shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shir wacyi galin ah oo  laamaha Dawlada Dhexe (FBI, CIA iyo Xeerilaaliyaha Gabalka Massachusetts) ugu qabteen Jaaliyada Soomaalida Boston Masjid-Jaamaca magaalada.

(Boston.  April 19,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa shalay galabnimadii Sabtida shir aad u balaadhan ugu qabtay Jaaliyada Soomaalida Masjid-Jaamaca magaalada Boston Haayadaha nabadgalyada ee dawlada dhexe ee dalkan Mareekanka.

Shirkan oo ay soo abaabuleen Aqoonyahadada Jaaliyada Soomaalida ee uu madaxda u yahay Pro.  Xuseen Dayib. ayaa ahaa mid aad looga baaraan degay.

Shirkan ayaa daba socday shirar taxane ahaa oo Haayadaha nabadalyada iyo Jaaliyada Soomaalida u dhexeeyay ilaa iyo intii sida arxandarada ah weerarada is miidaaminta loola beegsaday Caasimada labaad ee Soomaaliya Hargaysa.

Ugu horeentii waxaa shirka ka hadlay Warren T Bamford oo isagu  ah madaxa laanta FBI da Boston isga oo shaqada laantan bilaabay Feb 05, 2007. Waxauu aad uga hadlay shaqada ay FBI du qabato iyo sida ay u doonayaan in ay wada shaqayn fiican yeeshaan FBI da iyo Jaaliyada Soomaalida oo hada fari ku godontahay.

Ninkan oo hore u hogaamin jiray qaybta ladagaalanka argagixisada ee magaalada Los Angeles wixii ka horeeyay March 2006 ayaa ku nuux nuuxsaday in loo baahan yahay in Jaaliyada Soomaalidu xidhiidh wanaagsan la samaystaan laamaha amaanka, waayo waxaa hada taagan dhacdo aan dalka horay u soo marin khalkhalna galinasa amaanka shacabka siiba kan Jaaliyada Soomaalida oo ay dhicikarto in loogaysto falal lidi ku ah qawaaniinta dalka lagu dhaqo.
 

Warren ayaa ka codsaday Jaaliyada inay ka feejignaadaan kuwa qaswadayaalka ah ee dhib u jooga ah, ku waa soo waasidauu hadalka u dhigay e dhamaanteen ina khatalaya.

Inataa ka dib waxaa madasha shirka la wareegay Michel Sullivan oo ah xeer ilaaliyaha dawlada dhexe gobolka Massachusetts. Isaga oo sharaxaad ka bixiyay sida uu u shaqeeyo xafiiska xeer ilaaliyaha ee uu madaxda ka yahay, islamarkaana ay jiraan ilaa 93 sagaashan iyo sadex xeer ilaaliye dawlad dhexaad oo isga la mid ah iyaga oo dhamaan tood ilaalinaya inaan lagu tuman qawaaniinta dawlada dhexe ee mareekanka.

Waxaa hadaladiisii ka mid ahaa

  • Waxaanu nahay dawladiinii idinka ayaanu idiin shaqeenaa waxaana idinka doonanaa inaad nala shaqaysaan.

  • Waxaanu halkan u joognaa inaanu ka hortagno in dhaliyarada Jaaliyada Soomaalida in la duufsado oo ay ku biiraan kooxaha argagixisada ah ee is qarxiya.

  • Waxaa kale oo aanu idiinku nimid inaan idin ogaysiino hadii  laydin cunsiradeeyo inaanu garabkiina taaganahay.

  • Waxaanu idiinku nimid inaan idin waydiino waxa aad tabanasaan

Intaa kadib ayaa Jaaliyada loo sheegay in Xeer ilaaliyohu shaqada ugu eegtahay maalinta barito ah taasoo jaaliyadu aad uga xumaatay.

Waxaa madasha shirka lagu soo dhaweeyay Saara Casiis  oo ah Haweenay asal ahaan u dhalatay dalka Masaarida. Haweenaydan oo ah qareen ayaa waxa ay u shaqaysaa  haayada DHS oo ay haatan hoos yimaadaan Hayaadaha FIMA(oo ah hayda Gargaarka Aafooyinka), CIA (oo ah Haayda sirdoonka iyo ilaalinta madaxda Qaranka), iyo Ciidamada ilaalada Xuduudaha bada iyo Bariga.

Waxa ay isla markiiba ka afeefatay su'aalaha malaa badanaa la waydiiyo oo ah dadka codsiyada wadaninimada mareekanka dalbaday ee ay ka raagaan inaysan ahayn inay dad muslim ah ay yihiin balse la kordhiyay lacagaha sinjiyada mareekanka  lagu xaraysto, iyo waliba in dad badanay doonayeen inay u codeeyaan madaxwayne Obama markii uu u tartamayay jagada madax waynenimada ee uu uu hada haysto.

Saara ayaa sheegtay inaan cidna loo caansiirinayn cida ay tahay cidii sidaa aragtaana ay mudan tahay inay sida ugu dhaqsaha badan ula soo xidhiidhaan xafiiskeeda. Waxa ay Saara carabka ku adkaysay in xitaa hadii uu arday cunsirinimo ka dareemo Iskuulka uu dhiganayo inay lasoo xidhiidhaan ama haayadaha kale ee wadaniga ah.

Dadka habeenkii lagu soo guureeyo ama shaqada lagu raqabadeeyo xuquuq ayay u leeyihiin hadii ay rabaan inaysan la hadlin hadba cida Su'aalasa. Balse su'aasha ayaa loo baahan yahay inay tahay mid aan markaa ahayn xaalad degdeg ah oo laga yaabo hadii aanad ka hadlin in ay waxyeeladeedu dib adiga kuugu soo noqota adiga oo xitaa taaa ka aamusi kara.

Isku soo wada duub duub oo dadwaynihii ayaa salaadii makhrib usoo gashay iyaga oo aan ka bogan Su'aalaha ay qabeen, iyo inay hayadahan amaanka tusaan inay yihiin muwaadiniin dalkoodan cusub Jecel, diyaarna u yihiin ka  difaacidiisa cadowga gudaha iyo kan dibadaba, daneenaya nabadgalyadiisa, doonayana inay Hangool isga qabtaan cid alaaliyo cidii wax u dhimasa amaanka wadanka Guud ahaan iyo gaar ahaan Gobolkan Massachusetts.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com