Burburka ku jiray, waxaa ina soo maray Dhibaatooyin aad u fara badan oo aynaan Qoraalkan ku soo Koobi karayn sidaad wada ogtihiin, waxa se ugu waawayn Arimaha la xidhiidha Budhcada, taas oo u kala qaybsanta ugu yaraan Saddex Nooc, tan hore waa Budhcad Badeeda, tan labaadna waa Budhcad Berida ama Dhuleedka, tan Saddexaadna waa Ashahaada la Dirirka, hadaba tan hore ee ah Budhcad Badeeda Sanadihii hore intaanay Xoogaysan oo Xoolaha helin Dhibtoodu waxay uun ku koobnayd oo ay gaadhsiinayeen uun Dadka Soomaaliyeed waana mid aan weligeed la iloobayn inta Dad Rayid ah ay ku gureen oo ku laayeen Badda gaar ahaan taa inoo dhexaysa inaga iyo Dalka yaman, Maanta se way xoogaysteen oo waxaa Dhibtii inala Dhadhamiyay oo inala wadaagay Aduunkii oo dhan waxaadna moodaa in Xalkoodu yahay iyaga Maanta “Geelow Geed walba daaqday ee markaa Ciin daaqdo ayaa laguu yaabaa”

 

 

Iyagu Maanta waxay isku doonteen si Indha la’aan ah Marinadii Tijaarada Caalamiga ah, waxa aana ku kalsoonahay in aan dhowaan maqli doono Cidhib tirkooda iyo Dabargoontooda oo Arintoodii waxay noqotay Mushkilad Caalami ah, markaa waxaa inagu soo hadhay Budhcada Dhulka ama Berida iyo Ashahaada la dirirka kuwaas oo aad moodid in aanay jirin Cid wax inagala qabanaysa Dabar gowntooda oo Debed kaaga imanaysaa bal aad moodid inay dhiiri gelin ba ka helayaan Wadamada ay Maslaxadu ugu jirto in ay Soomaaliya burbursanaato oo aanay Dowladi ka dhalan iyo weliba Dowladan hada Meesha ku magcaaban ee TFGda, waynu ka dheregsan nahay Dhibta ay Budhcad Beridu ka gaysteen oo u gaysteen Dadka Deeganka ee Gobolo badan oo Wadankeena ka mid ah

 

 

Waxaan xusuusanahay Dhibtii ay Budhcad Beridu u gaysteen Dadka Deegaanka ee Gobolada Baay iyo Bakool, waana Budhcad Beridii uu hogaamin jiray Dagaal Oogihii waynaa isla markaana Ashahaada la dirirka ahaa Gen.Cadiid Allaah ayuu ka helayaa wuxuu mudan yahay ee, ee uu markii dambena bedelay oo dhaxalay Wiilkiisii Xuseen Caydiid kaas oo ka dhaxlay dhamaan Sifooyinkii Xumaa ee uu lahaa, waxaan kaloo xusuusnahay Dhibtii ay Budhcad Beridu u gaysteen Dadka Deegaanka Gobolka Shabeelaha hoose, waa Budhcad Beridii uu hogaaminaayay Indhacade oo isla markaana ah Hogaamiye Budhcad Badeed

 

 

Ku dar iyana tan ay weli dhiifteedii ku jiraan Dadka Deegaanka Jubbada hoose ee ay gaadhsiiyeen Dhibaatooyinka baaxad leh Budhcad Berida uu hogaamiyo Dagaal Oogaha wayn ee isla markaana Ashahaada la dirirka ah bal waa kii iska lahaa Hadalkii caanka ahaa “ si aan Islaamiyiinta u burburiyo waxan u soo kaxaysanayaa iska daa Ethiopia oo Yuhuuda” waa Bare Hiiraale, Budhcadan uu Bare Hiiraale hogaamiyo iyo Isbahaysiyadoodii waynu ka dheregsan nahay Dhibta ay u gaysteen Dadka Deegaanka Magaalada Kismaayo iyo guud ahaanba Jubbada hoose, welina ay ku hayaan ee isugu jira Dilal aan loo miidaan deyin, Boob, Barakicin iyo Gumaysi aan laga soo marin Gumaystayaashii Wadanka soo maray

 

 

Waxaa oo Dhib ah waxay Dadka u gaadhsiinayaan oo uga gol leeyihiin waa in ay Boobaan oo Xoog ku hantiyaan Ilaha Dhaqaalaha iyo Awooda ee Gobolka, si ay taas u gaadhaana waa in si Argagax leh loo baqdin gelyo Dadka Deegaanka si ay uga Qaxaan Dhulkooda iyo Deegaankooda oo u banayaan si dabadeedna ay Budhcadu u gaadho Damacii ay ka lahaayeen Arintan aan kor ku soo xusnay

Kooxda saddexaad waa Ashahaada la dirirka, waxaana laga yaabaa in ay Dad badani u yaqaanaan Ashahaada la dirirka Dagaal Oogayaashii isku bahaystay Ururkii Xaaraanta ahaa ee uu Mareekanku dabada ka reexaayay ee isku magcaabay “Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada” ee Dagaalka ku qaaday Midowgii Maxkamadaha Islaamka

 

 

Bal Ashahaada la dirirku intaa waa ka balaadhan yahay oo waxaa soo gelayaa dhamaan inta ay lafaha ka gashay Islaam nacaybku oo neceb ku dhaqanka Shareecada Allaah tacaalaa u soo dejiyay Adoomihiisa ama taa haku muujiyo in uu Xabad kala horyimaad Muslimiinta ama ha adeegsado Hadal, Murti,Qoraal iwm ee, markaas kuwaas oo dhan waxaynu ugu yeedhi karnaa Ashahaada la dirir sida Afmiishaariinta, Gabayaaga iyo jilaaga, Qoraaga iyo Wargaysyada iyo Mareegaha dhamaan uu aafayay Cudurka ah Islaam necaybku waa Ashahaada la dirir, hase yeeshee waxaa Budhcada ka mid noqonaaya kooda Xabada adeegsanaya iyo Siyaasigooda

 

 

Kooxdan oo burburkii Wadankeena ka dhacay iyo Dhibaatooyinka aan la soo koobi karayn ee loo gaystay Dadka iyo Dalka ahaa kuwa Qaybta ugu wayn ka qaatay, hada waxaad moodaa in ay hada isugu luga duwadeen xaga Baarlamaanka iyo TFGda, hadaba Kooxahan Mujrimiinta ah ee aan ka soo hadalay oo dhan waxay leeyihiin Xidhiidha hoose, wayna isu hiiliyaan marka loo baahdo, tusaalayaasha aan taas ka soo qaadan karaa way badan yihiin waxaan se kaga maarmi doonaa oo inagaga filan halkan tusaale ee ugu dambeeyay Dhacdooyinka, waana iyada oo aynu ka war hayno Dhibaatooyinka laxaadka leh ee ay ku hayeen mudada dheer Budhcad Berida uu hogaamiyo Dagaal Ooge Bare Hiiraale Dadka Deegaanka ee Magaalada Kismaanyo iyo guud ahaan Jubbada Hoose, oo ay weliba kula dagaalameen oo ka saareen Magaalada TFGda

 

 

Ayaanay hadana TFGdu marna ka hadli jirin Dhibaatooyinka ay Budhcadaasu ku hayeen Dadka Deegaanka, hadiiba la waydiiyona sida marar badan dhacday waxay odhan jireen waxaanu halkaa ka samayn doonaa Dibu heshiisiin iyo wax la mid ah, bal se weligood ma ay cambaarayn Budhcada iyo Gumaysigii iyo Dhibaatooyinkii ay ku hayeen Dadka Deegaanka, waxa se la yaabka wayni uu yahay markii Dadkii Deegaanka oo ay gargaarayaan Walaalahooda Soomaaliyeed magac kastaba ha siteen ee ay Magaaladii iyo Deegaankii oo dhan guud ahaan ka xorayeen Budhcadii uu hogaaminaayay Bare Hiiraale, ayaa isla markiiba waxaa cirka isku shareeray Qayla dheer iyo Hanjebaado ka soo yeedhaya TFGda oo ku wajahan Cida qabsatay Kismaanyo

 

 

Durbadiiba waxay bilaabeen inay soo tafaxaytaan iyagoo isticmaalaaya oo isla markiiba la soo baxay Kaadhkii Argagixisada ee ay kaga qadhaaban jireen oo kaga dalban jireen Ethiopia iyo Maraykanka taageerada, miyaanay Arintanu ahayn in Kooxahan Mujrimiinta ahi ay heshiis ku yihiin wax yeelaynta Shacabka?!!! Waxaad se moodaa inay tan kala kulmeen waxaanay filanayn oo ay Dhirbaaxo kala kulmeen ka dib markii meela badan oo UNtu ugu horayso ay yidhaahdeen Arinta Kismaanyo waa Dagaal Qabiilo u dhexeeya bal Maraykankii laftigiisii ayaa yidhi Kismaanyo Islaamiyiin ma qabsan ee Qabiilo Soomaaliyeed baa kala qabsaday!!! Macnuhu waxaa weeye Kaadhkanu had iyo jeer ma shaqayo ee bal waa markaanu anagu doonaa iyo Waqtiga iyo Meesha aanu anagu doono!!!

 

 

Hadaba Magac kasta ha siteen ee Walaalaha u soo hiiliyay Shacabkii dulmanaa ee kala qayb qaatay oo weliba qaybta laxaadka leh ka qaatay inay iska xorayaan Budhcadii dulmiga ku haysay waxaan leeyahay marka hore Allaah taas haydinka abaal mariyo, tan labaad waxaan leeyahay ma fahamteen Risaalada ah inay hada soo tafaxaytaan TFGdu? Waxaan u malaynayaa inaydaan taas weli fahmin, sidii aydaan u fahmin wax badan oo idinku xeeraa Sanadkii 2006 ee aad Dhulbadan ka xorayseen Bahalihii Dubka Bani Aadamka uga ekaa ee Shacabka Madaxa kaga fadhiyay, waayo idinkama muuqato sida aad hada Arimaha Magaalada u maamulaysaan kuwa taas weli fahmay

 

 

Markaa anoo si fiican u arka inaydaan taas fahmin waxaan idinkula talin lahaa inaydaan Cadawga fursad u siin inuu idinkala dhex galo Shacabka aad Maanta wada socotaan oo aad hantideen kalsoonidoodii, waa inaad u daysaan iyaga Waxgaradkooda iyo Aqoon yahan kooda Maamulka magaalada iyo Gobolka guud ahaanba, idina aad u noqotaan iyaga Askar iyo la Taliyayaal, oo aad wixii iyaga ka xumaada ku dhexdhexaadisaan oo kala talisaan wixii kaloo dhan aad dib u dhigtaan ilaa iyo Waqtiga ku haboon, ogowna Cidii degdegsata Arin aan Waqtigeedii iman waxaa lagu ciqaabaa ka qatanaanteeda ama la’aanteeda

 

 

Muqdisho ma Caasimad Qaranbaa mise waa mid Qabiil

 

Waxaad moodaa inaan ku dheeraaday Arinta Budhcada ee aan u soo noqdo Dulucda Qoraalkan aan uga gol leeyahay ee waxay hadal haynta sida loo maaraynaayo Caasimadu aad u soo shaac baxday markii uu Oday Dhaqameed Reer Puntland ahi ka hadalay Arinta Caasimada yidhina waa in la helaa Qaab ama Hab gaar ah oo loo maarayo Caasimada wuxuuna yidhi “anigu odhan mayo ha xukumo Caasimada Nin Boorame ama Boosaaso ka yimi ee bal ha xukumo Nin ah Dadka u dhashay, laakiin mar hadii ay tahay Caasimadii Soomaalida waa inuu jiraa Qaab ka gaar ah Wadanka intiisa kale oo iyada loo maarayo oo ay ugu sinaan karto Ummada inteeda”

 

 

Hadalkan Isimku wuxuu keenay Jawaabo fara badan oo qaarkood aad u kululaayeen laguna eedaynaayo Odaygaa!!! Waxayna u badnaayeen Jawaabuhu inuu Odaygaasu uu ka yimid Puntland oo ay ka jirto Ismaamul Goboleed u gaar ah Dadka Deegaanka oo aan Soomaali inteeda kale Cidina kaga jirin ee u gaar ah uun Dadka halkaa dega ee markaa sidee buu uga hadalaa Arinta Muqdisho iyo Gobolka Banaadir guud ahaan?!!! Markaa is waydiintu waxay tahay Oday Dhaqameedkaasu miyuu ku khaldanaa hadalkan u soo jeediyay iyada oo weliba wax ka jiraan Arinta Puntland ee lagu eedayay isaga?

 

 

Horta waxaan leeyahay waxaa ah wax laga xumaado in Puntland samaynteeda iyo Dhibaatooyin badan oo Maanta Dalka lagaga dhaqmaayo keentayna in Dhibta Soomaaliya oo dhan ka jirta loo heli waayo waxa Xal ah ay Aabe u tahay sida looga dhaqmaayo Muqdisho oo ah Caasimadii Dalka ee ay Ummadu oo dhami Dowlad iyo Shacaba wada dhisanaayeen Muda Afartan Sanadood ah, xaqiiqdii waxaan ku dhiiranayaa oo aanan ka warwareegayn in aan idhaahdo Muqdisho waxay noqotay Bahala galeen waana halka Wadanka oo dhami ka burburay, hadiina lagu sii eegto sidaas oo aan wax Xal ah loo helin waxba ka qabsoomi maayaan in la helo Dawlad Soomaaliyeed oo dib Cagaheeda isugu taagta

 

 

Fikirka Muqdisho yaalaa waa kan sababay in Wadanka qaarkii ku dhawaaqo inuu ka Madax banaan yahay Soomaali inteeda kale, waa kan keenay in la aasaaso Dowlad Goboleedka Puntland, waa ka keenay inay Qolo waliba ku duusho oo qabsato Deegaana aanay lahayn, waxaan mar dhexdaas ah ka dhegaystay Idaacada VOA da in Nin Ra’isul Wasaara ku xigeen ah la waydiiyay Cida ay tahay inay samayso Maamulka Gobolka Banaadir wuxuuna ku Jawaabay inay hadaba joogaan Cida ay tahay in ay samayaan Maamulka waana Dadka Degan, ma aha Hadalka caynkaas oo kale ahi mid la qaadan karo Xalna u noqonaaya Ummada waa Hadal ku salaysan Aragti Qabiil Qabiilna Qaranimo laguma dhisi karaayo, Muqdishona Dadkii degaanaa ma wada joogaan oo waa la wada og yahay Kumanaan kun ayaa laga barakicayay Guryohoodii iyo Hantidoodii oo debeda kaga maqan, markaa iyaga Xisaabta Dadka Deegaanka lagu dari maayo miyaa Wasiirow?!!! Meeday Xuquuqdii Wadaninimo iyo Hantidii Dadkii laga barakiciyay iyo Ummada inteedii kaleba, mase kala taqaanaa waxa la wada leeyahay iyo waxa la kala leeyahay!!!

 

 

 

Waxaan meela badan oo Internet ka ah ku arkaayay inay ku shireen Nairobe koox ka mid ah Beesha Mudulood oo ay yidhaadeen Maamul u samaynta Gobolka Banaadir waa mid u taala Beesha Mudulood, waa uun Fikred la mid ah tii Wasiirka laakiin ka sii khaasaysan oo isagu wuxuu u jeeday Hawiye ayay tahay inay dhisaan Maamulka Gobolka Banaadir, Kooxdanuna waxay leedahay maya ee Mudulood uun bay taalaa samaynta Maamulka Gobolku, markaa sidaynu hada soo nidhina uma noqon karto Qabyaaladi aasaas Qaranimo oo waa tuu yidhi Abwaankii Wadaniga ahaa Cabdullaahi Timacade Allaah ha u naxariisto ee “Dugsi ma leh Qabyaaladi waxay dumiso mooyaan e” hadiiba hada loo daayo Arintan Beesha Mudulood waxaan shaki ku jirin in ay iyagu bertoo isku wada qabsanayaan oo ay dhexdooda ka qarxayso, waa Qabyaalada iyo xaalkeeda

 

 

 Waxaan xusuustaa oo aad ii cajebiyay wuxuu ku metelay Qabyaalada Pro.Cali Khiliif Galaydh wuxuu yidhi “Qabyaaladu waa Xabada Basasha ah oo kale markaad Gal ka saartoba Gal kale ayaa kugu soo baxaaya” waa xaaqiiqa inaan Qabyaalad waxba lagu xalin Karin, oo markaa mid ku xalisoba hadana isla tii baa Mushkilad kale oo Qabyaalad ahi ka soo baxaysaa, Rasuulkii Allaahna sala Allaahu calayhi wasalam wuu inooga digay oo wuxuu yidhi “iskaga taga ama iska daaya waa Qudhun ee” marka hadaan dib ugu noqono Hadalkii Oday Dhaqameedka Dadka Allaah uun baa daalacanaya waxa Qalbiyadooda ku jira inagu se waxaan xukumaynaa Daahirkooda ee

 

 

Aniga waxay ila tahay inuu Hadal dow ah oo sax ah yidhi oo ay tahay in xisaabta lagu darsado marka laga hadlaayo Arinta Caasimada, bal anigu waxaan ku dari lahaa Hadalkiis oo aan sii dheersiinayaa in Ninka Reer Boorame iyo Kan Reer Bosaaso iyo kan Reer Baydhaboba ay Xaqq u leeyihiin inay xukumaan Caasimada oo Gudoomiyaha iyo Duqa Magaaladaba ka noqon karaan haday yihiin kuwa u qalma Booskaa oo Cilmigiisii iyo Khibradiisba leeyiheen waayo waa Caasimadii Dalka waana Meel la wada leeyahay oo Ummada oo dhan ka dhexaysa, Dadka Deegaanka u badana ma qabo inay taas mar horena wax kaga xumaadeen hadana ay kaga xumaanayaan waayo horena faa’iidada Caasimada 80% ama ka badan iyaga ayaa lahaa hadana iyaga ayaa yeelanaya Xukumka Magaaladana Soomali bay ula siman yihiin

 

 

Waxan se ay Qolo waliba leedahay Deegaanka ayaanu leenahayna waa wax Shaydaan iyo kuwa uu ku shaqaysanaayo ay in dhaldhalaaliyeen, waxan xusuustaa markii layna soo gelgelaayay ayaa Qolo waliba waxa ay ku andacoon jireen in Deegaankooda la dulmay oo kuwa Xukumka haystaa ay uun dhistaan Dhulkooda xaqiiqaduna waxay ahayd in ay Soomali oo dhan ay dhisan jirtay Caasimada oo keli ah, waxaan nasiib u yeeshay bilowgii burburka Wadankeena inaan tago Gobolka Gedo oo aan marmaro Magaalooyin iyo Tuulooyin badan oo hoos yimaada waana Dhulkii lagu andacoon jiray oo Shacabka laga dhaadhicin jiray inay Dawladu halkaas uun dhisto, in kasta oo aan anigu markaas xaqiiqada ogaa inaan Hadalkaas waxba ka jirin baan hadan qaadanba waayay markaan arkay inuu Gobolkanu kaba sii hoosayo Gobolada intooda kale!!!

 

 

 Hadalka kale ee ah inaan Dadka Soomaaliyeed u wada sinayn Xukumka Puntlandna waxan leeyahay horta ugu horayn anigu waxaan ka mid ahay Dadka ka soo horjeeda in Wadanka loo qaybiyo Dowlad Goboleedyo oo waxaan u arkaa in ay tahay Fekred Shisheeye oo Dhidibada loogu aasaayo oo lagu xoojinayo Qabyaalada looguna diyaar garaynaayo Wadanka in si yar loo kala furfuri karo markii loo baahdo, waxaan anigu doorbidayaa Nadaamkii ay Dowlada Dhexe Wadanka oo dhan Xukumaysay oo qofka Muwaadinka ahi uu xukumaayay oo ka shaqaynaayay meeshii ay Dowladu u garato waxan filaayaa inay taasu ku haboon tahay Wadankeena iyo Maslaxdeena Ummad ahaan

 

 

 Hase yeeshee hadii Soomaaliyi sidaa isku wada raacdo oo ay noqoto Dowlad Goboleed Arintu, waxay ila tahay inaynu ku khasbanaanayno in Dowlad Goboleedkaa inta hoos joogtaa uun Xukumkiisa leedahay, Tusaale hadii hada Maamul Goboleed loo samayo Dhuusamareeb ama Beledwayne ama jowhar ama Baydhabo iwm dee Xukumkeeda waxa uun qabanaaya Dadka Deegaanka uun, Puntlandna waa uun sidaas oo kale, laakiin se Caasimadu sidaas way ka duwantahay oo waa wax la wada leeyahay

 

 

Hadaan se Muqdisho ama Gobolka Banaadir aan taas laga helayn oo uu Reer u rahman yahay waxay ila tahay waa lagama maarmaan in laba Arimood la helo oo tan hore tahay in Ummadii Magaalada dhisanaysay Afartanka Sanadood Xuquuqdoodii iyo Hantidoodii Xal loo helo, tan labaadna ay tahay in Caasimada Magaala kale loo wareejiyo oo laga dalbado Gargaar Caalamku inuu inala dhiso, waxaan filaayaa Baydhabo oo hada Dowlada qaarkeed degan yihiin waa Magaala u qalanta Caasimad aana u malaynaayo in Dadka Deegaanku si diiran oo farxad leh u soo dhowaynayaan taas, sidoo kale Gaalkacayo waa Magaalo aad ugu haboon inay noqoto Caasimada Dalka, waxaa se intaba kaga sii haboon oo adeegaya badan oo ku meel gaadh ah oo ay Dowladu ku sii shaqayso laga helayaa Maslaxada Soomaaliyeed iyo Dib u Heshiisiintabana door wayn ka qaadanaysa iyada oo Caasimada laga dhigo oo loo wareejiyo Caasimada labaad ee Dalka Hargaysa waxa hubaal ah in Dadka Deegaankuna si diiran oo farxad leh ku soo dhowaynayaan taas lagagana badbaadaayo Mushkilada ah in Dalku kala go’o

 

 

Ugu dambayntii waxaan meel walba oo Soomaaliya ah ku arkay oo ka maqlaa xataa Dhul aanan is lahayn weligaa waad ka maqlaysaa iyada oo looga ducaynaayo oo laga amaanaayo Allaah tacaalaana Raxmad looga baryaayo Madaxwaynihii hore Maxamed Siyaad Bare markaa taasu maxay ku tusaysaa waa Qoomamo Xumaantii aynu ku kacnay ee aan sababta lahayn in kasta oo ay jiraan qaar aan taas weli garan, laakiin se goorma ayay timid? waa goor ay wax waliba dumeen, markaa waxaan leeyahay Dadka Reer Baanaadir Madaxii Ummada idinkaa ah idinkaana ka dhigi kara in aan Qoomamadaa ku sii jiro iyo mid ka sii daranba ama in aynu Wadankeena iyo Dadkeena is af garad iyo wanaag ku soo dabaalo, waa in aydin Ummada ula timaadaan Xal Waxku ool ah oo u cuntama si loo soo celiyo Qaranimadii Ummada aydina ka fogaataan anagana iyo Qabyaaladan waxa ay dumiso maaha ee aan waxba dhisayn, wixii aydaan Soomaalinimo ku helayna shaki kuma jiro inaydaan Qabyaaladna ku helayn waxaynu Dhibtaas ku jiraa 18 Sanadood Ummada oo dhan oo aad idinku ugu horaysaana Khasaare ayaynu ku suganahay, Allaah tacaalaa dhamaanteen Xaqqa hayna tuso

 

Wabillaahi atowfiiq

 

Essa Mohamoud

almutawaadic@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com