shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Maxkamadda Gobolka Bari oo Xukun Ku Riday 10-Nin oo Burcadd Badeed ah.

(Boosaaso.  April 11,  2009 Ceegaag Online)

Budhcad badeed

Waxaa maanta la horkeenay Maxkamadda Darajadda Koowaad Ee gobolka Bari Toban Eedaysane oo Burcad badeed ah waxaana Goobta maxkamadda lagu saarayay Tobanka Nin ee burcadd badeeda ah Goobjoog ka ahaa Xeer ilaaliyaha Gobolka bari Axmed Taaraan iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda Koowaad Ee magaaladda Bosaso Maxamed Cabdi awaare iyadoo Amaankana Si wayn loo Sugayay.
 
 
Tobankan Nin ee Burcad badeeda ah ayaa waxaa Bilawgii sanadkan waxaa Gacanta ku soo dhigay Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Dawladd Goboleedka Puntland ka gadaal markii Ay Afduubteen Markab Ganacsi oo u rarnaa Shirkadda Barwaaqo oo Xarun ku leh magaaladda Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Dawladd Goboleedka Puntland waxaana ay ilaa Wakhtigaas ku jireen Xabsiga Dhexe ee magaaladda boosaaso waxaana maanta la soo taagay Maxkamadda Magaaladda Boosaaso.
 
 
Axmed Taaraan'Xeer ilaaliyaha Gobolka Bari ayaa sheegay in nimankan uu dambigu ku cadyahay Isla markaana ay ku xukumayaan sida Sharcigu Qabo:Nimankan waxaan ku Xukunay 20-Sano oo xarig ah: balse mar qura markii La joogay Ee xukunka la Riday ayaa waxaa Hadalka la booday Cabdirashiid Muse maxamed oo ka mid ahaa Eedaysanayaasha Burcadd Badeeda ah isagoo sheegay in Qodobka Xukunkooda aanu ahayn Mid sharci ah oo ay iyagu ku badbadinayeen Naftooda Qafaalashadda Doonta.
 
 
Cabdirashiid maxamed daahir
lacle1004@hotmail.com

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com