shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xisbiga ANC oo ku Guulaystay Doorashooyinkii Dalka Koonfur Africa.

(K. Afrika,  April 25,  2009 Ceegaag Online) 


 
Xisbiga talada haya ee dalka koonfurta Afrika ayay raacday guul baaxad weyn oo aqlabiyad ah, gudigada doorashooyinka IEC ayaa duhurnimadii sabtida soo saaray natiijadii kama dambeysta ahayd.

ANC waxay heshey 65.90% cod, halka xisbiga ugu soo dhow oo ah DA (Democratic Alliance) uu heley 16.6% , kaalinta sedexaad waxaa yimid d xisbiga ANC ka jabay ee COPE (Congress of the people) wuxuuna heley 7.4%, laakiin asxaabta kale ee yar ayuu daadka qaaday iyadoo qaarkoodba aysan hal kursi xitaa ka helin baarlamaanka 400 ee kursi ah.
 
Asxaabta doorashada ka hor cadcadaa ee iminka tirro yar heley waxaa ka mid ah IFP (Inkatha Freedom Party) ee uu hogaamiye boqorka qoowmiyada Zulu-ga Mangasutu Buthelezi , wuxuu heley 4.55%, xisbiga kale ee ID (Independent Democrats) ee ay hogaamiso haweeneyda lagu magacaabo Patricia De Leal wuxuu heley 0.92%, halka UDM (United democratic Movement) ee uu hogaamiyo Bantu Holimisa uu heley wax intaasi aad oga yar.
 
Guud ahaan ANC waxay si aqlabiyad ah ugu guuleysatay 8 ka mid ah 9-ka gobol ee dalka, laakiin waxay lumisey gobolka jinsiyadaha baddan ay ku noolyihiin ee Western Cape oo waxaa ku guuleystey xisbiga DA (democratic Alliance) ee cadaanka tirada yar ay hogaamiyaan, hore xisbigani waxa uu u hayay hogaanka maamulka dowlada hoose ee Cape Town iyadoo duqa magaalada oo ahayd Hellen Zille isla markaasina ah hogaamiyaha xisbigani ay iminka noqoneyso Barasaabka gobolkani muhiimka ah.
 
Sidoo kale ANC waxay waxyar oo isha baasheeda ah ku seegtey tiraddii ay u baahneyd ee ahayd 3 meelood 2 meel taasoo ah tirada u ogolaaneysa ANC in ay dastuurka dalka wax ka badali karto, tiradaasi waa 66% oo iminka hal dhibic oo kaliya ay ka sokeyso, laakiin taasi micnaheedu ma ahan in aysan sharciga badali karin, waxaa kaliya oo ay samayn kartaa in ay xisbiyada yaryar ka hesho hal cod.
 
Madaxweynaha ANC Jacob Zuma ayaa xilka madaxweynenimada loo dhaarinayaa 9-ka bisha May baarlamaanka dalka, iyadoo 22 isla May uu fariisanayo qasriga madaxtooyada ee Pretoria, kuna dhawaaqayo golaha wasiirada.
 
Doorashada waxay ahayd mid u dhacday si nadiif ah oo aysan jirrin wax isdaba marin ah, kormeerayaasha ka socdey midowga afrika iyo urur goboleedka wadamada koonfurta Afrika dhaca ee SADC ayaa dhamaantood ku tilmaamey doorashada mid cadaalad ku dhacay, K/Afrika waxay diidey in doorashada loosoo dirro kormeerayaal, hase yeeshee waxay ogolaatay indha-indheeyayaal, farqiga u dhaxeeya wuxuu yahay, kormeerayaasha waxay awood u leeyihiin in ay farogaliyaan haddii muran dhaco, halka indha-indheeyayaasha ay kaliya daawanayaan waxa dhacaya, kadibna warbixin ka gudbin karaan, waxaa kaloo jirtey in midowga yurub, qaramada midoobey iyo Maraykankana aysan usoo dirsan wax indha-indheeyeyaal ah doorashadani, sidaasi darteed Koonfur Afrika waa dalkii koowaad oo qaaradani ku yaala oo aysan iman kormeerayaal midowga yurub ka socda.
 
Dadka doorashada isu diiwaangaliyey waxay ahaayeen 23 malyan oo qof, waxaa codkooda dhiibtey 17 milyan oo qof, taasoo usoo bixista doorashada ka dhigtey 77% marka laga tixraaco dadka is diiwaangaliyey.
 
Doorashadu ma ahayn mid dhacdooyin yar, meelaha qaarkood waxaa ku yaraaday waraaqihii codbixinta, meelo kale sanaadiiqda ayaa yaraatay, meelo kale korontada ayaa ka tagtay oo goobaha waxaa la xirey ka hor waqtigii la xiri lahaa.
 
Dhanka kale sarkaal gudiga doorashada ka tirsan ayaa lagu qabtay 100 warqadood oo calaamaysan ka hor saacadii ay goobaha codbixinta furmi lahaayeen, Dhanka kale sargaal isla gudiga ah ayaa gaari la jiirsiiyey oo dhintey, waxaasi oo dhan markiiba waa la xaliyey.
Waa 15 sanno kadib doorashadii 4aad oo dalka laga qabto tan intii uu dhamaaday nidaamkii midabtakoorka ee cadaanka tiradda yar ay ku amar taagleyn jireen, iyadoo xisbiga ANC ay kol kasta si weyn ugu guuleysanayaan doorashada, tani waxay ahayd tii ugu adkeyd ee sida ugu daran loo tartamay, gaar ahaan xisbiga ka jabay ANC oo saaxada siyaasada keeney jawi cusub.
 
Jacob Zuma, oo ka yimid qoyska dabaqada hoose ah, isagoo waalidkiisa ay kala ahaayeen askari Police iyo hooyadiisa oo ahayd booyaaso guri ka shaqaysa, wuxuu ku biirey ANC isagoo 17 jir ah 1959kii, iskuulna wuxuu ka gaaray fasalka sedexaad, iminka waxa uu noqonayaa madaxweynihii 3 aad ee dalka Afrika ugu dhaqaalaha baddan uguna awooda baddan.
 
Cabdirashid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com