shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dawlada Soomaaliya oo ka hashay caawimadii ugu horaysay oo shan Shan Malyan  dawlada Ciraaq

(Dooxa, Qadar.  April 01,  2009 Ceegaag Online) 

Dawlada Soomaaliya ayaa waydiisatay Aduun dhan Afartab milyan oo doolarka Mareekanka ah dawladaha carabta, baaqaa codsiga deeqeed ah ayaa waxaa ilaa hada ka soo jawaabay dawlada Ciraaq.

Dawladaha Carabta ayaa ka lug jiidaya inay caawiyaan dawlada Soomaaliya si mar uun loosoo afjaro dagaalka sokeeye ee 20kii sanadood ee tagay ka dirkamaya gayiga Soomaalida.

Dhinaca kale Dawladaha carabta ayaa si Hagbad oo kale ah u furay Sanduuq dhaqaale dawlada Soomaaliya iyagoo balan qaaday inay Sadex Malyan ku shubaan bilwalba deeqdan  ayaa waxaa siwada jir ah u bixinya dhamaan dawladaha Carabta.

Balse, maamulka Sheekh Shariif ayaa laga yaabaa inay dawladahan Carabtu si gooni gooni ah jeebka gacanta ugu galin doonaan.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com