shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Ururka Alshabaab iyo Dawladda Soomaaliya oo ku kala Aragti Duwan in Dalka lagu Dhaqo Shareecadda Islaamka iyadoo Baarlamanka Soomaliya Todobaadkan Ansixinayaan In Dalka lagu Dhaqo Shareecadda Islaanka.
 

(Muqdisho.  April 14,  2009 Ceegaag Online)

Ururka Al-Shabaab iyo Dawladda Kumeel gaarka ah ee soomaliya ayaa wali waxa ay ku Kala aragti Duwanyihiin Ku dhaqida Dalka Soomaliya Ee Shareecadda Islaanka iyadoo Islaamiyiinta Soomaliya Ay dagaal kula jiraan Dawladda soomaliya iyo Ciidamadda Amison iyagoo ku Guuxaya In dalka lagu dhaqo Shareecadda islaanka Iyadoo Madaxda Sarsare ee dawladda somaliya ay ugu baaqeen ururadda hubaysan inay Wadahadal la galaan Dawladda soomaliya.
 
 
Xaaji Xuseen Cali Fiidaw oo ah madaxa Siyaasadda Ururka Al_Shabaab oo saxaafadda u waramayay Ayaa Shaki galiyay Isla markaana Tibaaxay in Democracy Iyo Marti soorka Dawlado shisheeye ay ku hawlantahay Dawladda soomaliya Taasoo u Tusaale u soo qaatay Saraakiishi American ka ahayd Ee Shalay Soo Gaaray Magaaladda Muqdisho Isla Markaana Taas Beddelkeeda ayaa uu sheegay Sheikh Xuseen Cali Fiidaw Madaxa Siyaasadda Ururka Alshabab in Al-Shabaab aan daah indhaha ka saarneyn Ku dhaqanka Shareecadda islaamka.
 
Sheikh Huseen cali fiidaw ayaa sheegay in Ururka Al_Shabaab ay ka go'antahay la dagaalanka Democracy iyo wixii kale ee ka soo horjeeda Shareecadda Diinta Islaanka.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Dawladda Soomaliya Sheikh Cabduqaadir Cali cumar Waxa uu sheegay in Magaaladda Muqdisho iyo Dhulka Soomaaliya Aan Xiligan looga Baahnayn Dagaal Balse hataan laga daalay ee loo baahanyahay oo kaliya in Miiska Wadahadalka laysugu Yimaado Cida Doonaysa Dagaalna waa inay soo bandhigtaa Qodobadda ay u daliishanayso ee Diiniga ah .
 
Isku soo Wadda duuboo Todobaadkan Gudihiisa ayaa waxaa la filayaa in ay shir isugu yimaadaan Baarlamaanka Somalia si lo ansixiyo ku dhaqanka Shareecada Islaamaka waxaana horay u jirtay in Wasiiradda soomaliya ay ansixiyeen Ku dhaqanka Shareecadda Islaamka Fadhigii u horeeyay ee ay Muqdisho ku yeesheen.

Cabdirashiid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com