shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ku sugan Dalka itoobiya. 

(Adis-Ababa,  April 19,  2009 Ceegaag Online) 

Waxaa Maalmihi ugu Dambeeyay Ku sugnaa Magaaladda Addis ababa Raysal wasare Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke waxaana uu kulamo la lahaa saraakiisha wasaaradda arimaha dibadda ee itoobiya iyadoo raysal wasaare sharmaarke ay socdalka ku weheliyaan xubno ka tirsan golihisa wasiiradda iyo baarlamaanka dawladda soomaliya.

"Ethiopia waxay kaalin mug leh ka qaadanaysaa sidii dib loogu soo celin lahaa amaanka guud ee Somalia, beesha calaamkana waxaan ku boorinaynaa in la taageero xukuumada Somalia" ayuu yiri Mesfin oo saxaafadda la hadlay kulanka kaddib.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ethiopia wuxuu soo hadal qaaday burcadbadeeda, isagoo sheegay in caalamka loo baahan yahay inay taageeraan xukuumada Somalia si ay u sugto amaanka barriga iyo badda dalkeeda.

"Burcadbadeeda waxaa looga guulaysan karaan oo keliya in dib loo soo celiyo Qarankii Somalia, mana qabo in maraakiib dagaal oo badda lasoo dhoobay lagu baabi'in karo" ayuu yiri Mesfin.

Seyoum Mesfin wuxuu amaan u jeediyay Madaxweynaha Somalia isagoo ku tilmaamay shaqsi u taagan dib u heshiisiin iyo in Somalia ay noqoto Qaran dib u soo laabta.

Ra'iisul wasaaraha Somalia ayaa ku sugan dalka Ethiopia saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay, kas kula kulmay madax ka tirsan IGAD, waxaana socdaalkiisa uu salka ku hayaa sidii xukuumadiisa gacan looga siin lahaa soo celinta amaanka.

Isku so wada duubo dhawaantan ayay ahayd markii la waraystay Raysal wasaare Males zenawi uu shegay in uu soo dhawaynayo dawladda somaliya isla markaana uu sheegay in ku dhaqanka sharecadda islaanka somalia uu soo dhawaynayo.
 
 
Cabdirashiid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com