shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Warbixin ku saabsan Markabka Talyaaniga ah ee Lagu Haysto Deegaanka Gacan ee Laasqoray.

(Laasqoray,  April 19,  2009 Ceegaag Online) 

15 April 2009 baa maqaalkaan lagu soo daabacay La Repubblica (Al Jamhuuriya) oo ah jariidada maalinlaha uguna cod dheer dalka Talyaaniga. Hordhac: Baaritaan lagu sugi doono haddii uu markabkaan sido haraadiga sunta ah iyo in kale. Shirkadda talyaaniga magaceedu yahay Mikroperi oo leh milkiyadda markabka waxaay ku andacoonaysaa in markabkaan uusan sidin wax kamuul ah. Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka DG Puntland oo ah degaanka ay ka tirsan-yihiin ragga gacanta ku dhigay markabkaan wuxuu bixiyey damaanad. Soomaaliya, DG Puntland waxaay daboolka ka qaaday: "Innaga ayaa baari-doona markabka talyaaniga".

Waxaa qoray: Vincenzo Nigro Sawirkaan waa midka markabka talyaaniga magaciisu yahay: Buccaneer Rooma. "Saacadaha fooda innagu soo haya DG Puntland waxaay la wareegi doontaa mas'uuliyadda markabka talyaaniga iyo labada marakiib kallumaysiga laga leeyahay Masar oo ay gacanta ku wada dhigeen maliishyada gobolka. Mas'uuliyiinta DG Puntland waxaay damaanad qaadayaan xaq-dhoowrka xuquuqal-insaanka iyo in si wanaagsan loola dhaqmo shaqaalaha talyaaniga iyo dhamaan shaqaalaha kale gacanta lagu dhigay saacadihii la soo dhaafay".

Bayaankaan waxaa daboolka ka qaaday Xildhibaan Siciid Faarax Maxamuud oo ku magac-dheer (Siciid Ocha) kaasoo ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka DG Puntland, gobolka ay ka tirsan-yihiin "kallumaysatada" sabtidii la soo dhaafay gacanta ku dhigay markabka magaciisu yahay Buccaneer. Ilaa iyo hadda mas'uuliyiinta talyaaniga xiriir toos ah lama sameeynin DG Puntland, waxaayna door-bideen in ay la xiriiraan Dowladda dhexe ee Muqdisho. Hasa yeeshee DG Puntland waxaay haddiiba horay u qaaday tillaabo.

"Berri subax (15 April) wafdi ka socda DG Puntland oo ka kooban siyaasiin, hawl-wadeeno, odayaal iyo nabadoono beelaha degaanka oo dhan wuxuu u baqooli doonaa Laas Qoray oo ah degmada baroosinka loo dhigay marakiibta. "Waxaan doonaynaa in aan sida ugu wannagsan u maareeyno arrintaan".

Waxaa sidaa ku nuux-nuuxsaday Xildhibaan Siciid Ocha oo ah Xildhibaanka Baarlamaanka DG Puntland u xilsaaran arrimaha xuquuqal-insaanka. Xildhibaanku wuxuu xiriir aad u wanaagsan la leeyahay Madaxweeynaha cusub Mudane Cabduraxmaan Maxamed Maxamuud iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha S/Gaas Cabdullahi Axmed Jaamac oo ku magac-dheer Ilka-jiir.

Mas'uul kale Soomaaliyeed, Mudane Yusuf Bari-Bari oo ahSafiirka Soomaaliya u fadhiya Jimciyadda Quruumaha ka dhexeeysa ee Geneva kaasoo in muddo ah ku noolaa dalka Talyaaniga wuxuu inoo sharraxay ahmiyadda ay xambaarsan-tahay ka soo jeedida uu S/Gaas Ilka-jiir ka soo jeedo degaanka Laas Qoray taasoo rajo wanaagsan u leh markabka Buccaneer. "Wasiir Ilka-jiir wuxuu ka soo jeedaa degaankaas, mas'uuliyaddiisa iyo wax-qabadkiisa siyasadeedna waxaay ahmiyad gaar ah u leedahay wada xajoodka maliishyada gacanta ku dhigtay markabkaan. Teeda kale waa in arrin la cadeeyaa. "Raggaan ka soo jeeda Puntland ma ahan burcad-badeed mana ahaa dambiilayaal: waa kallumaaysato si gaar ah uga dhiidhiyay sharcidarrada looga kallumeeysto iyo sida joogtada haraadiga sunta ah loogu daadiyo baddeena".

Mudane Yusuf Bari-Bari wuxuu kaloo ku nuux-nuuxsaday sida madaxda DG Puntland xilliga aynu ku jirno ay tahay in ay u maareeyaan "cabsi dhab oo shacabka oo dhan saameeyn ku leh taas oo ka dhalatay tuhunka in booyadaha uu markabkaan jiidayo ay ku jiri karaan haraadiga sunta ah".

Idaacadaha ku hadla afsomaliga waxaay shalay sii daayeen warbixino tilmaamaya dareenka shacabka. "Si aan xaqiiqada u hubsanno waa in aan baarnaa xamuulka laga shakisanyahay ee sidaan booyadaha talyaaniga" buu yiri Mudane Bari-Bari. Mikoperi oo ah magaca shirkadda leh milkiyadda markabka Buccaneer oo saldhig ku leh magaalada Ravenna waxaay jariidada La Repubblica (Al Jamhuriiya) u xaqiijisay "in uusan shaku ku jirin in booyadahaan ay maran-yihiin".

Shalay milkiilaha leh shirkadaan magaciisu yahay Silvio Bartolotti wuxuu tagay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Talyaaniga taasoo illaa iyo hadeer uusan soo gaarin codsi madax-furasho ama wada-xaajood ku saabsan markaabkaan ay leedahay shirkadda Mikroperi. Rajadu waxaay tahay in laga billabo saaka la helo warbixino kuwaaso oo DG Puntland mudnaantooda leedahay.
 
 
Cabdirashid maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com