shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Fu'aad Shangoole Madaxa Tababaradda Al_Shabaab oo Maanta Shir Ku Qabtay Magaaladda Muqdisho.
 

(Muqdisho.  April 29,  2009 Ceegaag Online

Fu'aad shangole

Sheekh Fu'aad Maxamed (Shongalle) oo ah Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Alshabaab, ayaa beeniyay wararkasheegaya in isaga lagu dilay Dagaal ka dhacay Gobolada Dhaxe,wuxuuna sheegay inuu bad qabo oo uu nool yahay.

Sheekha waxaa uu qiray in Weerar lagu qaaday Gaari uu la socday meel u dhow Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, waxaana uu tibaaxay in weerarkaas aanu aheyn mid qorsheysan, balse uu ku dhacay si kama, ah.

Waxaa kale oo uu sheegay sheekha in deegaano ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo G/gaduud uu tagay, isla markaana halkaas uu u aaday howlo ku aadan wacyi gelin iyo fidinta Diinta, isagoona tibaaxay in muxaadarooyin kala duwan uu deegaanadasi uu tagay .

Fu’aad Shongole ayaa waxaa uu ka hadlay dilalka qorsheysan ee ka socda Magaalada Muqdisho, kuwaasoo si toos iyo si dadban lagu dilayay Saraakiil ka tirsan Maxkamadaha, waxaase uu ku gaabsaday in dilalkaas ay ka dambeeyaan rag gaar ah oo aanay Alshabaab wax shaqo ah ku laheyn,isalamarkaana ayasan isku raacsanayn.

"Ma qabo in loo hanjabo Odayaasha Dhaqanka, Cidii disha Ruux Islaam ah waa daalim,Xaqna maaha in la dilo" ayuu yiri Sheekh Fu'aad Shongole oo ka mid ahaa Golihii Fulinta ee Maxkamadihii Islaamka mudadii lixda bilood ee dalka maamulayeen, wuxuuna ahaa sarkaalka ka Madax ah Waxbarashada iyo Dhalinyarada Golihii Maxkamadaha Islaamka ee Berigaasi.

Sheekha waxa Sidoo kale Mar wax laga weydiiyey Dowladda Midnimada Qaran sida uu arko waxaa uu sheegay in uu u arko Dowlad Riddo ah oo sharciga uu qabo in lala dagaalamo maadama buu yiri ay magan u tahay ciidamo shisheye.

Sheekha waxa uu sheegay inuu ka xun yahay in la dilo ragii aan isku safka ahayn, wuxuuna qiray inuusan waxba ka ogayn, islamarkaana la dilay rag isaga dhinaciisa ku qaali ah oo uu aad uga naxay .

Sidoo kale sheikha waxa uu cambaareeyay sii deyntii bilooyin ka hor laga sii daayay Magaalada Baydhabo Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, xilli ay mar qabteen Alshabaab, waxaana uu sheegay go'aanka lagu sii daayay uu lahaa Afhayeenka Alshabaab, balse aanu aheyn Go'aan Alshabaab ay islaqabto.

Waxa uu sheegay in uu xiligaan uu telefoonka ku hadlayo uu joogo Muqdisho, uuna wado abaabuil dagaal.

Dhinaca kale waxaa uu beeniyey in Shabaab handadeen odayasha Hawiye ee Axmed Diiriye iyo Xaad.
 
Cabdirashid Maxamed Daahir
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com