shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Axmed Diiriye Cali "16 nin ayaa la soo diray si ay udilaan niman aan aniga ka mid ahay".

(Muqdisho,  April 21,  2009 Ceegaag Online) 

Iyadoo habeenimaddi xalay ahayd Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda dagaaladdu hareeyen ee somalia lagu weeraray Afhayeenka Beehalaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa uu maanta isaga oo u waramayay Warbaahinta Maxaliga ah sheegay in ragii Xalay soo weeraray isaga ay ahaayeen ururka al_Shabaab ayna doonayeen inay khaarajiyaan nasiib wanaagse waan ka badbaaday waxaana idifaacay ilaaladayda.
 
 
Axmed Diiriye Cali Nabadoonka beelaha hawiye ayaa tibaaxay in Sheikh cali nin lagu sheegayay waa sida uu hadalka udhigay uu ka istaagay Masaajidka abuu hurayrah isla markaana uu ka aqriyay mabaadida ururka al_Shabaab.
 
 
Axmed Diiriye Cali afhayeenka beelaha Hawiye waxa uu intaasi ku daray in lix iyo toban nin loo soo diray isaga iyo Gudoomiyaha beelaha hawiye maxamed Xasan xaad iyo Imaam cumar macalin abshir iyo Cabdulahi dheere iyo sidoo kale labadda abwaan ee Abshir bacadle iyo Abwaan Guure.
 
 
Waxaa uu tibaaxay in nimankaas loo soo diray ay joogaan Bakaaraha isla markaana laga soo ururiyay Goboladda dalka si ay u khaarajiyaan Odayaasha iyo intii kale ee nabadda ka shaqayaysa ayaa uu hadalkisa ku soo gunaanaday Axmed diiriye cali waa sida uu hadalka u dhigaye.
 
 
Dhanka kale Madaxa Siyaasada gobolada ururka Al shabaab Shiikh Xuseen Cali Fiidoow oo maanta shir jaraa’id u qabtay qaar kamid ah warbaahinta ayaa beeniyay in ururkoodu uu ka danbeeyay weerar xalay lagu qaaday afhayeenka odayaasha beelaha Hawiye.
Shiikh Xuseen Cali Fiidoow ayaa ku tilmaamay eedeynta loo jeediyay ururkooda mid laga soo shaqeeyay oo lagu kicinayo Umadda Soomaaliyeed ,waxaana uu sheegay in odayaashu ay yihiin mujaahidiin hase ahaatee aan loo baahneey in ay buun buuniyaan shaqadii ay qabteen.
 
Cabdirashid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com