shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxkamadaynta Ragii Dilka U Gaystay Gudoomiyaha Gobolka Karkaar oo Ka Bilaabay Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Magaaladda Qardho.

(Qardho.  April 30,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa Maalintii Labaad ka socota Magaaladda Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar Dhagaysiga Dacwadda Raggii ka dambeeyay Dilkii loo Gaystay Gudoomiyihi Gobolka Karkaar Yaasiin Siciid Xuseen Waxaana Maxkamaddu Maalintii Shalay ahayd 29/Aprill/2009.
 
 
Maalinimaddi Shalay ahayd oo ahayd Bilawga Maxkamada ayaa waxaa la keenay 4-Nin ee lagu eedayay inay Dilka Gaysteen ka dib markii la sheegay in Gaari Qaad wadda oo ay nimankan Falka gaystay wateen ay Rasaas fureen ka gadaal markii ay qaad ka qaadan lahayeen Ciidamo la socday Gudoomiyaha balse ay Nimankan Rasaas Fureen oo ay ku dhacday Gudoomiyaha waxaana aan jirin wax Qareen ah oo udoodaya Nimankaan iyaga oo Afkooda isku difaacayay.
 
Sheikh Cabdulqaadir Gacamey oo ah Gudoomiyaha Guddiga u xilsaaray Arrintan Madaxweynaha Dawladd Goboleedka Puntland ayaa isagu goobta ku sugnaaa waxaana Maxkamadda loo balamay maalinimadda Maanta ah 30/Aprill/2009 waxaana maanta sideedi u socata maxkamadaynta iyado go'aanadda Maxkamadda la filayo inay soo baxayaan Maanta galinka dambe .
 
 
Taariikh Nololeedka Marxuum Yaasiin Siciid Xuseen.
 
 
Waxaa Maanta soo Booqday Xafiiska Shabakadda Ceegaag Online ee Magaalada Qardho Xildhibaaan Faarax jaamac boos oo ka mida Mudanayaasha Baarlamaanka Puntland ahaana Gudoomiye ku xigeenki hore ee Gudoomiyihi Gobolka Karkaar ee Geeriyoday Yaasiin Siciid Xuseen.
 
 
ALLA HA U NAXIISTE Marxuum yaasiin Siciid Xuseen waxaa uu dhashay 1964 waxaana uu ku dhashay Magaaladda Qardho waxaana uu wax barashaddiisi aasaasiga ahayd ku bilaabay Magaaladda Qardho Dugsiga Quraanka ayaa uu galay waxaana uu galay Dugsiga Hoose kaas oo ku yaalay Magaaladda Qardho lana Dhihi jiray Cawke Yuusuf oo hadda loo yaqaan AL_Waddaniya waxaana u galay 1972.
 
 
Dugsiga Dhexe waxaa uu ka dhigtay Dugsiga loo yaqaanay Wakhtigaas Kuleejo 1979
Haddana loo yaqaan Dugsiga Dhexe ee Xaaji Aadan 1980-1984 waxaa uu Qardho ka dhigtay Dugsiga Sarre markaa uu udhaamaday Dugsiga sare ma uu galin Shaqaddii Qaran waxaase uu bilaabay Ganacsi Dekedda Berbera ayaa uu ganacsi xoolaha ka dhoofsan jiray ilaa ay dawladda siyaad barre ugu dhacday.
 
 
Waxaa uu usoo Wareegay Goboladda Puntland 2003-2004 waxaa uu ahaa Mayor ku xigeenka Degmadda Qardho oo u Gudoomiye ka ahaa Cisman Buux Cali 2005-waxaa loo Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Karkaar waxaana Gudomiye ku xigeen u noqday aniga oo ah Faarax jaamac boos Aniga intaan la shaqaynayay waxa uahaa Axsanu naas nin wanagsan oo Nabadda jecel oo wanaaga ka shaqeeya waxaana aan la shaqeynayay Saddex sano 25/Sep/2008 ayaan Xilka Iska Casilay iyadoo aanay Jirin wax duruufa iyo Caqabad Midna waxaana doonayay inaad Taako kale gaaro oo meelo kale ka qaybgalo.
 
 
Yaasiin waxaa u ahaa Nin Wadani ah alla ha unaxariiste waxaana lagu xasuusta Barnaamijkii loogu Magac daray Xoojinta Nabadda oo ka fulay Goboladda Puntland Karkaar oo kaliya.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com