shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shir Berri ka Furmaya Brussels oo Deeq loogu Yaboohayo Soomaaliya.

(Brussels,  April 22,  2009 Ceegaag Online) 

 

Maalinimadda Berrito ah ayaa la filayaa in Magaalada Brussels uu ka furmo shir xaasaasi ah oo Deeq loogu ururinayo Dawladda Dalka soomalia.
 

Shirkan waxaa ka mid ah la gudoomiyeyaasha gudoominaya xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon, waxaana la gudoomin shirka Mr Ban masuul ka tirsan Midowga Yurub oo isagu ah marti galiyaha shirkan caalamiga ah oo ujeedada laga leeyahay lagu tilmaamay in dhaqaale loo helo dadaalada nabad iyo xasilooni ku soo dabaalida dalka Soomaaliya oo la daala dhacayay dagaalo iyo diif darxumo huwan mudo 18 sano ah.

Shirka ayaa waxaa dhaqaalaha lagu ururin doono oo gaaraya 260 milyan oo doolarka Mareykanka lagu taageeri doono hay’adaha dawlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee hawlgalka nabad ilaalinta ka wada Soomaaliya.

Dhaqaalaha shikaasi laga ururiyo ayaa la sheegay in dawlada KMG ah ee Soomaaliya laga saacidi doono sidii ay u sameysan laheyd cudud ciidan oo gaaraysa 6 kun oo askari oo ka qayb qaata xasiloonida iyo 10 kun oo ciidamo Booliis ah oo dhinac socda ciidamadaasi.

Sidoo kale dhaqaalahaasi qayb ka mid ah ayaa waxaa la doonayaa in lagu xoojiyo tayada ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, kuwaasi oo tiradoodu gaarayso 4300 iyadoo la doonayo in ciidamadaasi laga taageeri doono dhanka Logistikadda iyo iyo adeegyadooda kale ee ay u baahan yihiin si ay ugu sameeyeen tababar iyo kor kala socod ciidamada amaanka ee la qorsheeyey in Soomaaliya loo sameeyo.

Shirkan caalamiga ah ee dhaqaalaha loogu ururinayo Soomaaliya ayaa waxaa ku baaqay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, waxaana martigaliyey Midowga Yurub, waxaana lagu wadaa inay ka soo qayb galaan wakiilo ka socda Midowga Afrika, Jaamacad Carabta iyo dalalka daneeya arimaha Soomaaliya.

Isku soo wada duubo shirkabn Bruzzels Xasasiyadisa ayaa ah mid somali ahmiyad u ah o la doonayo kabidda kaabayaasha amaanka soomaliya oo muddo aad ufarabadan ay halakeeyeen Dagaalo Sokeeye.

Cabdirashid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com