shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Baarlamaanka Soomaliya Oo Ansixiyay ku Dhaqanka Shareecadda Islaanka.

(Muqdisho.  April 18,  2009 Ceegaag Online)

Kulankani oo ay ka soo xaadireen xildhibaano gaaraya 343-xildhibaan oo uu shir gudoominayay Gudoomiye Ku xigeenka 2-aad ee Golaha Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqore ayaa waxaa ay dhamaantooda isku raaceen in cod aan kala sooc leheyn ay ku ansixiyaan in dalka lagu dhaqo shareecada islaamka.
 
Kulankani ayaa Dhamaan Mudanayaashi Fadhiyay Cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyeen Ku Dhaqanka Shareecadda Islaanka Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa maanta cod aan kala har leheyn ku Ansixiyay ku dhaqanka Shareecada islaamka Kadib kulan ay maanta isugu yimaadeen mudanayaasha Baarlamaanka Kmg Soomaaliya xarunta Gadiidka Booliiska magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay Si wayn u gorfeeyen Agendaha la xariira ku Dhaqanka Sharecadda Islaamka.
 
Ansixinta Ku dhaqanka Sharecadda Islaanka ayaa Mudanayaasha Baarlamaanku waxay Bilaabeen TAKBIRTA waxaana ay laahaayeen ALAAHU AKBAR,ALAAHU AKBAR,waana Markii ugu horaysay Tan iyo Markii ay soomaliya Xoriyad Qaadatay oo Dawladd Islaami ah ay Yeelato iyadoo ay wali ka aragti duwanyihiin Kooxo kale oo islaamiyiinta Koonfurta ka Dagaalama ah sida All_shabaab iyo Xisbul islaam oo Gacanta ku haya inta badan Koonfurta Soomaliya.
 
Marka la eego ku dhaqanka Shareecadda islaanka ee dalka soomaliya dawladaha qaar waa ay soo dhaweeyen sida dawladda itoobiya oo Males oo waraysi bixiyay Cadeeyay inanay shaki qabin in soomaliya Dawladd Islami ah ka dhalato.
 
Cabdirashiid Maxamed Daahir

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com