shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Cabdiwali Cabdulqaadir Muuse oo maxkamad lagu saarayo magaalada New York

(New York,  April 21,  2009 Ceegaag Online) 

Waxaa maanta maxkamad lagu soo taagay mid kamida wiilashii qafaashay mudo saacado ah markab lagalahaa wadanka mareekanka, wiilashaa oo kadibna gacanta ku dhigay Kabtankii markabkaa haystanay ilaa mudo afar maal mood ah.

Wiilkan oo dadiisa lagu qiyaasayo ilaa 16 jir ama 17 jir ahna ninka kaliya ee ka nool raga budhcad badeeda ahaa ayaa maanta la hor keenay maxkamad ku taala magaalada New York oo baadha danbiyada Argagixisanimo ee ka dhaca qaarada Afrika.

 Hooyada dhashay wiil kan  Cadar C/raxmaan Xasan oo ku nool haatan magaalada Gaalkacayo ayaa fariin u dirtay madaxweynaha dalkaasi Mareykan Barack Obama iyadoo ka codsatay inuu wiilkeeda cafiyo ama u ogolaado inay goobjoog ka ahaata meesha maxkamada lagu saarayo.

"Wiilkeyga waxaa duufsaday kooxo gangisteriin ah oo lacag haysta, waxaana arinkaa ku kalifay faqiirnimo iyo lacag la`aan haysay darteed",  sidaa awgeed waxaan codsanayaa in loo danbi dhaafo wiilkayga.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayaa waxaa ey tiri hooyada dhashay C/wali "Aad ayaan ugu farxay markaan maqlay in uu wiilkeyga ku jiro gacanta Mareykanka, sababtoo ah waxaan maqlay in Mareykanku aad u dhowro xuquuqda bini`aadamka".

Waxaa durdaba soo baxaya Warbixino sheegaya in Mareekanku sharcidaro ku haysto wiilkan yar oo aanay wax sharci ah u hayn oo ay tahay haysashadan mid qafaalsho ah.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com