shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xasan Daahir Aways oo u muuqda inuu doonayo inuu wax laqabsado kooxihiisii maxkamadaha oo hada gacanta ku dhigay xukunka Soomaaliya

(Muqdisho,  April 24,  2009 Ceegaag Online) 

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ninka ugu mayalka adag dhinacaku dhaqanka shereecada ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamay guul mar hadii uusan maanta hadal ka taagneen ku dhaqankeeda ee lagu muransan yahay uun sidee iyo cidee ugu haboon in hawsha shreeco ku dhaqanka looga danbayn lahaa.

Sheekh oo maanta ugu qudbeenayay dadwayne isugu soo baxay xaafada wardhiiglay ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa  " in Maanta uu Baarlamaaka yiraahdo shareecada Islaamka ayaa leysku xukumayaa waa tilaabo horumar leh oo ay keeneen raga Mujaahidiinta ah, laakiin waxaa isweydiin mudan  tageeridda  Itoobiya iyo Mareykanka oo ay kaga raali naqdeen  shareecada in ay dadka Soomaalida ay isku xukumaan" Sheekha ayaa dhaliilay falaqeentii uu bixayay ra'iisal wasaraha Soomaaliya isagoo yiri "arinkaas waxa uu shaki gelinaa ku dhaqanka shareecadda" .

Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa ciidamada AMISOM ku tilmaamay inay yihiin nabad ka ilaalin aysan aheen nabad Ilaaliyayaal isagoo intaas sii raciyay waxa ay Soomalida ka ilaalinayaan in ay tahay diintooda , wuxuuna ku amray  inay dalalkoodii ku laabtaan, wuxuuna ka digay in hadii ay sii joogaan dalka leysku baabi'i doono sidii dhacday markii lala dirirayey ciidamada Itoobiya wuxuuna yiri " Ciidamada shisheeye waa Bacteria inagu dhex jirta, dadkaas waxaan kula talinayaa inay naga badbaadiyaan inaan isugu baaba'no sidii nimankii naga tagay inaan isugu baaba'no" ayuu mar kale yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys.

Mar uu ka hadlayay dilalka qorsheysan ee ka socda Somaliya ayuu waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay  in ay thay wax laga xumaado kuna tilmaamay dilalka qorsheysan wax uu waddo cadowga kana dambeeyo oo uu waligiis soo wadi jiray oo ah in umadda dadka qiimaha leh laga dilo oo uuna cadowga ugaarsado laakiin in si kale wax u dhacaan ayaa dhici karta arintaasina aad iyo aad ayaan cambaareynayaa.

Waxa uu ugu baaqay in xoogaga muqaawamada ee isla soo wada dagaalamay in ay heshiiyaan oo ay sii taabo galiyaan fakirkii ay ku midoobeen markii hore shacabakuna ay ka sugayeen dhaqan galkiisa.

"Al Shabaab ha ahaato Xisbul Islaam ha ahaato ama Maxkamadaha dadkaasi waa in lagu mideeyo hadafkoodii ay ku midoobeen masuuliyadii umadaani ay ka qaadeena ay ka soo baxaan"ayuu hadalkiisa intaasi ku soo gab gabeeyay Xasan Daahir

Daawo Sawirada


 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com