shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dawlada Goboleedka Puntland oo Lacag biyo dhaamis ah ugu deeqday dadka tabaaleesan.

(Garoowe.  April 02,  2009 Ceegaag Online) 

Gudiga abaaraha ee dawlad gobeleedka Puntland ayaa maanta ka gudoomay maamulka lacag Gargaar ah oo dhan Aduun 20,000 oo Doolarka mareekanka.

Madaxwayne ku xigeenka DGPl Mudane Cabdisamed Cali Shire oo gudoonsiiyay Aduunkan Hayada gargaarka Abaaraha ayaa sheegay in ay tahay lacagtani "100 booyadood oo ah wejiga Kowaad.Madaxweyne ku xigeenka oo hadal kooban ka soo jeediyey kulankaasi ayaa sheegay in aan lacagtaasi loo isticmaalin si khaldan ee ay martaa sidii loogu talagalay iyo ciddii u baahnayd",


Intaasi ka dibna waxa uu Madaxweyne ku xigeenku lacagtii uu ku wareejiyey Maareeyaha Hay’adda Hadma Cabdillaahi Cabdiraxmaan(Cayrowe), ka dibna waxa uu isna ku wareejiyey si tirade loo hubiyo lacagta loo dhiibay guddiga uu madaxda ka yahay Maareeyuhu, ka dibna waxa uu maareeyuhu hadal kooban ka soo jeediyey kulankaasi oo ay maanta ku sugnaayeen guddigii dawladda iyo guddigii uu shalay magacaabay Madaxweyne ku xigeenku oo isugu jiray ganacsatada iyo culima awdiinka, wuxuuna maareeruhu sheegay in lacagtani ay mari doonto meelihii loogu talgalay anagoo u qaybinayna sida ay u kala daran yihiin, annagu wixii nalo dhiibo waxa aanu u maamuli doono sida ku haboon.

Lacagtan ayaana run ahaantii baahi tiri karin xitaa caasimada Garoowe ee maamul gobeleedku fadhiyo.

Daawo Sawirada

Xuquuqda Sawirada waxaa iska leh MGPL.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com