shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shaqaalihi Hayadda MSF oo la sii Daayay.
 

(G.Bokool,  April 28,  2009 Ceegaag Online


Iyadoo koox dablay ah oo hubaysan ay afduub ugu haysteen deegaano hoosyimaada Gobolka Bakool shaqaale ajnabi ah ayaa Wararka ka imaanaya magaalada Baydbabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in la siidaayey laba nin oo u kala dhashey wadamada Holand iyo Belguim oo ay afduub ugu Gobolka Bakool kooxo maleeshiyaad Soomaali ah.
 
 
Siideynta labadan ee ka midka ah shaqaalaha hayada MSF ayaa la sheegay in siideyntoodu ay ka dambeysay ka dib markii ay dadaal dheer galeen odayaasha iyo waxgaradka deegaankaasi, iyadoon la bixin wax lacag madaxfurasho .
 
Dhanka kale Ururka al-Shabaab ayaa maanta xaqiijiyay in la sii daayay Shaqaalihii MSF ee lagu haystay deegaano ka mid ah Gobolka Bakool, waxeyna Alshabaab cadeeyeen in kooxihii afduubka ku haystay Shaqaalahaasi MSF aan la siinin wax madax furasho ah.
Shaqaalahaasi MSF ayaa lagu haystay deegaanka lagu magacaabo
Quracle oo 10-km u jirta Rabdhuure oo ka tirsan Gobolka Bakool, Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa saxaafadda u sheegay inay saakay ku guulaysteen in shaqaalahaasi la sii daayay.
 
Wararka ka imaanaya degmada Rabdhuure ayaa sheegaya in kooxihii afduubka ku haystay shaqaalahaasi caddaanka ay saakay waabarigii odayaasha dhaqanka iyo salaadiinta ka soo jeedda gobolka Bakool ku wareejiyeen shaqaalahaasi MSF.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa cadeeyay inay dadaal u galeen sidii loo sii dayn lahaa Shaqaalahaasi MSF, wuxuuna cadeeyay in si wadahadal ah lagu sii daayay ragaasi afduubka loo haystay.

Dhinaca kale Odayaasha dhaqanka iyo salaadiinta ayaa lagu soo warramayaa in lagu guulaystay in la sii daayay Shaqaalahaasi MSF u shaqeenaayay, waxeyna odayaasha dhaqanka cadeeyeen in shaqaalahaasi lagu wareejiyay Ururka Al-Shabaab.  
 
Cabdirashid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com