shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xasan Daahir Aways oo Labo sano ka dib soo Gaaray Somalia.

(Muqdisho,  April 23,  2009 Ceegaag Online) 

Hogaamiye Diimedka Sheikh Xasan Daahir aways ayaa Maanta ka so degay Garoonka Number-50 ee Gobolka Shabelladda hoose waxaana Quraac loogu sameeyay Degmadda afgooye waxaana Sheikh xasan Daahir aways ku soo dhaweeyay Halkaasi qaar ka tirsan Muqaawamadda ka dagaalanta somalia Gaar ahaan Ururka Xizbul islaam iyadoo masuuliyin ka tirsan Ururka Xisbul islaam oo uu ka mid yahay Dr:Cumar Iiman Abubakar ay ku soo dhaweeyen somalia Sheikh xasan Daahir aways.

Daahir Aweys oo ka mid ah hogaamiye diimeedyada ka jira Soomaaliya ,Sheekh Xasan Daahir ayaa ka soo duulay magaalada Casmara ee wadanka Eritrea, waxaana socdaalkiisa uu ahaa mid lama filaan ah oo aan horey loo sii sheegin.

Warka ayaa wuxuu intaasi ku darayaa in Sheekh Xasan diyaaradii sidey ay ka degtey garoonka diyaaradaha No 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana markii uu halkasi ka degay uu markiiba u soo gudbay dhanka magaalada Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan garabka Xisbul Islaam ayaa sheegay in Sheekh Xasan uu u tagey magaalada Muqdisho sidii loo baahin lahaa dagaal ka dhexqarxa xoogaga muqaawada oo isku midniyo lisanayey mudoyinkii ugu dambeeyey.

Safarka Sheekh Xasan Daahir Aweys uu ku tagay magaalada Muqdisho ayaan la ogeyn sida uu u saameyn ugu yeelan karo dawlada KMG ah, isagoo si weyn uga biyo diidsan siyaasada dawlada uu madaxda ka yahay Sheekh Shariif.

Sheikh xasan Daahir aways ayaa Ku jira Liiska ururadda Maraykanku u aqoonsanyahay Argagixisadda Wuxuu usheegay in uu yimid in uu la kulmo dadkiisa waa sida uu hadalka udhigaye, isla markaasna uu la qeybsado xaaladaha ay ku jiraan, isagoo balan qaaday in uu wadayo dadaalada uu ku doonayo in wax looga qabto xaalada dalka Soomaaliya.

Xasan Daahir wuxuu aad uga soo horjeeday markii ugu dambeysay hadal uu saxaafada siiyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, isagoo ku sheegay mid ka soo horjeeda diinta Islaamka, isla markaasna dooneysa in ay dalka sii joogaan ciidamo Shisheeye.

Lama yaqaano talaabooyinka uu qaadayo Xasan Daahir Aweys, inkastoo ay warar soo baxayaa ay sheegayaan in uu la kulmayo dhinacyada taageersan oo dhan oo uu kala hadlayo xaalka Soomaaliya, ka dibna uu tagayo gobolka Galguduud ee bartamaha ee dalka Soomaaliya oo uu asal ahaan ka soo jeedo beeshiisa.

Lama garan karo Xasan Daahir Aweys in uu badalmay mawqifkiisii iyo in kale, inkastoo la og yahay in uu dhawaan tagay dalka Suudaan kulana kulmay Madaxweynaha dalkaasi Suudaan Jen. Cumar Xasan Al-Bashiir oo ay ka wada hadleen waxyaabo badan.
 
Isku soo wadda suubo Safarka Sheikh xasan daahir aways ayaa noqonaya mid Noqonaya in guul laga gaaro Dhibaatadda somalia ama mid sii huriya waxaana uu safarka Sheikh xasan Daahir aways ku soo aadaya xilli Dalka Somalia ay ka maqanyihiin Madaxweynaha iyo Raysal wasaraha iyo waliba Wasiiradda Muhiimka ah ee Dawladd Kumeel gaarka ah ee Somalia.
 
Cabdirashid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com