shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweynaha Somalia oo Tagay Magaaladda Qaahira Dalka Masar.

(Qaahira, Masar,  April 21,  2009 Ceegaag Online) 

Magaaladda Qaahira ee xarunta Dalka Masar waxaa gaaray madaxweynaha Dalka Soomaliya Sharif sheikh axmed isaga oo ka soo kicitimay Magaaladda Ankara ee Turkiga waxaana madaxweynaha ku soo dhaweeyay Masar masuliyin ka tirsan Dalkaasi Masar.
 
Safarka madaxwayne shariif ayaa yimi kadib casumaad uu ka helay masuuliyiinta sarsare ee wadanka Masaarida iyadoo booqashadiissan ay tahay midii ugu Horaysay ee uu ku tago wadanka Masar tan iyo intii Loo doortay xilka madaxwaynaha DKM ee Soomaaliya isagoo halkaasi Ku Sugnaan Doona Mudo labo Maalmood ah .
 
Madaxwaynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa la filayaa in inta Uu ku suganyahay Magaalada Qaahira uu kulamo la qaato Masuuliyiinta wadanka Masar oo uu ugu Horeeyo madaxwaynaha Wadanka Masar Muxamed Xusni Mubarrak.
 
Ilo wareedyo ku dhawdhaw madaxwayne shariif oo ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Soomaaliya uu kala hadli doono masuuliyiinta Wadanka Masar arimo farabadan oo khuseeya wadanka Soomaaliya oo Ay ugu horayso arinta cabsida galisay maraakiibta caalamka ee burcad Badeeda Soomaalida ee falalkooda xawliga galiyay mudooyinkii danbe
Dhank kale Dawlada Masar ayaa iyadu sheegtay inay madaxwaynaha Soomaaliya ku casuntay wadankeeda islamarkaana ay kala hadli doonaan madaxwayne shariif arimo ay kamid tahay dibu dhiska dalka Soomaaliya sidii labada wadan ay isaga kaashan lahaayeen burcad badeeda sidii xukuumada Masar ay u taageeri lahayd hanaanka nabadd ku soo dabaalid ee ay wado Dawlada KM ee Soomaaliya.
 
 
Iyadoo safarkan Madaxweyne Shariif ku soo beegmayso xili Xeebaha Maamul Goboleedka Puntland ay ku suganyihiin laba markab oo laga leeyahay masar oo ay haystaan koox sheegtay inay yihin Kaluumaysato Deegaanka Laasqoray ka soo jeeda .
 
 
Cabdirashid Maxamed Daahir
 www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com