shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweynaha Puntland oo Dalbaday Gargaar Caalami ah si loola Dagaalamo Burcadd Badeedda

(Nayroobi.  April 18,  2009 Ceegaag Online)

Mad. Faroole iyo Axmed walad

Madaxweynaha Dawladd Goboleedka Puntland oo Maalmihi Ugu Dambeeyay ku sugnaa Magaaladda Nairobi ee Caasimadda kenya si uu kulamo ugula Qaato Xubnaha Beesha Caalamka iyo Safiiradda Dalalka Horumaray sida Maraykan iyo sidoo kale inuu ka Qayb galo Shir Caalami ah oo Dhawaantan ka Furmi Doona Dalka kenya oo looga Hadlayo Burcadd Badeeda Soomaliya.

Madaxweyne Faroole wuxuu sheegay in Maamulkiisu uu u baahan yahay $20m Sanadkiiba si loogu maalgeliyo ayuu yiri inka badan 2,000 oo askari oo ka hawlgala xeebaha ay ku sugan yihiin Burcadbadeeda ,Dr. Faroole wuxuu sheegay in goobaha ay burcadbadeedu ku sugan tahay ay yihiin dhul adag oo aan lahayn waddooyin loo maro.

Waxa uu sheegay haddii Maamulkiisu uu helo gargaarkaasi lacageed in Maamulkiisu uu awood u yeelan karo in uu la dagaalamo Burcadbadeeda ,Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) waxa uu ku sugan yahay magaalada Nairobi oo uu kaga qeybgelayo kulan halkaasi ka furmi doona kaasoo looga hadli doono burcadbadeeda.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la kulmay Safiirka Dowlada Italy u qaabilsan wadanka Somalia Mr. Stefano Dejak [April 16, 2009] iyadoo kulankaasi uu ka dhacay Hotel Panari oo ay ku soo degeen Wafdiga Puntland maalintii Arbaco.

Safiirka Italy ayaa Madaxweynaha kala hadlay arrimo tiro badan oo ay ka mid yihiin xiriir wanaaga iyo xoojinta amaanka iyadoo weliba uu Safiirka Dowlada Italy si gaar ah uga codsaday Madaxweynaha Puntland inuu kaalin ka qaato soo deynta markab lagu qafaashay xeebta degaanka Laas Qoray.

Kulankaasi ka dib ayaa Madaxweynaha wuxuu qado sharaf la yeeshay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Mr. Ahmedou Ould-Abdallah iyadoo kulankaasi ku dhamaaday jawi qurux badan.

Madaxweyne Cabdiraxman Farole ayaa safarkiisii hore uu ku tagay Dalka Djibouti kulan rasmi ah la yeeshay Mr. Ould-Abdallah iyagoo ka wada hadlay arrimo badan sida Nidaamka Federaalka oo ay ku dhisan tahay siyaasada Maamulka Puntland waxaana kulankii Nairobi ahaa qado iyo salaan sharaf.

Isku Soo wada duubo Safarka Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa noqday mid u dhaxal gali kara Dadweynaha reer puntland iyadoo tan iyo marki la doortay Cabdiraxmaan faroole uu safaro ku kala bixiyay Dalalka Itoobiya,Jabouti iyo Nairobi oo uu Hadda Safar ku joogo.


Cabdirashiid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com