shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Madaxwayne Sheekh Shariif oo deeqdii Carabta ku tilmaamay Caansiirin Ciladaysan oo aan u cuntamin Dawladiisa

(Soomaaliya.  April 03,  2009 Ceegaag Online) 

Shirkaa wadamada carabta ee dooxo ayaa gabi ahaanba layska riixay in wax loo qabto Soomaaliya Sababo aan ku qiyaasono sidatan.

1. Soomaaliya waxaa ka dhismay dawlad Islaami ah oo dadkeeda u tudhasa, halka wadamada carabta   badan        kooda  ay ka taliyaan qawleesato dadka iyo duunyadaba dubta.

2. Soomaaliya oo laga daalay waxwalba oo Soomaali isku khilaafi kartay layskusoo Khilaafay dawlad walba oo dalka kadhalatana loogu diiday inay hano qaado. Hadana u leexatay khilaaf xaga diinta.

Madaxwayne Shariif ayaa sidii naag la guursaday lagu yidhi halkaa Biilka qaado, inagoo ogayn in Soomaalida lacago caydha loo qoro sidaa awgeed adiga iyo dawladaaduna Cardkaa qaatoo xoogaaga caydha ah bil walba Cardka marsada.

Dawladaha carabta ayaa ka helay codsi madaxda Soomaaliya ee shirka ku sugnayd iyagoo codsigaa uga jawaabay inay Soomaaliya tusaan meesha ay ka taagan tahay sidaa awgeed ayaa Madaxwayne Sheekh Shariif maanta si cad isaga diiday inuu qaato cadquudheedkaa cilkadaysan ee la doonayo in sharafta lagaga qaado.

Hadaba su'aashu waxay tahay yay sugasaa dawlada Soomaaliya waa dadkeeda ku firirsan Dunida inay dhistaan dawladan hadii dawladu kasoo dhalaasha inay dadka tusto inay dawladoodii tahay oo aysan ahayn mid dad gaara ku taajirayaan sidii tii ka horaysay oo Raysal wasaare Geedi iyo Kooxdiisii ka faro qabsadeen kana Dhisteen Guryo ilaa Kenya iyo Mareekanka.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com